Hargeysa-(Berberanews)- Wefti Wasiirro ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland Cabdillaahi Maxamed Cumar, ayaa maanta Safar ugu ambabaxay dalalka Kenya iyo Masar, ka dib markii ay dawladda Millateriga ah ee Masar martiqaad rasmi ah ka heleen.
Wasiirka arrimaha dibedda waxa Safarkiisan ku weheliya Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaana sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed maanta ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-
“Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Maxamed C/llaahi Cumar oo uu wehelinayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane, Xirsi Xaaji Cali ayaa maanta safar shaqo ugu kicitimay Dalalka Masar iyo Kenya.
Safarkan Wasiiradu waxaa uu ka dambeeyey marti-qaad rasmi ah oo ay Jamhuuriyada Somaliland ka heshay Dawlada dalka Masar, arrimaha ay labada dawladood ka wada hadli doonaan mudada ay wasiirradu ku sugan yihiin wadankaasi waxaa ka mid ah Arrimaha Siyaasada iyo Iskaashiga dhaqaalaha ee labada dal.
Socdaalkan Wasiirrada ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee si rasmi ah Jamhuuriyadda Somaliland ku tagto wadanka Masar tan iyo intii Dawlada uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud xilka la wareegtay.
Dhinaca kale Wasiirrada Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku sii hakan doona mudada ay safarkan ku jiraan wadanka Kenya halkaas oo ay kula kulmi doonaan Diplomaasiyiinta beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay dalka Kenya.”
Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee ay Masuuliyiin xilkan oo kale ka haya Somailand ay safar marti-qaad ah ku tagaan dalka Masar tan iyo intii ay Somaliland jirtay. Taasoo ay sabab u ahayd inay dawladda Masar mar walba hadda ka hor ka soo horjeedday gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland oo dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya gooni uga goosatay 1991-kii markii la riday dawladdii Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Siyaad Barre.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.