Hargeysa-(Berberanews)- Aqoonyahanka reer Somaliland Jamaal Cali Xuseen oo Guddoomiye ka ah Baanka City-bank qaybtiisa Tanzania, ayaa daboolka ka qaaday inuu yahay musharrax Xisbiga UDUB dhexdiisa ugu tartami doona jagada Madaxweyne-nimo ee Xisbigaas.
Jamaal Cali Xuseen oo maanta soo gaadhay Caasimadda Somaliland, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Cigaal ee Hargeysa, halkaas oo ay ugu sii diyaar-garoobeen subaxnimadii saaka boqollaal qof oo ay hor-socdeen Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaanka guud ee Beelaha Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan, Salaaddiin kale oo tiro badan, Siyaasiyiin, Aqoonyahanno, Cuqaal, Culimo, Dhalinyaro Wiilal iyo Gabdhaba isugu jira, kuwaasoo Jamaal u soo galbiyey illaa Huteel Summer Time ee Galbeedka Magaalada Hargeysa oo Xaflad soo dhawayn ah loogu sameeyey. waxa kale oo soo dhaweeyey kooxaha Ciyaaraha Hiddaha iyo dhaqanka hablo iyo wiilalba. Abwaaniin iyo boqollaal qof oo siday boodhadh iyo istiikarro ay ku xardhan yihiin Sawirka Jamaal Cali Xuseen, iyo hal-ku-dhegyo ay ka mid ahaayeen; ‘Madaxweynaha Mustaqbalka dhaw Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen’ iyo weedho la mid ah.
Guddoomiyaha qabanqaabada soo dhaweynta Prof Maxamed Cabdillaahi (Ilka-case), ayaa waxa uu u mahad-celiyey dadweynihii soo dhaweeyey Jamaal Cali Xuseen ee kaga hortagay Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa, waxaanu sheegay inay dadku iskood isu soo abaabuleen iyo jacayl ay u qabaan Jamaal, hase ahaatee, cid isu keentay oo tidhi Jamaal soo dhaweeya jirin, waxaanu yidhi; “Waxaas oo dad ah ee Madaarkaga kaga hortagay Jamaal Cali Xuseen cid abaabushay ma jirto, ee qof waliba isaga ayaa dhiniciisa is-abaabulay oo halkaasi tagay.”
Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo Xafladdaasi ka hadlay, waxa uu sheegay in Jamaal Cali Xuseen mudan yahay nin sida maanta loo soo dhaweeyey iyo si ka sii weynba loo soo dhaweeyo. “Waxaan halkan ku soo dhaweynaynaa Jamaal Cali Xuseen, waxaanan leenahay ku soo dhawoow dhulkaaga hooyo,waanan kugu hambalyeynayaa u jeedada aad u socoto. Waa in ilo ganacsi loo sameeyo, waa inay Caalamku ka qeybqaataan horumarka dalkooda, laamaha ajanebiga iyo shirkaddaha ajanebiga waa inay maalgelin ku sameeyaan dalka Somaliland waa waxyaanaha loo tartamayo shanta sanadood ee soo socota.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamed.
Suldaanka guud Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa Illaahay uga beryey Jamaal inuu ku guuleeyo fikirka uu wato wakhtigan, waxaanu yidhi; “Jamaal figradda uu wato inuu IlLAAHAY ku guuleeyo ayaan u rejeynayaa, waxaanan leeyaha ku soo dhawoow dalkaaga hooyo.”
Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa uu u mahad-celiyey dadweynihii ku soo dhaweeyey Madaarka Hargeysa, isagoo xusay inuu aad ugu faraxsan yahay qaabka loogu soo dhaweeyey dalkiisa hooyo. Waxaanu Jamaal halkaa ku qabtay Shir Jaraa’id oo uu ku shaaciyey damiciisa siyaasadeed iyo halka uu kula biyo-shubanayo wakhtigan. “Waxaan doonayaa inaan laba kalmadood halkan ka idhaahdo sidaan idiinku sheegay, Illaahaybaa mahad-leh intaas oo Madax ah Salaaddiin, Siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo dhalinyaro ah ee igu soo dhaweeyey dalkayga hooyo. Waxaan hambalyeynayaa Shacbiga Somaliland oo aan ku bogaadinaayo sida ay mar walba nabaddooda iyo qaddiyadda Somaliland ay ugu dheer yihiin.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Guddoomiyaha City Bank qaybtiisa Tanzania Mr. Jamaal Cali Xuseen, waxa uu ka hadlay muhiimadda furista Ururrada ee uu ku dhiirraday Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo, waxaanu Jamaal oo arrintaa ka hadlayaa yidhi; “Waakii dhawaan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo siyaasaddii furfuray ee oggolaaday in Ururro siyaasadeed laga furo waddanka, illaa immika ururro badan baa lagu dhawaaqay, waxaanay noqotay in dad badani jaanis siyaasadeed helaan.”
Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlayey mawqifkiisa siyaasadeed, waxa uu yidhi; “Waxaan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo inaanan ahayn nin urur furanaya ee halkaan u socdaa ay tahay UDUB oo ah Xisbigii Qaran, waa Xisbigii u horreeyey ee Somaliland laga aasaasay, Allaah ha u naxariistee Madaxweyneheennii hore Halyeygeennii Marxuum Maxamed X. Ibraahin Cigaal waa Xisbigii uu aasaasay, Xisbigaasi oo aan fikrad ahaan anigu aad iyo aad ugu dhadhaway horena ugu dhawaa ayaan rabaa inaan dhexdiisa ka tartamo.”
Sidoo kale, Jamaal oo ka hadlayey sababta keentay inuu Xisbigaa dhexdiisa ka tartamo, waxa uu yidhi; “Sababta aan UDUB u doortayna waxa weeyaan UDUB waxaan ka dhex arkay inuu yahay Xisbi dimuquraaddi ah oo dhexdiisa ay ka jirto oo weliba nimankii Xisbiga gadhwadeenka u ahaa ay oggolaadeen in Dhiig cusub Xisbiga lagu shubo.”
“Taasi maaha wax la iska qaadanayo ee tartan baa jira, Rag kale ayaa jira oo damacsiyaadeed leh oo han kaga jiro, anigu tartanka ayaan jecelahay tartankuna waa wax wanaagsan qof waliba waxa uu hayo inuu dadka u soo bandhigo oo marka hore aanu Xisbiga dhexdiisa ka iibinno, oo qofka Xisbigu u arko inuu noqdo musharraxa madaxweynaha in dadkuna isku afgarto.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen. Waxaanu Jamaal sheegay in la soo gaadhay wakhtigii dhalinyaradu hoggaamin lahayd Somaliland. “Waa inay doorkan dhalinyaradu ka dheex muuqataa hoggaaminta dalka, waayo dhalinyaradu waa laf-dhabartii bulshada iyo waddanka.” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.