Maareeye Xoor Xoor oo ka hadlay sababta dib-u-magacaabistiisa iyo dareenkii Reer Berbera ku soo dhaweeyay

Berbera-20-Dec-2011-(Berberanews)Maareeyihii mudada dheer maamulayay Dekedda mihiimka ah ee Magaalada Berbera Eng. Cali Xoor Xoor oo maanta Madaxweyne Siilaanyo dib ugu soo magcaabay xilkaa ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Berbera.

Magaalada berbera ayaa damaashaad isugu baxday markii ay maqleen magcaabista Eng. Cali Xoor Xoor, iyagoo sameeyay fantastiye, waxayna boqolaal gaadhi oo wata caleemo qoyan kaga hortageen magaalada Abdaal oo ka tirsan Degmada Mandheera, taas oo qiyaastii 60 km dhinaca Koonfur galbeed kaga beegan Berbera , isla markaana ku taal wadada isku xidha Berbera iyo Hargeysa.

 

Eng. Cali Xoor Xoor oo lagu gelbinayo boqolaal gaadhi ayaa la geeyay gurigiisa Magaalada Berbera, iyadoo ay boqolaal dadweynaha magaalada Berbera wadooyinka isugu soo baxeen markii uu soo gaadhay Magaalada.

Weriyayaal ka socday shebekadaha Araweelonews iyo Berbera news ayaa weydiiyay Eng. Cali Xoor Xoor dareenkiisa iyo sababta dib loogu soo magcaabay, wuxuuna isagoo ka jawaabaya arragtida dareenkiisa yidhi, “dareenkaygu aad ayuu u fiicanyahay, Madaxweynaha iyo wasiiraddii hawshaa (magcaabista) kasoo shaqeeyayna waan u mahad celinayaa dadka reer Berbera ee ku farxay magcaabistaydana iyo kuwa isoo dhowaynaya waan u mahad celinayaa.” Ayuu yidhi Maareeye Cali.

 

Mar la weydiiyay in magcaabista Maareeyaha Dekedda dib loogu soo celiyay ay tahay iydoo looga maarmi waayay maamulkii dekedda, wuxuu isagoo dhoolacadaynaya, isla markaana caleemo qoyan

iyo ubax qoorta ay u sudheen qaar ka mid ah dadka watay boqolaalka gaadhi ee kaga hortegey Abdaal yidhi, “ Maya ee laygama maarmi waayin ee waa laygartay.”

 

 

 

 

Berberanews.com

Berbera, Somaliland

Email, info@berberanews.com