Weftiyo ka socda dawladaha Jabuuti iyo Somaliland oo maanta isugu yimi magaalada Saylac iyo sababta kulmisay

Saylac-(Berberanews)- Wefti ka kala socda dawladaha Somaliland iyo Jabuuti, ayaa caawa u wada hoyday magaalada Saylac ee xarunta gobolka Selal, kuwaasoo shalay ka kala ambabaxay Caasimadaha labada dal ee Hargeysa iyo Jabuuti.

Weftiga Somaliland ka socda ay hoggaaminayso Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdi Siciid Faahiye, Agaasimayaal iyo Xildhibaanno ka tirsan Golayaasha Qaranka ayaa maanta galinkii dambe si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Saylac ee Xarunta Gobolka Selal.

Waxa Weftiga si diiran ugu soo dhaweeyay oo kaga hortagay duleedka magaalada Saylac Maamulka Heer Gobol, Mid Degmo, maamullada Waxbarashada iyo Dadweyne aad u tiro badan. Weftiga ay horkacayso Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxay kulan is barasho ah la yeesheen madaxda dawladda ee gobolkaas iyadoo uu hadal kooban halkaasi ka jeediyay Duqa degmada Saylac Maxamed Cumar Xaddi oo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin imaatinka weftigan ka socda Xukuumadda iyo Golayaasha Qaranka.

Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Selal Cali Allaale Rayaale ayaa weftiga ku soo dhaweeyay magaalada Saylac isla markaana sheegay in xaaladda nabadgelyo iyo Nololeed ee deegaamada gobolkaasi ay aad u wanaagsan tahay.

La-taliyaha Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Rashiid Cismaan Maxamed (Rashiid-Lugay), oo ku hadlayay magaca Weftiga ayaa u mahad celiyay maamulka iyo dadweynaha ku nool magaalada Saylac ee sida waddaniyadda leh ugu soo dhaweeyay Weftigan gobolka Selal.

Waxaana Berri la filayaa in Weftigu ay si rasmi ah xadhigga uga jaraan Dugsiga Sare ee Boodhinka ah ee laga hirgaliyay Magaalada Saylac, isla markaana la rejaynayo inay ka soo qayb-galaan Wefti ka socda dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti.

Dhinaca kale, waxay sheegtay Idaacadda dawladda ee Radio Hargeysa in Wefti ka socda dawladda Jabuuti ay ka qaybgali doonaan munaasibadda furitaanka Dugsigaas laga furayo magaalada dhinaca Xeebta ku taalla ee Saylac.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.