Wasiirka Wasaarada Macdanta, Biyaha iyo Tamarta oo Maanta Shir Wadatashi oo Xeerka Tamarta ah Berbera uga Furay Maamulayaasha Laydhka ee Gobolada Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Macdanta, Biyaha iyo Tamarta ee Somaliland Md. Xusen Cabdi Ducaale, oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee wasaaradaas Siciid Axmed Jibriil, iyo Gudoomiye ku xigeenka gobolka Saaxil Khadar Cali Cilmi, ayaa maanta huteel Maansoor ee magaalada Berbera, waxaa uu tababar socon doono laba casho, uga furay Maamulayaasha Shirkadaha laydhka Dalka, oo ay weheliyaan masuulyiin sar sare oo iyana ka socda Wasaaradaha Hawlaha guud iyo guryeynta, macdanta iyo biyaha, ururada Bulshada, iyo golayaasha sharci dejinta, shirkaas oo lagu gorfaynayo laguna diyaarinayo, sidii loo samayn lahaa xeerkii Tamarta, oo aan hore dalka uga jirin.

Wasiirka Wasaarada Macdanta, Biyaha iyo Tamarta ee Somaliland Md. Xusen Cabdi Ducaale, oo isagu ugu horayn Shirkaa ka hadlaya ayaa si wayn u soo dhaweeyay Shirkan maanta ay isugu yimaadeen maamulayaashii shirkada laydhka iyo wasaaradihii ay wada shaqayntu ka dhexaysay lagana sugayo in ay ka doodaan bilowgii samaynta xeerka Tamarta oo aan hore u jiren, waxaana hadalkiisii ka mid aha ” Waxaan aad ugu faraxsanahay in aad halkan isugu timaadeen, sidii aad u bilaabi lahayn xeerkii Tamarta dalka oo muhiin u ah dalkeena, kaas oo noqonaya mid wax wayn ina tari doona, sanadaha soo socda loo heli lahaa tamar aynu isticmaalno oo lagu bad baadiyo deegaankeena oo laga maarmo dhuxushan halista ku ah deegaanka, waxaan idin leeyayahay si fiican uga baaraan daga, waanad mahadsantihiin” ayuu yidhi Wasiirku.
Agaasimaha Guud ee wasaarada Macdanta, Biyaha iyo Tamarta oo isnaa halkaa ka hadlay waxaanu yidhi ” Hawshan aynu maanta isugu nimi waxay ahayd runtii in wakhti hore la dhameeyo, laakin maanta ayey inoo suurta gashay, markaa waxaa loo baahan yahay in si qoto dheer looga doodo xeerkan, waayo waa xakamayntii tamarta iyo bad baadintii deegaanka”.
Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Saaxil Khadar Cali Cilmi, oo isa Shirkan ka hadlay, ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa” Berberi waa meel inta badan tamarta aad loogu baahanyahay, waayo waa meel xiliyadeeda qaarkood kulul yihiin, waliba waxay u baahan tahay tamartaas oo meelo kala duwan laga abuuri karo si loo helo laydh ku filnaada bulshada reer Berbera, xeerkanina waa mid aad loogu baahan yahay, oo waa wixii shirkadaha maalgashiga ee caalamka ina kala xukumayey, ee iyana ay marka u horaysa inaga eegayaan waxaa sharci aynu tamarta ka leenahay” ayuu yidhi Gudoomiyahe ku xigeenku.
Shirkan oo hordhac u ah abuurista xeerka Tamarta dalka, iyo sidii loo heli lahaa Tamar ka duwan tan hada aynu adeegsano, isla markaana ay ka soo qayb galeen sharci yaaqaano iyo looyaro caalamiya, ayaa noqonaya shirkii u horeeyay ee noocisa ah ee lagu qabto dalka, waxaana daba socda shirkan shirar kale oo lagu gorfaynayo sidii loo samayn lahaa xeerkii, kala xadayn lahaa, Maalgashadayaasha Calaamka, Shirkadaha tamarta soo saara, iyo Bulshada Tamarta isticmaasha.
Khadar Jaamac Xaashi
Berberanews/Berbera