Baardheere, December 10, 2011 (Berberanews) – Wararka ka imanaya degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, ayaa sheegay dhimashada wiil yar oo 13 jir ah, ka dib markii mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka Kenya duqayn u geystatay laba xarummood oo lagu quudiyo haweenka iyo carruurta.
Sida uu shebekadda Hiiraan u xaqiijinayo goobjooge”Diyaaradu waxay si kaddis ah kusoo dul martay degmada waxayna gantaallo ku dhufatay laba xarumood oo lagu quudiyo caruurta iyo hooyooyinka nafaqo-darradu hayso, waxay gantaal kale ku dhufatay dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee Markabley oo ku yaalla bartamaha degmada,” ayuu yiri goobjooge HOL la hadlay oo ku sugan Baardheere.
Sidoo kale, goobjooguhu wuxuu sheegay inay arkeen wiil 13-jir ah oo ku dhintay duqeynta, isagoo sheegay inaysan ogeyn khasaare kale oo ay duqeyntu geysatay, iyadoo duqeyntan ay noqonayso tii labaad oo maalmo gudahood ay diyaaradaha Kenya u geystaan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Degmada Baardheere oo ka mid ah goobaha kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jirta dawladda taagta daran ee Somalia iyo ciidammada Kenya oo iyaguna dagaalka ku soo biiray, ayaa waxa khammiistii todobaadkii hore diyaarado dagaal oo ay Kenya leedahay aduqeeyeen xarunta ADC-da ee degmada Baardheere, halkaasoo uu ku dhintay hal qof halka qof, kuna dhaawacantay haweeney.
Berberanews.com
Email, info@berberanews.com