Hargeysa-23-Dec-2011-(Berberanews) – Wasiirkii Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa la sheegay inuu Madaxweyne Silaanyo u gudbiyey maanta warqad uu ku dalbaday is casilaad
Ilaa hadda si cad looma shaacin iscasilaadda Wasiirkii Maaliyadda, haseyeeshee sida ilo-wareedyo xogogaal ah u xaqiijiyeen shabakadda Berberanews, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa gelinkii hore ee maanta u gudbiyey Madaxweyne Siilaanyo qoraal uu ku wargeliyey inuu sababo caafimaad dartood iskaga casilay xilkii wasiirnimo ee uu hayey xukuumaddiisa.
Inkasta oo aan ilaa iminka si dhab ah loo ogeyn sababaha rasmiga ah ee xilligan keenay in Eng. Maxamed Xaashi Cilmi uu iska casilo xilkii wasiirnimo ee uu ka hayey xukuumadda Somaliland, haddana sida ilahaasi tibaaxeen waxa loo aanaynayaa inuu la xidhiidho saluug weyn oo uu ka muujiyey go’aanka Madaxweyne Silaanyo dib u soo celiyay masuulliyiin ka tirsanaa xisbiga UDUB
.
Haseyeeshee, ilaa hadda lama xaqiijin in Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ka aqbalay Eng. Maxamed Xaashi istiqaaladda uu u gudbiyey iyo in kale.
Dhinaca kale, tan iyo markii uu soo baxay warka iscasilaadda Wasiirka Maaliyadda oo lagu tilmaamo inuu tiirdhexaad u ahaa koboca dhaqaale ee xukuumadda talada haysaa ku faanto, ayaa waxa laga bixiyey faallooyin iyo aragtiyo kala duwan oo loo sibir-saarayo asbaabaha keenay shaqo-ka-tegista lama filaanta ah ee Eng. Maxamed Xaashi Cilmi xilligan ku dhaqaaqay.
Wixii warar ah ee ka soo kordha iscasiladda Wasiirka Maaliyadda oo guux weyn ka dhex abuurtay guud ahaan bulshada Somaliland kala soco Berberanews…..
Email info@berberanews.com