Somaliland oo Shirkadaha Ganacsiga, Hay’adaha UN-ka iyo Jaamacadaha ugu baaqday inay deg-deg u diiwaangeliyaan Shaqaalohooda Ajaanibka ah

Hargeysa-(Berberanews)- Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Ilhaan Maxamed Jaamac, ayaa Hay’adaha Caalamiga ah, kuwa Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, Shirkadaha Ganacsiga, Jaamacadaha, Iskuullada iyo Wershadahaha ka shaqeeya dalka waxay ugu baaqday inay sida ugu dhakhsaha badan Shaqaalohooda Shisheeye ee ka hawlgala uga soo diiwaangeliyaan Wasaaradda Arrimaha Bulshad.

Wasiirku waxay sidaa ku sheegtay qoraal ogeysiis ah oo ay caawa soo saartay, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:- “Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland, waxay ogeysiinaysaa dhammaan loo shaqeeyayaasha dalka sida Hay’adaha UN-ka, Hay’adaha caalamiga ah, Bulshada rayidka ah iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay sida (Isgaadhsiinta, Xawaaladaha, Wershadaha, Hudheellada, Cusbitaallada, Iskuullada, Jaamacadaha, Iskuullada Luuqadaha iyo dhammaan Shirkadaha iyo Ganacsatada kale, inay ka diiwaangeliyaan Shaqaalohooda Ajaanibka ah Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada sida ugu dhakhsaha badan.

Maaddaama oo aynu nahay Waddan xor ah waxaynu leenahay Shuruuc, kala dambayn iyo nidaam ku saabsan Shaqaalaha dadka Ajaanibka ah sida ku qeexan Sharciga dalkeenna ee Shaqaalaha Rayidka ah Xeer Lambar- 31/2004;qodobka 32-aad. Sidaa darteed, waxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu ugu baaqaysaa dhammaan Hay’adaha kor ku xusan inay ka caawiyaan Kormeerayaasha Shaqada si ay u gutaan xilkooda oo ay u helaan Liiska Shaqaalaha Ajaanibka ah.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.