Muqdisho-(Berberanews)- Madaxda DKMG ah ee Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho ka soo saaray go’aanno ku aaddan khilaafka Baarlamaanka ee ka dhashay xil ka-qaadis 280 Xildhibaan ku sameeyeen Guddoomiyaha Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa waxay soo saareen War-Saxaafadeed ay ku dalbadeen in Baarlamaanku uu shaqadiisa dib u billaabo lana dhowro Axdiga KMG ah iyo heshiis Kampala lagu galay sannadkan.
Warsaxaafadeedka Xukuumadda kasoo baxay ayaa lagu sheegay in iyadoo la tix-gelinayo marxaladaha siyaasadeed iyo midda amni ee uu dalku jiro ay maaxda DKMG ah la yeesheen kulammo wada-tashi ah qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamanka iyo beesha caalamka si xal looga gaadho khilaafkan, isla markaana ay isla garteen qodobbadan soo socda: “In baarlamaanku bilaabo kulamdiisa si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah. In la tixgeliyo marxaladda xasaasiga ah ee uu dalku marayo. In la raaco sharuucda baarlamanka iyo xeer hoosaadyada. In la dhowro heshiikii Kampala (Kampala Accord), In la dhowro axdiga KMG ah ee Soomaaliyeed.”
Madaxda dowladda KMG ah waxay sheegeen in go’aanada ay gaadheen ay saldhig uga dhigeen axdi KMG ah ee Soomaliya iyo shuruucda kale ee dalka, sidoo kalena ay tixraaceen heshiiskii Kampala (Kampala Accord) iyo taabbogelinta Roadmap-ka.
Sidoo kale, madaxda dowladdu waxay warsaxaafadeedka ay soo saareen ku xuseen in shaki laga muujiyay qaabkii loo maray kulminta Baarlamanka iyo tirada codaysatay mooshinkii xilka lagaga qaaday Shariif Xasan.
Ugu dambeyn madaxda dowladda KMG Soomaaliya waxay xuseen ni qodobbada ay soo saareen ay gaadheen iyagoo tix-gelinaya isla markaana ixtiraamaya madax-bannaanida Baarlamanka.
Go’aankan oo u muuqda mid lagu laalay xil ka qaadistii Shariif Xasan ayaan la ogeyn go’aanka ay ka qaadan doonaan 280-kii xildhibaan ee u codeeyay inay xilka ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sheegay inuu isagu weli yahay Afhayeenka ramsiga ah ee Baarlamaanka.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.