Weriye ka tirsan Telefishinka Horn-Cable oo Mudisho lagu dilay iyo Ururka Saxaafadda Somaliland oo cambaareeyey

Muqdisho/Hargeysa-(Berberanews)- Illaahay Naxariistii Janno haka waraabiyee waxa maanta dil toogasho ah lagu dilay Weriyihii Magaalada Muqdisho uga soo warrami jira Telefishinka Afka Soomaaliga ku hadla ee Horn Cable Marxuum Cabdisalaan Sheekh Xasan Xiis, ka dib markii sida la sheegay uu toogtay nin ku labbisan Dirayska Ciidammada dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya.

Lama oga sababta loo dilay Wariye Cabdisalaan Sheekh Xasan Xiis, iyadoo lagu dilay illinka hore ee Xafiiska Telefishinka oo ku yaalla degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir, iyadoo ruuxii dilkiisa ka dambeeyay uu goobta ka baxsaday markii dilku dhacayba. “Wariyuhu wuxuu watay gaadhi yar, wuxuu soo dhigtay illinka hore ee Xafiiska Telefishinka… Markii uu gaadhiga kasoo degay ayaa Askari hubeysan wuxuu madaxa kaga dhuftay Xabbad.” Sidaa waxa yidhi goob-jooge ku sugnaa halka uu dilku ka dhacay.

Meydka Wariyaha ayaa la geeyay Cusbitaalka Madiina ee Muqdisho, iyadoo Isniinta maanta Muqdisho lagu aasi doono. Innaali-laahu wa-innaa Ilayhi-raajucuun.

Mana jirto cid illaa hadda sheegatay inay mas’uul ka tahay dilka Weriyaha oo ka mid noqonaya Weriyeyaasha lagu dilay sannadkan Soomaaliya. Dalka Soomaaliya ayaa lagu tilmaamaa goobaha ugu khatarta badan ee ay ka howlgalaan Weriyeyaashu, waxaana sannad walba lagu dilaa laguna dhaawacaa Weriyeyaal ku gudo jira howlahooda Saxaafadeed ee ay bulshada Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka baahsani haystaan.

Dhinaca kale, Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa cambaareeyey dilka gar-darrada ah ee lagu khaarajiyey Illaahay ha u naxariisto ee Marxuum Weriye Cabdisalaan Sheekh Xasan Xiis. War-saxaafadeed Ururka SOLJA caawa soo saaray oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, kaasoo uu kaga hadlay dilkaa Weriyaha, waxa uu u dhignaa qoraalkiisu sidan:

“Ururka Suxufiyiinta Jamhuuriyadda Somaliland ee SOLJA waxa uu cambaaraynayaa dilka foosha xun ee loo gaystay madaxii wararka telefishanka madaxabannaan ee HCTV ee Muqdisho Marxuun Cabdisalaan Sheekh Xasan Xiis oo isagoo shaqadiisa ku gudajira si badheedh ah loo toogtay.

 Ururka SOLJA waxa uu u arkaa dilka loo gaystay suxufigaasi inuu yahay mid xaaraan ah oo ka horimanaya shuruucda xuquuqda bini’aadanimo iyo suxufiyiinta, waxaannu maamulka Sheekh Shariif ee dalka Soomaaliya ugu baaqayaa inuu sharciga horkeeno cidii ka dambaysay dilka weriyaha.

Waxa kale oo ururka SOLJA waxa uu tacsi u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta iyo telefishanka HCTV ee uu ka geeriyooday Marxuun Cabdisalaan Sheekh Xiisa Xasan, marxuunka waxa uu Alle uga baryayaan inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo.”

Bahda Shabakadda wararka ee Berberanews, iyaga oo ka tiiraanyeysan dilka Weriyaha Marxuum Cabdisalaan Sheekh Xasan Xiis, waxay tacsi u dirayaan Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii iyo guud ahaanba Suxufiyiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Waxaanay Illaahay uga baryayaan inuu Marxuumka Janno Fardawsa ka waraabiyo, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyo qoyska, ehelada, qaraabada iyo guud ahaanba Weriyayaasha Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumku, gaar ahaan Bahda TV-ga Horn Cable oo uu Muqdisho uga soo warrami jiray. Innaali-laahu wa-innaa Illayhi-raajucuun.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.