In kasta oo ay Wasaarada Waxbarashda Somaliland ay la timi Dadaal dheeraad ah isla markaan ay ku guuleysetay in bilaash laga dhigo Waxbarshada Dugsiyada Hoose iyo Dhexe ee Jamhuriyadda Somaliland.
Haddana Fulinta arritani ma’aha mid fudud ama sahlan, Hirgelinteeda iyo meelmarinteedana waxaa looga fadhiyaa Wasaaradda Waxbarshada Somaliland.
Illaa hadda Macallimiin gaadheysa 345 macallin ayaan ku jirin Pay rollka Wasaaradda Waxbrashada oo aan mushahar qaadan, Macallimiintaasi waxay u badan yihiin kuwii mushaharka ka qaadan jirey lacagtii laga ururinjirey ardeyda dugsiyada dhexe iyo hoose ee bilawgii sannadkan la joojiyey.
-Dhismayaasha fasallada Waxbarashada oo koob-kooban haddana ay dhigtaan illaa iyo 80 ardey fasalkiiba.
– Macallimiinta ka howlgasha Dugsiyada Hoose iyo Dhexe oo aan tabobbarneyn ugu yaraan 25%.
– Waxaan iyaguna mushar joogto ah qaadan ilaaliyaasha ama washmaanada iskuullada Hoose iyo dhexe meelo badan oo Somaliland ka mid ah,
– Waxaan iyana cidi wax siin Dumarka nadiifiya iskuullada hoose iyo dhexe ee iskuullo badan oo Gobollada Somaliland ah gaar ahaan Gobolka Saaxil. Joojinta lacagtii iskuullada laga qaadi jirey waxa ay aad u wax yeeleysey iskuullada ku yaalla Tuulooyinka iyo Degmooyinka faqiirka ah, kuwaas oo aaney iyaga ka dhisneyn Guddiyo Waalidiin ah oo iskuullada ka caawiya xagga dayactirka ama gunnada macallimiinta.
Sida aynu kawada dheregsannahay Gobolka Saaxil waa Gobollada ugu Tayada Hooseeya xagga Tacliinta Dhexe iyo Sareba marka la is bar-bar dhigo 6-da Gobol ee Somaliland ka kooban tahay. wuxuu ka Hoos marey Gobolka Sool oo ahaan jirey Furin dagaal dhowr sano ka hor, taasna waxa ka markhaati kacaaya Natiijada Imtixaankii sannadkan 2011ka ee fasallada 8-aad iyo 4-aad ee Dugsiyada sare oo ardey badani ay keentay D-grade qaar badanina ay Ku dhaceen
Tayo-darrada Tacliinta Gobolka Saaxil waxay Sababtey in ay Reero aad u badani ay ka guuraan gobolka si ay carruurtooda tacliin fiican ula doontaan. waxay sababtey in Saaxil laga waayo macallin qualified ah oo wax ka dhiga dugsiyada Sare ee Gobolka. waxay sabatey in Gobolku ka muuqan waayo liskii ardeydii ugu Saresey Natiijooyinkii Imtixaanadii sanadkan 2011ka ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare. Waxay sababtey in uu Gobolku noqdo Gobolka hela Ardeyda ugu yar ee Scholarshipka hesha marka loo eego 6da gobol ee Gobolada SOMALILAND.
Haddaba DULUCDA QORMADANI waxay tahay Maxaa GOBOLKA saaxil uga Qorsheysan Sanad Dugsiyeedka 2012-13.??
Taasoo ka dib markii Waxbarashada Hoose iyo dhexe ee Somaliland laga dhigay Bilaash la rajeynayo in ay Sanadka soo socda ay fasalada koowaad is qori doonaan Guud ahaan Somaliland Ardey gaadheysa ilaa 64.000 ardey. Gaar ahaan Gobolka Saaxil waxaa is qori doona ilaa iyo ardey Qiyaasteedu noqoneyso 3500 oo ardey.
Arrintaas oo soo kordhin doontaa in loo baahdo Macalimiin badan, in loo baahdo fasalo dheeraad ah, in loo baahdo qalab waxbarsho oo dheeraad ah iyo Tababar hor leh oo la tababaro macalimiinta Dugsiyada Hoose/Dhexe ee Gobolka.
Haddaba, maadaama oo ay hore gobolka uga jireen Caqabado badan oo horyaaley Waxbarashada Gobolka waxaan kula Dar-daarmeynaa in Gudida Waxbarshda Gobolku ku darsadaan Qorshahooda cusub ee ay dhawaan ku bedeleen Qaaka loo qaadayo Imtixaanada Midh-termka Gobolka in ay ku darsadaan Qorshihii loo wajihii lahaa marka ay dhawaan bilaabanto is qoristii fasalada koowaad ama uulada taas oo la filaayo in ardey ka badan ku wii sanadihii hore ay IS qori doonaan sanadkan maadaama bilaash laga dhigay Waxbrashadii Hoose iyo Dhexe ee SOMALILAND.
Wixii aan saxay illay ayaa mahadeeda leh, wixii aan khaldeyna Shaydaan baa leh.
Waa BIlaahi TOWFIIQ,
Gudida FULINTA
Kulan UK.
Kulan UK , Waa urur ay ku midoobeen Qurbajoogta reer Saaxi.