Shirkadda Isgaadhsiinta TELESOM iyo SALAAM Financial oo si wada-jir ah u soo bandhigay Adeeg cusub oo Casri ah

Hargeysa-(Berberanews)- Shirkadda Isgaadhsiinta Somaliland ee TELESOM iyo Salaam Financial, ayaa maanta soo bandhigtay adeeg cusub oo la magac baxay KAAFI, adeeggan ayaa Macaamiisha shirkadda Telesom u fududaynaya in ay si hawl yar lacagtoodda ugala baxaan Mobileka waa haddii ay ufaran tahay adeega Zaad, oo ah adeeg lagu kala xawisho lacagta kalla duwan.

Xafladdii furitaanka oo lagu qabtay Xarunta Guud ee Shirkadda Telesom ku lee dahay Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay madaxadda Shirkadda, Masuuliyiinta ugu sarsareysa Adeega ZAAD iyo Salaam.

Ugu horeyn waxa Daahfurka adeegan cusub ka hadlay Maxamed Ibraahim oo ah isu duwaha adeega Salaam, waxana uu warbixin kooban ka bixiyay adeega Salaam uu bixiyo “adeeg cusub ee salaam ku soo kordhiyay waxan jeclaa marka horre inaan warbxin kooban idinka siiyo salaam. SALAAM waa xarun ama waa haayad maaliyaddeed oo u shaqaysa sidday u shaqeeyaan rugta xurmaha kale ee caalamka, waxa la furay xaruntu adeega Salaam muddo haatan laga joogo laba sano iyo dheeraad, adeeganina waa adeeg maaliyaddeed marka horre macmiilka waxa uu u fududaa in uu ka aqbalo dhigaal, adeegan markasta wuu qaadan karraa,waadna la socon kartaa halka uu maryo xisaabtaaddu”.

Waxana uu intaasi ku sii daray “Adeegyadda uu qabto salaam waxa ka mid ah in uu bixiyo maalgashi, waxana ay siisaa cidkasta oo ka soo baxdda shuruudaha loga baahan yahay, xaruntan waxa kareeban wax kasta oo rimbo ah, waxana uu ku salaysan yahay shareecadda diinta islaamka” Ayuu yidhi Maxamed Ibraahim.

C/qani Xariir oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in waxtarka uu lee yahay adeegani ay badan tahay waxana uu sheegay in meel kasta oo uu ka shaqaynayo shirkadda Telesom in aad isticmaali kartid adeegan.waxana uu sheegay in adeegani uu fududayn karro Saf dheer ama Kayuu aad ugali lahayd in aad xawishid lacag.

C/raxmaan Aadan Shirre, oo ah Madaxa adeega ZAAD oo ugu danbeyntii halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Telesom waxay noqotay shirkaddii Afaraad ee caalamka ku soo kordhisa adeega lacageed ee Mobile”, waxana uu intaasi ku daray “Bangiyadu waxay ay ka shaqan jireen caalamka balse waxa halkii bangiga badalay waxa la yidhaaddo Mobile Money adeegan ee telesom u soo gudbisay macaamiisheeddeena waa horumar ay gaadhay.”

Gabgabaddii waxa uu madaxa ZAAD baaq u diray shacabka Somaliland taas oo uu ku waaniyay in ay ka faa’iidaystaan adeegan “Waxan jecelahay inaan maanta halkan ugu baaqo shacabka Somaliland oo aan u sheego ZAAD oo aad ku nasateen ayaa waxay idiin keentay adeega KAAFI waxana aan lee yahay ku soo dhowaadda, runtii adeegani waa mid aad ku nasan doontaan” ayuu yidhi C/raxmaan Aadan Shirre.

Si kastaba ha ahaatee Adeeggan loogu yeedhay KAAFI ee ay Maanta Shirkadahani soo bandhigeen ayaa ku cusub dalka Somaliland waana adeeg aad dadka Ganacsatada ah iyo dadka kale ee Lacagaha ku kaydsada SALAAM, isla markaana isticmaala Adeegga ZAAD Service ee ay Moobilka Shirkadda TELESOM oo hore bulshada Somaliland si weyn ugu adeegan jirtay u fududayn kara ogaanshaha iyo sidoo kale maamulka Lacagta ugu jirta Sanduuq-xisaabeedka uu qofku ku leeyahay SALAAM Financial.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.