Saraakiil gobolka saaxil ka bilaabay diiwaangelinta Hantida Dawladda iyo kulan ay la yeesheen Maayar Cabdalle

Berbera-10,Dec,2011-(Berberanews)- Masuuliyiin Sar sare oo ka socda Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryeynta, Wasaarada Maaliyada, iyo Baanka dhexe ee Somaliland, ayaa todobaadkii u danbeeyay ka waday magaalo-xeebeedda Berbera iyo Degmada Sheekh tiro-koob iyo diiwaangelinta Hantida Dawladda sida Gaadiidka, Guryaha dawlada iyo hantida kale ee ma guurtada ah.

Saraakiisha ka socda wasaaradahani oo soo gebogebeeyay diiwaangelinta Hamtida Dawladda oo ay u addeegsadeen qalabla casriga ah ee GPRS, ayaa saaka kulan ay Maayarka Berbera Cabdalle Maxamed Carab xafiiskiisa kula yeesheen xogwaran ku siiyay natiijada uga soo baxday diiwaangelintaas mudadii ay Gobolka Saaxil ku sugnaayeen.

Agaasimaha Waaxda Dhulka iyo Guryaha ee Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Eng. Maxamuud Maal Cali, ayaa saxaafadda uga waramay ujeedada hawshooda shaqo ee ay Saaxil ka wadeen, waxaannu yidhi “Waxaanu Berbera joognay muddo, anagoo ka kooban koox isugu jirta Injineerada Wasaarada Hawlaha Guud, xubin ka socda Wasaarada Maaliyada, iyo xubin ka socda  Baanka dhexe kuwaas oo u socda in ay diiwaan galiyaan, Gaadiidka dawlada, Guryaha Dawlada, Bakhaarada waaweyn ee dawlada, iyo Kaalmaha Shidaalka ee dawlada iyo dhulka banaan iyo kuwa dunsan ee ay leedahay dawlada dhexe.

Ujeedada laga leeyahay hawshanina waxay tahay, in la ogaado tirada guud ee  dhismayaasha dawlada dhexe, in la ogaado xaalada dhismaha ee uu gurigaasi ku sugnyahay, in la ogaado cida ka masuulka ah ee gacanta ku haysa ama cida ku jirta dhismahaas, in la ogaado inta guri ee ay dawladu kiro ka qaado iyo inta aanay kiro ka qaadin, hawshaasna waxaanu maalmahii u danbeeyayba ka wadnay magaalada berbera, maanta ayaanay noo soo gaba gabowday, natiijada hawshaas ka soo baxdana waxaannu  gaadhsiin doontaa meelaha ay khusayso”

Agaasimaha Guud oo wax laga weydiiyay waxa ay ka yeelayaan dadka iibsada iyo kuwa wax-ka-bedelka ku sammeeya Guryaha Dawladda, waxa uu yidhi, ” Guri dawladi leedahay cidi ma iibsan karto, cidana ma iibin karto laakin waxaa la kala iibsadaa waa hadhka taasna marka ay wasaaradu awoodeeda yeelanto waa la xalin.

Agaasimaha oo ka jawaabayay waxa ka jira in dadka ku jira guryaha dawladda oo qaarkood danyar yihiin laga saarayo waxa uu yidhi, “Cid wax laga saarayaa ma jirto ee waa diiwaan galin iyo ogaanshaha xaalada guryaha dawladu leedahay,hawshan waxaan ka soo qabanay gobolada kale ee dalka, sida Togdheer, Sanaag, Saraar iyo Saaxil.”

Waxaa kale oo Agaasime Maal la waydiiyey, waxa jira guryo Dawladu leedahay oo inta la dumiyey dib loo dhisay, “kuwaas arinkooda iminkaa lagu jiraa, waana la joojiyey, waayo waxaa jirta Digreeto uu madaxwaynahu soo saaray iyo mid uu wasiirku soo saaray oo tixraaceedu yahay, JSL/WHG&G/236-747/102011, kuna saabsanaa Guryahay dawlada iyo dhulka danta guud, waa hanti qaran waxaana awood sharci u leh dawlada dhexe iibintiisa, bixiintiisa, kirayntiisa, waxaana reeban in cid gaari ah mulkiyad iyo lahaansho gaara loogu samayo.”ayuu yidhi Agaasimaha Waaxda Dhulka iyo Guryaha ee Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Eng. Maxamuud Maal Cali.

Khadar Jaamac Xaashi

Berberanews,Berbera.