Hargeysa-21,Dec,2011- (Berberanews)- Beesha Makaahiil Isaaq (Sacad Muuse), ayaa suldaankii 2-aad shalay ku caleemo-saaray deegaanka Carro-waa-dhawr ee galbeedka magaalada Hargeysa oo lagu doortay madal si wayn loo soo agaasimay Suldaan Aadan Caaqil Maxamed Caaqil Muxumed.
Munaasibadda caleemo-saarka oo si qurux badan loo maamulay oo ay ka qaybgaleen salaadiin badan oo isaga kala yimi dhammaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland iyo suldaankii hore ee beesha Suldaan Maxamuud Siciid Maxamed, kuwaas oo si wayn u soo dhaweeyey caleemo-saarka suldaanka cusub, iyagoo ugu duceeyey in Ilaahay ku asturo xilkaasi loo igmaday.
Ugu horreyn Suldaanka cusub Aadan Caaqil Maxamed oo madashaas ka hadlay ayaa u mahadnaqay dhamaan dadkii ka soo qaybgalay, “Ilaahay baa mahad dhamaanteed iska leh oo intan oo khalqiya iskugu keenay munaasibadan la igu caleemo saaray maanta (shalay), waxaan mar labaad u mahadnaqayaa dhammaan marti sharafta ka soo qaybgashay munaasibadan iyo cid kasta oo ka shaqaysay suurtagalinta xafladdan qiimaha leh. Waxaan leeyahay oo aan u sheegayaa bulshada duco in la ii dhameeyey, waanno waa la ii dhammeeyey hadana waxaan qirayaa mar labaad in xilkaa la ii caleemo saaray uu yahay xil culus oo i horyaala, markaa mar koowaad iyo ka labaad iyo mar saddexaad-ba iigu duceeyey in Ilaahay xilkaa ii fududeeyo,” ayuu yihdi Suldaanku.
Suldaanka guud ee Beelaha Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo madashaasi ka hadlay, ayaa haddalo duco iyo waano ah u jeediyey suldaanka cusub ee la caleemo-saaray, waxaannu yidhi, “Sharaf wayn bay maanta ii tahay inaan ka soo qaybgalo xafladda caleemo saarka Suldaan Aadam Caaqil Maxamed oo noqonaya Suldaankii 2-aad ee Beesha Makaahiil ay caleemo saaraan, markaa waxaan ugu ducaynayaa Suldaanka in Ilaahay u fududeeyo masuuliyadan culus ee maanta loo caleemo saaray.”
Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi waxa uu ka hadlay tirada badatay ee salaadiinta reer Somaliland, isagoo sheegay in koradhka tirada dadweynuhu qayb ka tahay salaadiinta badan, balse muhiimadu tahay talo wadajir ah in salaadiintu yeeshaan.
“Waa dhab oo Salaadiintu way bateen, laakiinse waxaan maanta idiinku bushaaraynayaa dhaqanku inuu sidiisii yahay oo sharafkiisii xambaarsan yahay oo uu birmageedadiisii leeyahay, isla markaana Suldaanka guud iyo Suldaanada reeruhuba inay wada shaqeeyaan. Suldaanka ugu bariyeeya Habar Awal iyo Suldaanka ugu galbeedeeya oo Suldaanka ugu dambeeyey uu noqonayo Suldaan Aadan oo aynu maanta caleemo saarkiisa u fadhino guribaanu wada fadhinaa, aqalkaasayna talladii iyo talada ummaduba ka go’daa, haday mid qaran tahay iyo haday mid qabiil tahayba, markaa halkaasaanu gacmaha isku haysanaa, isla markaana guddoon ku leenahay oo arrinkayagu guul u yahay ee taas ku bushaaraysta. Maanta dadkii waa batay oo wakhtigii hore hadii uu Suldaan kaliya talin jiray iminka imika dadkiina waa batay tayadiisiina way badatay, kama fikiro suldaanka soo kordha laakiin waxaan ka fikiraa tolow aragti fog ma leeyahay. Waxaan ogahay inaanay Suldaan Aadan aanay taladu maanta ugu horayn oo uu Ab ka Ab la soo shaqaynayey Salaadiintii guud ee Subeer Awal, markaa magaca ayuun baa is yar badalay oo uu maanta la jaanqaadayaa Somaliland ee taladu maaha mid ku cusub markaa waan ku soo dhawaynayaa magaca cusub oo waan ku boqrayaa,” ayuu yidhi Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan.
Wasiirkii hore ee Daakhiliga ah-na Guddoomiyaha urur siyaasadeed DALSAN Eng. Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) oo isna munaasibaddaasi caleemo-saarka suldaanka ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey suldaanka cusub ee la caleemo-saaray.
“Sidii hore-ba loo sheegay madashani waa madashii dhaqanka, dhaqankana waxa ugu sareeya salaadiinta, markaa wax siyaasad ah ka hadli mayno oo waxaanu maanta hoos taaganahay Ilaahay inta ka sokaysa Salaadiinta iyo Madaxda dhaqanka hadaanu siyaasiyiinta nahay. Aad iyo aad waxa ii farxad galiyey oo aan la mabsuuday xigto iyo xididba Suldaanka la yahay ee Suldaan Aadan Caaqil Maxamed Caaqil Muxumed ee Somaliland daraf ilaa daraf ay dadkeedu iskugu yimaadeen ee aynu arkaynay sida wanaagsan ee halkan loogu soo dhaweeyey. Beesha Suldaanku ka soo jeedo waxaynu arkaynay sidii uu gabayaagii caanka ahaa ee Oston halkan uga hadlayey deegaanka ay degan tahay inta uu baaxad ahaan isku jiro oo runa way ahayd oo been kamuu sheegin,” ayuu yidhi Ismaaciil Aadan Cismaan.
Waxa kale oo madashaasi ka hadlay salaadiin iyo siyaasiyiin badan oo ka kala yimi dhammaan gobollada Somaliland, isla markaana Suldaan ka cusub ee beesha Makaahiil Suldaan Aadan Caaqil Maxamed Caaqil Muxumed ugu duceeyey inuu Ilaahay xilkaas loo caleemo saaray u fududeeyo oo uu ku asturo.