Jamaal Cali Xuseen oo Ayaan-darro ku tilmaamay in Rag 20 Sano xil soo hayey oo fashilmay maanta Madaxweyne-nimo doonayaan

Hargeysa-(Berberanews)- Guddoomiyaha City Bank qaybtiisa Tanzania Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, isla markaana ka mid ah Musharrixiinta u taagan Jagada Madaxweynennimo ee Xisbiga UDUB dhexdiisa, ayaa sheegay in dalka Somaliland u baahan yahay is beddal dhammaystiran oo siyaasadeed, hase ahaatee, waxa uu ayaan-darro ku tilmaamay in Rag labaatan sannadood dawladihii soo maray Somaliland Wasiirro ka soo ahaa oo fashilmay maanta isa soo hortaagaan shacabka iyaga oo Madaxweynenimo doonaya.

“Dalku waxa uu u baahan yahay isbedel hal-abuur leh, maanta haddii 20-Sano  ninkii soo ahaa Wasiir uu doonayo inuu Madaxwayne Waddanka ka noqdo waa dhib iyo ayaan-darro, waxa loo baahan yahay in jiil cusubi waddanka yimaado oo is beddal siyaasadeed dalka laga hirgeliyo.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo maanta hadal ka jeediyey Xaflad lagaga dhawaaqay Urur la magac-baxay Damal, kana mid noqonaya kuwa siyaasadda Somaliland oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Waxa uu Aqaanyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu soo jeediyey in la kala saaro Dhaqanka iyo Dimuquraaddiyadda Somaliland qaadatay oo isku dhex Milan, welina aan si rasmi ah u kala soocmin. “Aynu kala dayno Dimuquraadiyadda iyo Qabyaaladda, reer Somaliland uma baahna reer hebel ayaa maanta Madax noqonaya ee waxa loo baahan yahay isbeddel siyaasadeed oo cusub iyo Aqoonyahanno maskax cusub wata.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Dhinaca kale, Mr. Jamaal waxa uu dhalinyarada ku dhiirrigeliyey inay ka qaybqaataan siyaasadda iyo hoggaaminta talada dalka. Isla markaana, ay qiimeeyaan qofka dalka hore masuul uga soo noqday ee fashilmay, ka dhawrsoon iyo dadka doorashada doonaya oo ay ku kala saaraan aqoon, hufnaan iyo karti. Si taa loo helana waxa uu soo jeediyey in laga fogaado qabyaaladda iyo nin jeclaysiga.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.