Addis Ababa (Berberanews)- Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, ayaa si rasmi ah isula qaatay in dib loo bilaabo duullimaayadii diyaaradaha shirkadda Ethiopian Airline ku iman jirtay caasimadda Hargeysa ka hor qaraxyadii argagixiso ee dabayaaqadii sannadkii 2008 ka dhacay Somaliland.
Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo haatan socdaal ku jooga caasimadda waddanka Itoobiya, ayaa shaaca ka qaaday in ay masuuliyiinta ugu sarreeya shirkadda Ethiopian Airline ku heshiiyeen in diyaaradahoodu dib u bilaabaan duullimaayadii ay ku samayn jireen Somaliland xagaaga soo socda oo ku beegan bilaha May ilaa July ee sannadka 2012.
Warsaxaafadeed laga soo saaray shalay natiijada kulamo kala duwan oo wasiirku kula yeeshayAddis Ababamasuuliyiin sare oo ka tirsan dawladda Itoobiya iyo heshiisyo hordhac ah oo labada dhinac wada gaadheen waxa uu u qornaa sidan:
“Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo hawlo shaqo ku jooga waddanka Itoobiya, ayaa kulamo gooni-gooni ah la yeeshay madax kala duwan oo ka tirsan dawladda Itoobiya.
Ugu horreyn, wasiirku waxa uu la kulmay masuulka ugu sarreeya shirkadda diyaaradaha dalka Itoobiya ee Ethiopian Airline Md. Tewolde Gebremariam iyo ku-xigeenkiisa Mr. Yissehak Zewoldi, waxaanay si mug leh isula qorfeeyeen baahida loo qabo in dib loo soo celiyo duullimaadyadii diyaaradaha shirkadda Ethiopian Airline ka samayn jirtay hawada Somaliland, taasoo muhiim u ahayd labada dalba, gaar ahaan doorkii ay ku lahayd kobcinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia.
Gunaanadkii waxa si buuxda la isugu afgartay in duullimaadyadii shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airline ee Somaliland dib loo bilaabo insha Allaah xagaaga soo socda [bilaha May ilaa July 2012], muddada intaa ka horreysana lagu dhammaystiro waxyaabaha qabyada ka ah madaarrada Somaliland.
Sidoo kale waxa wasiirka xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka ee Ethiopia Md Dekibaw oo ay hoos yimaaddaan Ethiopian Civil Aviation Authority iyo shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airline.
Waxa kaloo uu Wasiirku la kulmay Agaasimaha Guud ee Waaxda Gaadiidka Cirka Ethiopia Col. Wesenyeleh Hunegnaw, waxaanay labada wasiir iyo agaasimuhu si qoto dheer uga wadahadleen guud ahaan xoojinta xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah.
Sidoo kale waxay labada dhinac si fiican uga wadahadleen isku xidhka, iskaashiga, wax-wada-qabsiga iyo wada-shaqaynta labada wasaaradood, gaar ahaanna labada Civil Aviation ee Somaliland iyoEthiopia.
Ugu dambayn, masuuliyiinta wasaaradda gaadiidka iyo Civil Aviation-ka dawladdaEthiopiawaxay aqbaleen inay taageero iyo tababaro siiyaan Civil Aviationka Somaliland.
Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi wuxuu hore safar uu ku tegey waddanka Canada ku soo guulaystey in hawada Somaliland noqoto mid madaxbanaan, safarkaas wasiirku ku soo maray dalal kale oo adduunka ah,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.
Berberanews,con
Email, info@berberanews.com