Madaxweyne Silaanyo oo ka qaybgalay gebogebadaTartankii Ciyaaraha Gabobollada Somaliland iyo Maroodi-jeex oo Noqday Horyaalka Dalka

Burco 18 Dec 2011 (Berberanews)- Tartankii gobollada Somaliland ayaa galabta si rasmi ah loo soo gebogabeeyey, kadib markii koobkii kubadda cagta oo lagu soo xidhay uu ku guulaystay xulka Gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa), isla markaana noqday horyaalka dalka ee sannadkan.

Tartankan ciyaaraha gobollada oo isugu jiray kubadda cagta, kubadda gacanta iyo oradada fudud oo muddo saddex toddobaad ah ka socday magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa ciyaartii u dambaysay ee kubadda cagta oo ay isugu soo hadheen gobollada Maroodi-jeex iyo Hawd ay guushu hal gool iyo iyo waxba guushu ku raacday xulka gobolka Maroodi Jeex, halkaasna uu ku hantiyey koobka kubadda cagta.

Ciyaartan oo uu ka qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo masuuliyiin badan oo dawladda ka tirsan, waxay ahayd mid aad u xiiso badan, taas oo labada kooxoodba ku soo bandhigeen ciyaar farsameedu sarrayso, taas oo lagu kala badiyey hal gool oo keliya oo qaybtii hore ee ciyaarta xulka gobolka Maroodi-jeex dhaliyeen.

Sidoo kale, Gobolka Maroodi-jeex waxa uu ku guulaystay koobkii kubadda gacanta oo ciyaartii u dambaysay ay kaga adkaadeen isla xulka kubadda gacanta ee gobolka Hawd.

Waxa kale oo Maroodi-jeex urursaday inta badan billadihii oradada fudud, waxaanna oradka 10KM ee u dambeeyey oo shalay la qabtay waxa shanta kaalmood ee u horreeyey ku guulaystay gobolka Maroodi-jeex.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo oo isagu koobabka iyo alaabmarinaha guddoonsiiyey ciyaartoyga, ayaa hadal uu halkaasi ka jeediyey waxa uu ku ammaanay tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland.

“Waxyaabihii aannu ballanqaadnay markii aannu mucaaradka ahayn waxa ka mid ahaa dhiirigelinta ciyaaraha iyo dhallinyarada in aannu kor u qaadno, tartanina uu ka mid yahay ka midho-dhalinta rajooyinkayagii, waxaanan ballanqaadayaa in aannu halkaa hore ugu sii socono oo garoomo dhisno oo garoomada dhiirigelino,” ayuu yidhi Md. Siilaanyo.

Madaxweynuhu waxa uu u mahadnaqay ciyaartoygii tartanka ka qaybgalay, waxaannu “Waxaan aad ugu mahadnaqayaa dhammaan ciyaartoyga xulalka gobollada Somaliland ee ciyaaraha ka qaybgalay oo dadaal iyo firfircooni muujiyey. Waxaan ballanqaadaynaa kooxda Laascaanood ka timi oo ciyaaro aad u fiican soo bandhigtay in aannu u dhisno garoomo.

Aad iyo aad ayaan ugu u hambalyeynayaa dhammaan kooxaha ka qaybgalay tartanka, kuwa guulaystay iyo kuwa laga badiyeyba.”

Md. Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu u mahadnaqay warbaahinta ciyaarahan sida tooska u baahin jiray muddadii tartanku socday oo kala ahaa Idaacadda Radio Hargeysa, telefishannada Qaranka, HCTV iyo Universal.

“Warbaahintana waxaannu leenahay halkaasi ayaanu ka daawanaynay oo aannu kala soconay ciyaaraha, aad iyo aad baad u mahadsan tihiin,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayey xidhitaankii ciyaartii faynalka ee tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland oo uu ka qaybgalay.