Dawladaha Jabuuti iyo Maraykanka oo ka wadahadlay qaabkii ay ula wada dagaallami lahaayeen Argagixisada Geeska

Jabuuti-(Berberanews)- Madaxweynaha dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta kulan la yeeshay Xoghayaha Difaaca Maraykanka Leon Panetta, kaasoo sheegay in dalalka ay Djibouti ka mid tahay muhiim u yihiin dedaalka ka dhanka ah la-dagaallanka argagixisada.

Maraykanka ayaa haatan diiraddiisa u wareejinaya kooxaha Al-Qaacida ku xidhan ee ku sugan Soomaaliya iyo Yemen. Xoghaye Panetta ayaa booqasho gaaban maanta oo Salaasa ah ku yimi dalka Jabuuti, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo uga mahad-celiyay taageerrada Jabuuti u hayso Maraykanka.

Xoghayaha Difaaca Maraykanku wuxuu sheegay in Maraykanku uu sii wadi doono dabagalka kooxaha Al-Qaacida ku xidhan oo ay ku jirto kooxda Al-Shabaab ee fadhigeedu Soomaaliya iyo garabka Al-Qaacidada ee ku sugan Jaziiradda Carabta.

Mr Panetta wuxuu sidoo kale booqday Ciidammada Maraykanka ee ku sugan Jabuuti, kuwaasoo gaadhaya 3 kun oo Saldhig Millateri ku leh gudaha waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti. Waxaana la sheegay inay labada masuul ka wada hadleen sidii ay Maraykanka iyo Jabuuti isaga kaashan lahaayeen la dagaallanka argagixisada Geeska, Budhcad-badeedda iyo sii xoojinta xidhiidhka saaxiibtinnimo ee ka dhexeeya.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.