“Anniga xilligii Hargeysa qaraxyada laga fulinayey qoladii loo soo dirayey waan ku jiray, laakiin, nasiib-wanaag….Innamo reerahooda tahriib ugu qoran ayaa shan sannadood xeryaha Al-Shabaab ku jira oo.. ”
“Markaan la kaftamay wuxuu igu yidhi; ‘waa in reer Hargeysa la dilo, iyagaa ka xun Gaalada, oo qaatay Dimoqraadiyade.” “Nimanka ka dmabeeyey tagistayda, waxa uu ii sheegay inuu soo helay meel Jannadii ka dhow dahay oo ah Gaalada oo lala dagaallamo, Cajaladahanna daawo ayey igu yidhaahdeen..” Waraysi Wiilka Al-Shabaab ka tisanaa lala yeeshay
Hargeysa, 24 Dec, 2011 (Berberanews)- Wiil dhalinyara oo reer Hargeysa ah, muddo dhawr sano ahna ka tirsanaa Ciidammada Malleeshiyada Al-Shabaab ee ka dagaallama Koonfurta dalka Soomaaliya, ayaa dhawaan ka soo fakaday Al-Shabaab, isla markaana dib ugu soo laabtay Hargeysa, waxaanu ka warramay sidii uu Al-shabaab ugu biiray, ciddii ka dambaysay sifaha uu ku tagay, ficilladii ay samayn jireen wakhtiga uu la joogay iyo sababta uu hadda uga soo baxsaday.
Wiilkan dhalinyarada ah oo sababo nabadgelyadiisa la xidhiidha awgood codsaday inaan magiciisa la shaacin oo shalay Warbaahinta qaarkeed ugu warramay Hargeysa, ayaa sheegay inay Al-Shabaab ugu soo hanjabaan dil maaddaama oo uu ka soo goostay. Sidoo kale, waxa uu sheegay inay AL-Shabaab xidhan tahay Shaadh-Diimeed, hase ahaatee wax Diin Islaam ah oo ay ku dhaqmaan ama ku shaqo leeyihiin aanay jirin.
Ugu horreyn Wiilkaan oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sidii uu ugu biiray Al-Shabaab, iyo ciddii ku dhiirrigelisay inuu ka mid noqdo, waxa uu yidhi; “Wakhti hore ayaa nin aanu saaxiibbo ahayn oo xilligan aan noolayn socdaal ku tegay Xamar isagoo u tegay qolada Tabliiqiyiinta ee aan u tegin urur dagaallama oo Al-shabaab la yidhaahdo. Ninkii oo la jooga tabliiqii ayaa maalin la tusay oo la kulmay qolo hub wadata oo AL-Shabaab ah, markuu weydiiyeyna qoladii markiska tabliiqa joogtay, waxa loo sheegay inay yihiin Al-Shabaab, ninkii maalin danbe ayuu nimankii kulan la yeeshay ugana warrameen muhiimadda Islaamka iyo inaan loo baahnayn in digsi la qaato oo la wareego, balse iyaga Al-shabaab la yidhaahdo una socdaan inay jihaadka galaan oo Diinta meel walba la gaadhsiiyo, mushaharna ay qaataan, waxaanu go’aansaday inuu fikirkooda qaato, ka dibna waxuu u sheegay inay shan iyo toddobaatan maalmood sugaan oo uu ku laaban doono Hargeysa, si uu saaxiibbadii ugu sheego fikirkaa.” “Markuu soo laabtay ayuu habeen isaga iyo nin kale oo Abuu Cubayda la odhan jiray reer Hargeysana ahaa, waxaanu ii sheegay inuu soo helay meel Jannadii ka dhow dahay oo ah Gaalada oo lala dagaallamo, Cajaladahanna daawo ayey igu yidhaahdeen, mid dagaalladii Afqanistaan ah, mid sida Falastiin Yuhuuddu u disho iyo mid Usaama khudbadihiisi iyo dhacdooyinkii uu ka daneeyey lagu soo uruuriyey ay ku jiraan ayuu I daawadsiiyey, iina sharxay sida loogu baahan yahay in Diinta loo dagaallamo, Jannadiina halkan ka dhowdahay, Inan kale oo saaxiibbo aannu ahayna wuu nagu raacay.” Ayuu yidhi Wiilka Al-Shabaab ka soo laabtay.
Waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo uu yidhi; “Markaa ayuu la hadlay Aadan Cayrow oo lacag kun Doollar ah soo diray una sheegay inaan u tagno ninka Cabdillaahi-Gaab la yidhaahdo ee Madarasad ku haysta Calaamadaha oo ah Wakiilka Al-Shabaab ee Somaliland dhalinyaradana u dira Al-Shabaab. Cabdilaahi-gaab ayaa yidhi Berri aqalkayga ayaan qado idiinku samaynayaa, markaan tagnay waxa joogay ilaa siddeed iyo afartan Wadaad oo aan u arkayey inay yihiin Ganacsatada magaalada wax ku haysta, halkii ayuu faa’iidada jihaadka noogaga warramay, wuxuu sheegay in dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray maanta jihaadku bannaan yahay, nooguna bishaareeyey inaan maanta hellay macaankii nolosha mar haddaan jihad go’aansannay, una soo jeeddiyey Waddaadii meesha fadhiyey haddii ay jiraan cid na raacaysa ama wax sahay ah ku biirinaysa, waxaana halkii nagaga biiray afar kale, nin Wasiir dhalay, mid Abuu Cubayda la yidhaahdo oo halkaa jooga, mid xilligan dhintay, sidii ayaan illaa Balcad ku gaadhnay oo Ciidammo Al-Shabaab ah oo saddex gaadhi oo tikniko ah watay nagu sugayeen, waxaana naloo galbiyey Muqdisho xero ku taallay oo saalaxu-diin la odhan jiray, berrigii horena lay sheegay inay ahaan jirtay Xabaalo Gaaladu la hayd oo Al-shabaab burburiyeen.” “Saddex maalmood markaannu nasannay ayaa muxaadaro naloo qabtay, soo dhowaada reer Somaliland, weligiin geesiyaal baad ahaydeen, weydinkii Siyaad Barre jebiyey, waan idin sugaynay, ka dibna waxa nala geeyey xero Shiirkole ku taallay oo Baytal-amni la odhan jiray ayaa tababarkii nalooga bilaabay, sagaal bilood ayaan tababar ku jirnay, waxaana macallimiin noo ahaa nin la odhan jiray Abu-Cishriin, Ibraahim Afqaani, sidoo kale Axmed Godane ayaa xagga caqiidada noo dhigi jiray, waxaan xerada ku joognay 289 Soomaali ah, ka dib waxa nala geeyey xero Afgooye ku taal oo mutafajiraadka (Waxyaalaha qarxa) nalagu barayey, oo nin cadcad ah oo Abu-Ayuubi Al Ansaari la yidhaahdo na barayey oo Sweden ka soo baxsaday, bil iyo badh ka dib Xamar ayaan ku noqonnay. Markaa, sidii ayaan uga mid ahaa Al-Shabaab muddo dheer.” Ayuu yidhi.
Sidoo kale, mar la weydiiyey inay Al-Shabaab dadka Soomaaliya deggan ay xoog kaga qaadaan Hantidooda iyo Haweenkaba, isla markaana qasab Ciidammo ku qortaan Carruurta yaryar, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi; “Walaal, xilligii hore, shacabka Muqdisho waxay khaati ka joogeen mooryaanta iyo Budhcad booba hantidooda, markaa iyagaa u yedhan jiray Al-shabaab, inkastoo nasteexo weyn aanay ku qabin iyagaba, haddana way u dhaameen Mooryaanta dhacaysay, mar mar iyagaa qof walba wuxuu heli karo u keeni jiray, laakiin way jirtay in qaarkood hanjabaad ka dib Xoolahooda u keeni jireen, haddii kale waxa lagu qaadi jiray inuu yahay waa murtad jihaadka diidaya, waana la dili jiray. Waxa jirta, in dadku iska ilaalin jireen la kulanka Al-shabaab, maxaa-yeelay? Haddii ay kuu soo jeediyaan inaad ka mid noqoto oo aad diiddid fikirkooda way ku calaamadsanayeen, mar ay ahaatana waa lagu dilayey. Sidoo kale ninka ka soo horjeesta Ciidammadooda waa la dili jiray, ninna kuma dhacayn inuu diido amarkooda. Ninyow, dhaqaale baaxad leh ayaa ku socon jiray, waxaan arki jiray nin Abu-Cishriin la odhan jiray oo bishiiba laba xilli Xerada Salaaxudiin noogu iman jiray isagoo wada lacag aad garan kartid inaan Muqdisho laga soo ururin, oo badan.”
Mar uu ka jawaabayey Su’aal Wiilkan laga weydiiyey fikirka qolooyinka is-qarxiya inuu yahay mid ay iyagu iska leeyihiin, mid codsi ku yimaadda iyo sida kale ee uu ku fulo waxa uu yidhi; “Horta, inta badan dhalinyarada is-qarxisa waa Soomaalida dibedaha ka soo laabta, oo maskaxdooda ay beddeleen, malaa garaad yari-dooda awgeed, waxa sidoo kale jiray carruurta markay da’ doodu yartahayna waxay u tabobbaraan is-qarxinta, inta aanay Caqli ku filan yeelan, hadhowna, iyagaa markii loo baahdo odhanaya, hebel Jannadaadii waa la gaadhay, ee soo kac, hawlgalkiina loo diraa. Sidoo kale waxa jirta qolo hadduu ka soo bixi waayo hawshaa isaga dilaysa, markaa waa laba daran mid dooro. Anniga xilligii Hargeysa qaraxyada laga fulinayey, qoladii loo soo dirayey waan ku jiray, nasiib-wanaag, waan xanuunsaday, oo sidaa ayaan kaga baaqday, balse, mar haddii ninmankaasi gacanta kugu dhigaan ikhtiyaar danbe oo aad leedahay ma jiro, haddba, meeshii ay doonaan ayaa lagugu jihaynayaa, sida rimootka.
Mar la weydiiyey su’aal ahayd; Maaddaama ay dilaan qofkii ka baydha fikirkooda Al-Shabaab, siday kuugu suurtowday inaad soo baxsato, ma dhimashadii ayaad ka baqday? Dibse wax xidhiidh ah ma kuula soo sameeyeen? Waxa uu yidhi; “Walaal, horta qof walba ILLAAHAY baa qoray xilliguu dhimanayo, dhimasho aan ka baqayo awgeedna uma soo baxsan, sifahaan ku soo baxsadayna, wax badan kama sheegayo, haddii kale niman qeyb ku lahaa ayaa soo baxaya, ma doonayo inaan faahfaahiyo, balse, su’aashaada dib ma kuula soo xidhiidheen, haa, dhowr jeer ayey ila soo xidhiidheen oo yidhaahdeen iyagoo doonaya cabsi gelintayda, hebel waad ogtahay ballan-furkaaga axdigii, annaguna waan kugu soo soconnaa, balse, jawaabtaydu waxay ahayd, aqoon waan isu leenahay, waxaad haysaan waxba halla hadhina, maalintii ILLAAHAY ii qoray ayaan dhimanayaa, laakiin cabsi imaantinkiinnu igu beeraysaa ma jirto, digniinna waan ka qabaa.”
Wiilkani mar uu ka hadlayey su’aal laga weydiiyey fikirka ay Al-Shabaab ku dagaallanto ee ah inay Diinta Islaamka u hiilinayaan iyo waxa ka run ah waxa uu yidhi; “Walaal, sidaa aan kuu sheegay inay maskaxda dhalinyarada xadaan oo ku beeraan qiiro iyo khiyaali inay Diinta Illaahay u hiilinayaan, siday inta badan ee dibedaha ku soo jiitaan ayey anigana markii hore igu jiiteen, nasiib-wanaag, Illaahay ayaa xaqii ii bayaamiyey, waanan daba qabtay naftaydii, denbigii aan ku jirayna Illaahay ayaan weydiistay inuu iga saamaxo. Walaal waxaad arkaysaa innamo badan oo reerahoodii ugu qoran inay tahriibeen oo xeryo Muqdisho ku yaal shan sannadood ku jiray, maalina ka bixin, oo aan la oggolayn inuu dibedda uga baxo, mar hawlgal loo kaxeeyo isagoo afka duuban mooyee, si aan loo ogaan. Reerahoodii Muqdisho joogayna Wiilkiini tolow ma Badduu ku dhintay ayey isleeyihiin waa kan soo hadli waayey, mise Xabsiyada dalalka dibedaha ayey ku jiraan, nasiib-darro, waa Carruur maskaxda laga gumaystay, dee malaa, qaarkood sixir ama wax kale ayey u adeegsadeen, sida ay u dhego xidhan yihiin, waxay u sheegaan mooyee, wax kale u marayn.”
“Maalin baan nin kula kaftamay aan saaxiibbo dhow ahayn, waxuu iigu jawaabay maan dhulka Gaalada tago intaan Hargeysa ku noqon lahaa, iyagaa (Dhulkaa Gaaladaa) ka dhow dadka Hargeysa jooga, waxaana fiican intaan Gaalada la dilin in iyaga (reer Hargeysa) la dilo, iyagaa ka xun Gaalada, oo qaatay Dimoqraaddiyad.” ayuu yidhi.
Gebogabadii Waraysigan waxa Wiilkan la weydiiyey waxa uu kula talinayo dhalinyarada u hanqal-taagaysa inay ka mid noqdaan Al-Shabaab waxa uu yidhi; “Waxaan kula dardaarmayaa ama u soo jeedinayaa dhalinyarada reer Somaliland nimankaasi (Al-Shabaab) waxay ku dagaallamayaan ama ay u dagaallamayaan ma yaqaannaan, waxaanan caddeynayaa haddaan ahay ninka wareysigan bixinaya inaanay wax Diinta Islaamka shaqo ku lahayn, balse keliya xidhan yihiin shaadh Diimeed, IIlaahay ninka Gaalka ah sabab la’aan ku dil kuma odhan, iyagana nimanka madaxda u ah loo soo yeedhiyo oo sidaa iyo sidaa yeela la yidhaado, laakiin aanay maskaxdooda iyo fikirkooda ku socon, annagaa soo aragnay waxay galaan iyo waxay gudaan, inaanay dhib mooyee dheef lahayn waxay samaynayaan.” Waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo yidhi; “Waxaan fari lahaa shacabka gaar ahaan dhalinyarada reer Somaliland inay ka fogaadaan sifo kastoo nimankaasi caqligiinna ku xadayaan, waxii ula yimaadda hawlahaana u soo sheegaan Xukuumaddooda iyo waxgaradkooda iyo dadka caqliga u saaxiibka ah si fikirkaa khaldan ee nimankaasi wataan uga badbaadi lahaayeen, shacabkooda muslimka ah iyo dalkooda nabadda ahna uga ilaashan lahaayeen.”
Xigasho Wargeyska Ogaal.