Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida iyo Wakiilada oo Berbera u tegay deminta xiisad ka dhex qaraxday Gudoomiyah Gobolka Saaxil iyo Guddidii Dan iyo Duco

 Berbera-10,Dec,2011-(Berberanews)- Xildhibaano ka kala tirsan Golaha Guurtida iyo wakiilada kana  soo jeeda Gobolka Saaxil, ayaa maalmahii u danbeeyey ku sugnaa  magaalada Berbera, si ay dhex dhexaadin iyo wada hadal  uga dhex  bilaabaan Gudoomiyaha Gobolka iyo Guddidii lagu soo doortay shirkii Dan iyo Duco, ee ka dhacay Deegaanka Dubur, 29/sep/2011 khilaaf soo kala dhex galay.

 Xildhibaanadan ayaa imaatinkooda waxay ka danbaysay, ka dib  markii dhawaan guddidani ay warbaahinta baaq uga soo jeediyeen in  cid kasta oo labada gole kaga jirta gobolka saaxil, iyo cidii kale ee danaynaysa horumarka Gobolka,  ay si deg deg ah u yimaadaan, xarunta gobolka saaxil ee berbera, si loo ogaado cida ka masuul ah khilaafka soo kala dhex galay Guddidan 41xubnood ka kooban iyo  gudoomiyaha gobolka Saaxil, Maxamuud Cali Saleebaan, (Ramaax), oo ay guddidu ku eedeyeen in aanu gudoomiyahu ogalayn hawlaha ay gobolka ka wadaan.

Xildhibaanadan ayaa Shir aan saxaafada loo ogolayn, kula yeeshay Guddidan 41nubnood ka kooban  guriga ay  Magaalada Berbera ku leeyihiin, waxay ilo xog ogaal ahi noo xaqijiyeen in xildhibaanadu  ay ka codsadeen Guddidu  in ay fursad  siiyaan,arrintana dhulka dhigaan inta ay gorfaynayaan xaaladda ee ay la kulmayaan dhinaca kale, iyaga oo guddiduna arinkaa ka aqbalay Xildhibaanada.

Guddida Xildhibannada ah oo kulan gaar ah la yeeshay badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayay wararku sheegayaan inuu isagu ku dooday maadaama uu yahay Badhasaabka Gobolka inaan loo dhaafin arrimaha maamulka iyo siyaasadda, sidaa daraadeedna tallaabada Guddidu waraaqaha dhaqaale ururinta ku geysay Xarumaha dawladdu aanay ahayn qaar sharciyan aan awood u siinayn.

Khilaafkan oo ka bilaabmay ka dib markii ay guddidani gobolka ka bilaabeen qaadhaan dhaqaale ururin ah, oo sida ay guddidani sheegeen  wax lagag  qabanayo meelaha ay bulshadu aadka ugu liidato, sida waxbarshada, caafimaadka, laydhka, iyo meelo kaleba, ay u gudbiyey qaar ka mid ah haayadaha dawlada ee ku yaala magaalada berbera, qorshe dhaqaale lagu ururinayo, isla markaana  ay   shaqaalahaas qaarkood ay  qaadhaankaa iska  jareen,  arinkaas oo sida la sheegay uu gudoomiyaha gobolkuna ka hor yimi, taasina ay sababtay in uu khilaaf halkaa ka dhasho, Guddiduna ay warbaahinta arinkaa kaga hadleen, kuna eedeeyeen Gudoomiyaha gobolka.

Gudoomiyaha gobolka oo aanu isku daynay in aanu arinkaa wax ka waydiino ayaa ka gaabsaday arinkaa ka hadalkiisa.

Dhinaca kale waxaa soo gaadhay Xarunta gobolka saaxil ee Berbera, masuuliyiin ka socda Haayada shaqaalaha dawlada, oo ay xukuumadu u soo dirtay xaqiiqo raadinta arrinkaa khilaafka dhaliyey ee ka dhexeeya Guddida iyo Gudoomiyaha, waxaana markii ay soo gaadheen Berbera,  si toosa u abaaray  Dekadda magaalada berbera oo ka mid ah meelaha qaadhaankaa dhaqaale ururinta ah, shaqaaluhu ay iska jareen.

waxaanay waftigan ka socda haayada shaqaalahu su’aalo la xidhiidha arinkaa guddidu ay qaadhaanka kaga ururinyaan  qaar ka mid ah wakaaladaha dawlada   la yeesheen qaar ka mid ah shaqaalaha Dekadda Berbera, iyaga oo waydiiyey, in ay arkeen cid lacag ka jaraysa, iyo in lacaga laga  jaray shaqaalaha, waxaanay masuuliyiintani kulamo la yeesheen Maareeyaha Dekada iyo Gudoomiyaha Gobolka Saaxil. 

Berberanews.com

Berbera, Email, info@berberanews.com