Guriceel-(Berberanews)- Nin hubeysan oo ka mid ahaa dadka deegaanka Matabaan ayaa maanta barqadi dilay saddex nin oo laba ka mid ahi ahaayeen kormeerayaal ka socday Hay’adda Cuntada Adduunka WFP.
Ragan la laayey ayaa u tagay halkaasi sidii ay u qiimeyn lahaayeen raashin mucaawino ah oo laga qeybinayey kaamam barakac oo ku yaala degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, sida ay inoo sheegeen dad goob joog ah. Ninka gacan ku dhiiglaha ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Xaashi Canshuur ayaa ahaa horjeege mid ka mid ah kaamamka raashinka laga qeybinayey lamana oga sababta ka dambeysa dilka wuxushnimada ah ee uu u gaystay.
Saddexda ruux ee la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Muxyidiin Macalin Yaroow iyo Maxamed Salaad oo ka tirsanaa WFP iyo Cabdillaahi Cali Cabdi oo ahaa mas’uul ka tirsan hay’ad NGO maxali ah oo iskaashi la leh WFP.
Maamulka Ahlu Sunna ee degmada Guriceel oo ayaa markii danbe ku guuleystay xadhiga gacan ku dhiiglaha, waxaana uu hada ku xidhanyahay saldhiga degmada Guriceel.
Meydka labada nin ee ka tirsaneyd WFP ayaa loo qaaday degmada Guriceel, halka marxuumka kale ee la yidhaahdo Cabdillaahi Cali Cabdi loo qaaday deegaanka Kalabaydh. Weerarkaan ayaa ka mid ah kii ugu xumaa ee lagu qaado shaqaalaha Samafalka ee ka dhaca gobolada dhexe sannadkaan.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.