Mandheera-13,Dec,2011-(Berberanews)- Kooxo beeralay ah ayaa la wareegay kaantaroolka Degmada Mandheera ee Gobolka Saaxil, ka dib markii iska hor imaad uu dhexmaray ciidanka gaadhka istabka oo laga awood roonaaday, islamarkaana gebi ahaanba lagala wareegay gacan-ku-haynta goobta. Iyo dhagxaan
Kooxo beeralay ah oo ku hubaysan budhadh, ayaa saaka ku qammaamay Istabta Mandheera, kuwaasoo ku bilaabay dagaal gacan-ka-hadal ah ciidammadii goobta ku sugnaa, kuwaasoo mid ka mid ah ciidammada kala wareegay qorigii, iyadoo iska hor imaadkaas uu ku dhaawac ka soo gaadhay hal askari oo dhagax madaxa kaga dhacay, sida uu shebekadda Berberanews khadka telefoonka ugu xaqiijiyay mid ka mid ah dadka deegaanka Mandheera oo goobjooge ahaa, nagana dalbaday inaan magaciisa la baahin, isagoo dhacdadaas ka hadlayana waxa uu yidhi;
“Arrintu waxay dhacday abaaro 12kii duhurnimmo ee maanta, markii gaadhi ka mid ah kuwa khudradda qaada oo xalay magaalada tamaandho keenay ay ciidammada istabtu cashuur weydiiyeen, balse uu diiday, halkaasoo uu la hadlay qaar ka mid ah beeralayda Mandheera ee uu khudrada u qaatay, kuwaasoo iyaguna istabta ku soo weeraray dhagxaan iyo budhadh ay ciidammada la beegsadeen.”
Goobjooguhu waxa uu ka hadlay khasaaraha iska hor imaadkaas, “Hal askari baa ku dhaawacmay oo gacan ka jabay afar qodobna madaxaa la tolay. Muddo koobana waxa istabta gacanta ku hayay beeralayda soo duushay oo askartii ka dareerisay, haatana xaaladdu way degantahay oo beeralaydii iskood bay u tegeen.”
Wararku dhacdadan la xidhiidha waxay intaa ku dareen in ciidammo bileys ahi ka soo gurmadeen magaalo-madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera.
Isku day xidhiidh aanu la samaynay Guddoomiyaha Degmada Mandheera, ayaan noo suurtagelin, kadib telefoonkiisa gacanta oo aan shaqaynayn.
Wixii warar ka soo kordha dhacdadan waanu idiin soo gudbin doonaa
Berberanews, Mandheera
Email, info@berberanews.com