ururka dhaqaalayahanka Somaliland ee SURE oo hambalyeeyey musharaxnimada madaxweynenimo ee Jamaal Cali Xuseen ee xisbiga UDUB

Berbera(berberanews): ururka dhaqaalayahanka Somaliland ee Somaliland Unit for Research and Economics (SURE) ayaa soo dhaweeyey ku dhawaaqista uu aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ku dhawaaqay inuu xisbiga UDUB dhexdiisa uga tartami doono jagada musharaxnimada madaxweynaha Somaliland.
Jamaal Cali Xuseen oo shalay magalaada Hargaysa si wayn loogu soo dhaweeyey oo kumanaan qof kaga hortageen madaarka Hargaysa, ayaa markii ugu horaysay si cad u sheegay inuu diyaar u yahay inuu xisbiga UDUB dhexdiisa uga tartamo musharaxnimada madaxweynaha Somaliland ee UDUB.
ururka dhaqaaleyahanka Somaliland ayaa war uu soo saaray ku sheegay inay siwayn usoo dhawaynayaan musharaxnimada Jamaal, maadaama uu Jamaal ayahan nin ku xeel-dheer dhaqaalaha, waxa uu ururka SURE rajeeyey in haddii Jamaal ku guulaysto hogaanka dalka uu waxbadan ka tari karo horumarinka dhaqaalaha Somaliland.
warkan oo ku saxeexanyahay aasaasihii ururka dhaqaaleyahanka SURE Cabdi-Maayo ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-
” waxaanu si wayn u hambalyaynaynaa musharaxnimada uu ku dhawaaqay Jamaal Cali Xuseen, inuu u tartamidoono jagada madaxweynenimada Somaliland ee UDUB dhexdiisa.
dalkeenu wuxuu aad ugu baahanyahay horumar iyo koboc dhaqaale, waxana gaadhsiiin kara qof aqoon u leh, dacaadna ah. hadaba Jamaal waa nin dhaqaaleyahanna, una dhuun daloola dhaqaalaha aduunka, waxana taasi ay usaamaxaysaa inuu helo khibrad hogaamineed. annana urur ahaan waxaan siwayn ugu taageeri doonaa horumarkaa uu Jamaal ula diyaarka yahay Somaliland, haddii uu ku guulaysto hammigiisa”
 
Berberanews.com