Hargeysa-(Berberanews)- Fadhi ka mid ah fadhiyada kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay isugu yimaaddeen Mudanayaasha Goloha Guurtidda Somaliland, ayay maanta warbixin kaga dhagaysteen Wasiirka Arimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland Dr: Maxamed Cabdillaahi Cumar.
Fadhigan oo uu Shhir-guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Goloha Guurtida Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre. Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa uu Goloha uga warbixiyay halka ay maraso xaaladda Siyaasaddeed ee dibeddu, waxaana uu sheegay in ay ku guulayteen intii ay talada dalka hayeen in ay xidhiidh wanaagsan la yeeshaan qaar ka mid ah dalalka beesha caalamka.
Wasiirku waxa uu si adag ugu nuunuuxsaday waxyaabihii u qabsoomay tan iyo wakhtigii uu la wareegay xilka wasiirnimno, waxana uu sheegay in ay beesha caalamka ka dhaadhiciyeen qadiyadda Somaliland.
Wasiir Maxamed Cumar waxa uu sheegay in uu si weyn u rumaysan yahay in xidhiidhka ka dhaxeeeya beesha caalamka iyo Somaliland uu yahay halkii ugu wanaagsanayd ee uu abid marro xidhiidhkoodu. “Xidhiidhka aanu leenahay caalamka haday tahay waddamadda Maraykanka ama waddamadda kale ee reer galbeedka ah, intuba waxaan aaminsanahay in ay meel wanaagsan marayaan, wax ba idinku habsaamin maayo xidhiidhka aynu leenahay waddamadda Yurub iyo kuwa Maraykanka, waxa ugu weyn in waddamadda Yurub ay intoodda badan laba jibaareen mucaawimaddii iyo kaalmaddii ay siin jireen Somaliland, waxaa taa dheer in waddamadda qaar Tusaale ahaan waddamadda Ingiriiska iyo wadanka Denmark in ay muwcaawimadaas ay si toos ah u siinayaan Somaliland, halka ay markii horre ay gacan saddexaad soo marin jireen”.Sidaa ayuu yidh Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar oo shalay warbixinsiinayay golaha guurtida Somaliland .
Wasiirku waxa uu sheegay in ay jiraan wufuud badan oo ka socdda caalamka kuwaas oo ka soo degay dalka, waxana uu sheegay in imaashiyaha ay yimaadeen dalka ay sababtay Xidhiidhka ay Somaliland la leedahay caalamka intiisa kale, Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in ay yadaddiilo far badan ay galisay dadka reer Somaliland ka dib markii wufuud caalami ahi ka soo dageen madaaradda dalka. “Waxa si hor dhac ah u bilaabay oo rejo weyn in galinaysa in waddamadda qaar ay ku dhiiraddeen in ay toos ah ula shaqeeyaan Somaliland.”
Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa uu dhanka kale sheegay in wufuudda dalka imanaysaa ay ka turjumayso horumarka ay gaadhay Somaliland, iyo xidhiidhka joogtadda ah ee ay samaysay Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo waxana uu yidhi; “Wufuuda dalka imanaysa ee u badan wadamadda Reer Galbeedka ah darajadda sarrena leh haday tahay safiiro, wasiiro xildhibaano iyo madax kale ha ahaadaane, haday tahay dalkalka reer galbeedka iyo wadamadda kale ee arintani waxay ka turjumaysaa horumarka dalka ka socda ee shacabka Somaliland ku talaabssadeen waxay kalloo ka turjumayaan horumarka ay dawladdani ku talaabsatay”.
Wasiirku waxa uu carrabka ku dhuftay in Xaaladda Somaliland waxa laga weydiin jirey muddii Labaatanka sano ee ay jirtey Goloh Ammaanka Qaramada Midoobay, balse waxa uu xusay in ay nasiib-wanaag tahay in wakhtigan si toos waxa looga weydiiyo masuuliyiinta Somaliland, taasna ay ku gaadheen ayuu yidhi Wasiirku dedaalka Xukuuaddan Madaxweyne Siilaanyo u gashay qaddiyadda iyo karaamada gooni-isu-taagga Somaliland oo uu tilmaamay in waddammo badan oo dunida ah ku qanciyeen sidii loogu aqoonsan lahaa dawlad dunida ka mid ah, halgankaasi mid istaagay aanu ahayn ee uu meel fiican marayo, isla markaana ay dhexda u xidhanayaan meesha ay marayso iyo meelo ka fogba inay sii gaadhsiiyaan illaa inta laga gaadhayo aqoonsi buuxa oo ay Somaliland dunida ka helayso.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.