Wasiirka Maaliyadda oo markii ugu horreysay ka hadlay halkay ku dambaysay is-casilaad la hadal-hayey iyo kulan uu Madaxweynaha la yeeshay

Hargeysa-(Berberanews)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa markii ugu horreysay maanta ka hadlay is-casilaad la sheegay inuu sameeyey oo uu ka noqday, waxa ku kallifay iyo natiijada kulan uu xalay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo la yeeshay.

Inkasta oo aanu Wasiirka Maaliyaddu sharraxaad buuxda ka bixin waxa keenay khilaafka sababi gaadhay inuu xilka iska casilo, hase yeeshee wuxuu ku af gobaadsaday in arrintaasi laga heshiiyay. Waxaanu yidhi; “Horta Arrintu wax weyn may ahayn waxay ahayd shirkii Golaha Wasiirradda, Golaha Wasiirradana waxbaa lagu naaqishaa, waa lagu murmaa waxbaa lagu heshiiyaa waa wax caadi ah oo dhaca ayay ahayd, arrintiina way iska dhamaatay wax dhibaato ahi ma jiro.” “Waanigan shaqaynaya ee aad i arkayso.”Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland Maxamed Xaashi oo la hadlay Horn Cable TV.

Waxa la sheegay in xalay Wasiirka Maaliyadda iyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay kulan saacado qaatay ka dib lagu qanciyay inuu shaqadiisa sii wato oo uu ka noqdo istiqaaladda uu gudbiyay. Afar iyo labaatankii saacadood ee la soo dhaafay waxa si weyn dadweynaha Somaliland wax iskaga weydiinayeen istiqaaladdan deg dega ah ee uu soo qadimay waxaana loo fasirtay siyaabo kala duwan, kuwo taageeray iyo qaar u arkay inuu ku deg degay.

Si kastaba ha ahaatee, hadal-haynta is-casilaadda aan rumoobin ee Wasiirka Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi, ayaan ahayn wax ku cusub dhagaha shacabka Somaliland, hase-ahaatee, tan iyo markii uu xilka Wasiirnimo qabtay muddo sannad iyo badh ah ka hor way ku soo noqnoqotay dhagaha bulshada hadal-haynta in Maxamed Xaashi is-casilayo. Waxaanay u eegtay inuu ka dhigtay caado inuu suuqa gashado wuu is-casilayaa, si uu culays ugu saaro Xukuumadda iyo si uu u agooda dareenka bulshadu ka bixiso, sidii dawladihii kacaanka oo kale.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.