Shalay iyo Maanta : Farqiga u dhexeeya darreennada, muuqaallada iyo weedhihii Munaasibadihii Cali Xoor Xoor xilka ku wareejiyay, dibna ugula wareegay

Maxamed Xarrago

Berbera-22-Dec-2011-(Berberanews)- Xilku waa meerto hadba u macaan masuulka ku cusub, una qadhaadh ka xilka laga qaado oo murugo iyo seexan waa naftiisuna marqudha la kowsato cidlo iyo caddaadis kaga yimaada bulshadii uu madaxda u ahaa oo uu agtiisa ka waayo mudduna  ku qaadato la qabsiga nolosha caadiga ah.

Haseyeeshee, masuulka wanaagsan ee waxqabadka iyo tacabka bulshada gashaday shaqadiisana si wanaagsan uga soo baxay mudada uu xilka hayay waxa uu ku naalooda sharafta iyo ixtiraamka uu bulshada dhexdeeda ku yeesho, halka masuulka  ku mamay musuqmaasuq iyo boobka hantida ummadda ka dhaxaysaa deris la noqdo cabsi iyo foolxummo aanu wejiga siin Karin dadka.

Hadii aan intaas kaga gudbo waxaan is-barbardhig ku sammayn doonaa kala duwananaashaha, darreennada, muuqaalada  ka muuqday wejiyada madaxda tirada badan ee lagu martiqaaday xafladaha midkood uu xilka ku wareejiyay Cali Xoor Xoor bishii Oug 2010 xisaabiyihii Silaanyo u dallacsiieyey xilka Maareeyenimmo Mr. Axmed Yuusuf Dirir iyo munaasibad Eng. Cali Xoor Xoor sanad iyo badh ka dib dib ula soo noqday xilkaas hore looga xayuubiyay

Shalay: Waxaan goobjoog ka ahaa bishii Oug 2010 xaflad loo sammeeyay xil-wareejinta Maareeyihii dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed oo uu xilka ka qaaday Madaxweyne Silaanyo waxyar ka dib markii uu tallada dalka kala wareegay Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, kuna bedelay Axmed Yuusuf Dirir oo ahaa xisaabiyihii gaarka ahaa ee Cali Xoor xoor.

Munaasibaddaas waxa goobjoog ka ahaa wasiirrada Kalluumaysiga iyo Maamulka Dekedaha o markaa dekeddu hoostagtay, Waxbarashada, Diinta iyo Awqaafta, Caafimaadka, madaxda Gobolka Saaxil, kuwa Degmada Berbera, dhammaan masuulliyiinta kala duwan ee ka hawlgala laamaha dawladda ee Berbera iyo martisharaf kale oo aad u tiro badan, waxaana goobtaas ka dhacay weedho golaaftan iyo awood sheegasho masuulliyiinta qaarkood isugu baaneen.

Cali Xoor Xoor markii uu xilka ka degay waxa uu noqday masuulkii u horreeyey maamulkii xukuumadda UDUB ee wareejiya hanti dawladeed, waxaannu madashaas kaga dhawaaqay in ay khasnadda dekedda ku jirto lacag dhan $275 kun oo doollarka Maraykanka ah.

Sidoo kale, Maareeyaha wakhtigaas xilka lagu wareejiyay Axmed Yusuf Dirir waxa uu ballanqaaday inuu horumarin ku sammayn doono dekedda Berbera oo aan waxba iska dhimi doonin heerka uu kula wareegay wax ku kordha mooyee, wax badana ku dedaali doono toosinta maamulka dekedda iyo horumarinta addeegyada bulshada Saaxil iyo deegaanka.

Badhasaabka Saaxil oo isagu xilka ku cusbaa, kana muuqato dardar xad-dhaafa oo doonayay inuu wax kaga qabto Gobolka, kana cadhooday fallaadh ay ku ganneen maareeyaha xilka wareejiyay iyo Wasiirkii Dekedaha oo labaduna isaga daba-maray inay dekeddu madaxbannantahay oo xattaa maamulka Gobolku farogelin ku samayn Karin, isagoo si cadho leh ugu hanjabay inaanu cidna u daba fadhiisan doono dhaqaalaha dekedda ka soo xerooda inuu wax ka qabto gobolka, “Nabadgelyada gobolka annaga ayaa masuul ka ah, waana wax laga xishoodo in maamulka dekeddu yidhahdaan ‘marka hawlo degdeg ahi soo kordhaan madaxda ciidammada ammaanku cidda ay u cararaan waa maamulka Dekedda Berbera oo annaga ayaa shidaalka siina.’ Waxaan leeyahay taasi dib u dhici mayso, masuuliyiinta ciidammada amniga ee munaasibadda jooga waxaan farayaa in maanta laga bilaabo aniga [Badhasaabka] ayay ii soo doonanayaan, haddii aan wax kale u waayana ta qoyskayaga ayaan ka bixinayaa. Markaa waxaan leeyahay Berbera iyo Gobolka Saaxilba xaq bay u leeyihiin inay saami ka helaan dhaqaalaha qaranka Somaliland lagu maamulo ee ka soo baxa Dekedda Berbera, waxaanuna doonaynaa oo u taaganahay in aanu horumar gaadhsiinno adeegyada bulshada ee gobolka,” ayuu yidhi Mr. Ramaax oo awood sheegasho uu taageero sacaba ka helay dadkii madasha ku sugnaa la sara kacay.

Maanta: Sanad iyo badh ka dib 22-Dev-2011 waxaan nasiib u yeeshay mar labaad ka qaybgalka munaasibad loo sammeeyay Maareeyaha dekedda Berbera oo Madaxweyne Silaanyo dib u soo magacaabay Eng. Cali Xoor Xoor oo muddo 18 sanno ah maamule ka ahaa dekedda Berbera.

Munaasibaddu waa goobtii kal hore, dadka xilka la kala wareegayaa waa kuwii hore, ka soo qaybgalayaashuse way ka muuqaal duwanyihiin sanadkii hore, waxaa goobjoog ka ah badhasaabka gobolka Saaxil Maxamuud Cali Haystay (Ramaax), Maayarka Degmadda Berbera Cabdala Maxamed Carab, madaxda laamaha kala duwan ee marsada Berbera iyo marti sharaf kale oo lagu soo casuumay, waxaanse ka muuqaan raxan wasiirro ah oo ka soo qaybgalay xil-wareejintii hore iyo Wasiirkii wakhtigaas xilka u kala wareejiyay Maxamed Yaasiin oo xilka laga qaaday, lagana hoos saaray dekedda maamulkii wasaaradda, ka dib khilaaf soo kala dhexgalay wasaaradda maaliyadda iyo wasaaraddii Kalluumaysiga, Khayraadka badda iyo dekedaha oo aan immika hoos tegin. Waxaase xidhiidhinya xafladda majaraha u hayay Maamulaha kastamka Berbera Cali Bul bul.

Munaasibadani waxay I xasuusisay muuqaalladii, dhacdooyinkii iyo weedhaha aan kor ku xusay ee madashii hore laga jeediyay iyo isweydiinta waxa ka hirgalay ballanqaadyadii waagaas.

Maareeyihii hore ee dekadda Berbera Axmed Yuusuf Dirir, oo ka hadlay xaflada uu maanta xilka ku wareejiyay ayaa ku dooday inuu soo dhawaynayo xil ka qaadistiisa oo uu ku sifeeyay mid ka dhashay sunnaha dawladnimo, waxaanu tilmaaamay inuu si niyadsami ah ugu wareejinayo maareeyaha cusub ee loo soo magacaabay.

Maareeye Dirir waxa uu madasha kaga sheekeeyay horumar ballaadhan oo uu ku sammeeyay dekedda Berbera mudada uu xilka hayay, taasoo marag u ah fulinta ballanqaadkii uu sammeeyay markii uu xilka la wareegay, waxaannu Maareeye Cali ku wareejiyay lacag kor u dhaafaysa affar boqol oo kun oo dollar, kana badan tii uu la wareegay sanad ka hor.

Maareeye Cali Cumar Maxamed (Cali xoor xoor) oo aan xilka ku cusbayn, balse muddo aan wax ah qaban oo hadal kooban ka jeediyay madashaasi ayaa balan qaaday inuu xilkan u gudan doono si daacadnimo ku jirto, waxaanu si weyn ugu mahad celiyay Madaxweyne Siilaanyo oo dib ugu soo magacaabay marsadda Berbera, isaga oo arimahaas ka hadlayana,waxa uu yidhi “Waxaan ku faraxsan nahay inay dekaddii Berbera mar kale masuuliyadeeda dawladdu igu soo celiso, arrintaasna waxaan si weyn ugu mahad naqayaa Madaxweynaha iyo dawladda uu madaxda u yahay oo dhan, waxaan balan qaadayaa inaan si daacadnimo ah ula shaqayn doono oo illaa halka u dambeysa ah”.

 

Eng. Cali Xoor Xoor waxa uu sheegay inaanu xilka dib u doonan ee Madaxweyne Silaanyo u gartay waxaannuu uu yidhi “Wax badan inaan halkan ka idhaahdo umaan kicin, laakiin waxaan jeclahay uun inaan ka dhawaajiyey inaan xilka Madaxwaynaha Somaliland iyo Dawladiisu ii garteen inaan si daacad ah u gudan doono, isla markaana aanan waxba ka hagran doonin, Waxyaabihii uu Maareeyihii hore ka tagay ee qabyada ahaana Insha Allaah waxaan balanqaadayaa  inaan dhamaystiro”.

 

Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan oo xilka u kala wareejiyay labada masuul, ayaa hadal aad u gaaban ka yidhi madasha, “ “Maareeyihii hore ee Dekadda waxaan qirayaa inuu wax wayn ka qabtay Dekadda Berbera, isla markaana waxyaabo badan ku soo kordhiyey.

Badhasaab Ramaax oo ka jawaabay siday u wada shaqayn karaan Cali Xoor oo awood badan ku lahaa gobolka iyo isaga oo ah Badhasaab awoodiisa muujiya, waxa uu yidhi “Waxaan kale oo aan jeclahay inaan Jaaniskan uga faa’idaysto oo ahayd Sideebaad Cali Xoor Xoor u wada shaqayn doontaan? waxaan u sheegayaa saxaafadda su’aashaas igu wareejinsay waanu wada shaqaynaynaa oo hore-na waanu u soo wada shaqaynay, isla markaana Cali Xoor Xoor waxaanu wada dhigan jirnay Dugsiga Farsamadda ee Burco ee Jarmalku lahaa inkasta oo uu iga yar sareeyey, markii danbena anigu waan ka tagay isagu wuu dhamaytay, markii danbena Xamar ayaanu iskugu nimid, wakhtigii aan Dekadda ka shaqaynayeyna si wanaagasn ayaanu u wada shaqaynay imikana waxaan cadaynayaa inaanu si wanaagsan u wada shaqayn doono”.

Waxa isaguna madasha ka hadlay Maayarka Degmadda Berbera Cabdalla Maxamed Carab (Cabdala Sandheere), waxaanu yidhi  “Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), isaga Cali wax badan ka odhan maayo oo waxaan odhan lahaaba waxaan idhi maalintii uu xilkan hada loo magacaabay uu hore u wareejinayay, isla markaana waxaanu ahayn Saaxiibo wakhti dheer soo wada shaqeeyey, laakiin Maareeyaha hada la badalay Axmed Yuusuf Dirir ayaa waxyar ka odhan lahaa, run ahaantii waxaan qirayaa inuu waxwayn ka qabtay Dekada Berbera oo ah meesha Miisaanida dalku ka soo baxdo, runtii waxaan qirayaa mudadii sanadka iyo lixda bilood ahayd ee uu hayey xilkan uu maanta wareejinayo inuu wax badan ka qabtay Magaaladda Berbera, isla markaana uu yahay shakhsi balanta ilaaliya oo wixii aad ku balantaan isagu kaaga sii horaynaya, kuna raagi maayoo isagaaba wixii uu qabtay inooga waramay”.

La soco qaybta labaad……

Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago)

Berberanews.com

Email, info@Berberanews.com