Guddiga Caafimaadka gobolk Hargeysa oo Bulshada ugu baaqay in laga wada qayb-qaato Qaadhaan-ururin Cusbitaalka guud loo samaynayo

Hargeysa-(Berberanews)- Guddida Caafimadka Gobolka Hargeysa ayaa Dadweynaha Reer Somaliland ugu baaqay in ay ka qaybgalaan Qaadhan Ururin loo sameynayo Cisbitaalka Guud ee Caasimada Hargeysa. Waxaanay soo bandhigeen baahiyaha Cusbitaalka ee wakhtigan iyo meelaha wax laga qabtay

Guddida Caafimadka Gobolka Maroodi-jeex oo kala aha Guddomiyaha Guddida Caafiamdka Gobolka Hargeysa Dr.Aadan Yusuf Abokor, Agaasimaha Cisbitaalka Hargeysa Faadumo Cabdi Kaahin, Guddomiyaha Ladagaalanka Dawlda Wanaag iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar iyo Masuuliyiin kale.

Ugu Horeyan Waxa halkaasi ka hadlay Guddomiyaha Cisbitaalka Hargeysa  Dr.Aadan Yusuf Abokor waxaanu shacabka reer Somaliland ugu baaqay in ay ka qaybqaatan Qaadhan loo ururinayo Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo uu sheegay in baahiyaha Cisbitaalku aad u badan yihiin, oo aanay dawlada oo kali ahi dabooli karaynin Bahiyaha Cisbitaalka, Waxaanu Sheegay in baaqani ku socdo Ganacsatada, Culimo Awdiinka Haweenka, DHalinayrada  Qurbajooga iyo Cid kasta oo reer Somaliland ah oo jecel dalkooda iyo Dadkooda in ay Caawiyaan Cisbitaalka oo lagu Daweeyo dadka ugu badan ee Reer  Somaliland. “Cusbitaalka guud sidaad ogtihiin waa Cusbitaalkii  Qaranka oo dhan oo shanta gobolba waa laga soo diraa dadka xanuunsanaya oo halkan baa loo soo diraa, culays badan baa saaran, berigii Cusbitaalkan la dhisay 1954-kii Hargeysi malaha waxa ay ahayd 30,000 qof ama wax ka yar, maantana waad ogtihiin Hargeysa inta ay leegtahay oo shantii gobol ayaa bukaanka looga soo dirayo. Markaa, Cusbitaalka baahidiisu horta ma yara, baahidiisu aadbay u wayntahay inkasta oo taageero aannu ka helnay dalka iyo dibadiisaba hadana waxa aanu codanaynaa in taageeradiisa la kordhiyo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga Caafimaadka Gobolka Hargeysa Dr. Aadan Yuusuf Abokor.

Dr. Aadan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo yidhi; “Anigu waxaan doonayaa uun in aan ogaysiiyo oo aan dadweynaha u sheego, waliba dadka maanta gacanta nagu siin kara ee Baayac-mushtarka ah ama dibedaha jooga, wakhtigii halkan halganku ka dhacay ee loo halgamayey xorriyadda inay Cusbitaalkan Hargeysa ka bilaabantay in dadku yimaaddo oo dadweynuhu iskaa wax u qabso wax ku qabsadeen, barigaa 1980-kii illaa 1981-kii Anigaa Maamule ka ahaa Cusbitaalka waxa baayac-mushtarkeenna magaalada joogaa aniga oo halkaa fadhiya Xafiiska oon baaq jaraa’id bixin oo cidna u sheegin ayay lacagta iyo jeegagga halkan iigu keeni jireen oo ay igu odhan jireen Cusbitaalka baahidiisa wixii jira noo soo sheeg.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga La-dagaallanka musuqmaasuqa iyo maamul-wanaagga Axmed Muxumed Madar, oo halkaa ka hadlay, ayaa ku baaqay in Cusbitaalka guud ee Hargeysa si weyn ugu baahan yahay in dhinacyo badan laga horumariyo oo shicib iyo dawladda si buuxda wax loogu taro. Waxaanu yidhi; “Baaqan aanu doonayno in aanu u jeedino dadweynaha reer Somaliland meelkasta oo ay joogaanba iyo hay’adaha caalamiga ahba wixii danaynaya Jamhuuriyadda Somaliland  horumarkeeda iyo Caafimaadkeedaba, taariikhda Guddoomiyahaa ayaa idiin sheegay oo xilliyadii siddeetamaadkii horaantiisii waxa uu ahaa Maamulaha Cusbitaalkan oo markii ay halkan ka bilaabantay hawshii iskaa wax u qabso oo dhalinyaro da’yar ah oo markaa aniguba aan ka mid ahaa oo ka soo noqotay dibadaha iyo dalka intiisa kaleba ay halkan ka fuliyeen mashaariic iskaa wax u qabso ah iyaga oo la kaashanaya dadweynihii wakhtigaa joogay, xiligaas oo ahayd xilli ad oo dawladdii wakhtigaa jirtay aanay oggolayn in aanay gobolladan la oggolayn wax horumar ah oo ay gaadhaan oo ay daciifinaysay.”

Axmed Muxumed Madar, waxa uu sheegay in wakhtigii dawladdii Siyaad Barre talada haysay ee in dadka gobollada Waqooyiga dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya (Somaliland-ta maanta) haddana ay dadku si hagar la’aan ah iyagoo cadaadis saaran yahay wax u qabsan jireen. “1981-kii marka laga soo bilaabo illaa iyo maanta waa 30 sannaodo oo buuxa soddon sannadood ka dib in qaabkiiyoo kale ah loo diro dadweynaha, ayaan-darrooyinka innagu dhacay bay ka mid tahay oo waliba ma odhanayo dadweynuhu way ka wada dhago-adaygeene horumarka la sheegi doono in Cusbitaalkani uu ku talaabsaday ama uu gaadhay burburkii dabadii kollay way ka qayb qaateen illaa iyo xad, laakiin xaaladdu waa mid joogto ah ee maaha mid mar iyo laba ah.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga La-dagaallanka Musuqmaasuqa iyo maamul-wanaagga Somaliland Axmed Maxamed Madar.

Gabogabadii waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Hargeysa Faadumo Cabdi Kaahin waxayna sheegtay in loo bahan yahay in Qaadhan loo ururiyo Cisbitalka guud ee Hargeysa. waxa ay tidhi; “Dhakhtarkan aynu maanta joogno ee Cusbitaalka Hargeysa baahidiisu way fara badan tahay, balse had iyo jeer baahida uun lama sheeg-sheegee wixii aad qabatay ama kuwii wanaagsnaa waa in la til-tilmaamaa. Illaa iyo hadda waxii aanu ka qabannay Dhakhtarka Waadhadhkii oo la hagaajiyey, Waadhadhkii oo la rinjiyeeyey, meelihii daryeelka u baahnaa oo aannu hagaajinay, waa gargaarka deqdegga ah oo aanu dib u dhisnay, waa Farmasiiga oo aannu dhisnay, annaga oo qaybo badan ku soo kordhinay oo mishiinkii kalyaha lagu sifaynayeyna ku soo kordhinay, inkasta oo aanu wali soconin, Tiyaatarkeennii hore oo aynu furanay oo maanta Dhakhtarkeennu uu leeyahay illaa 7 Makhsin oo wax lagu qalo, agabkiina wax innoo hadhsan iyo wax aynu haysannaaba way jiraan.”

“Markaa, baahida Cusbitaalku waa mid ballaadhan, sidaa darteed, waxaanu doonayna in dadweynaha dibad iyo gudaba meesha ay doonaan ha joogaane, kii Maal noogu deeqi karaa noogu deeqo, Ka qalab nagu caawin karaa nagu caawiyo, ka aqoon nagu caawin karaa nagu caawiyo, ka Dhakhtarka ah ee Wadnaha qalaa aqoontiisa nagu kordhiyo, Ta Kalkaaliyaha ahi aqoonteeda noogu deeqdo, iyo kii xoog noogu deeqayaba mid walba waanu u baahanahay ee Cusbitaalka guud wax halla soo taro ayaannu leenahay.” Sidaa ayey tidhi Agaasimaha guud ee Cusbitaalka guud ee Caasimadda Hargeysa Marwo Faadumo Cabdi Kaahin.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.