Berbera: Magaalo Muuqaal Ahaan Ka Duwan Sannado Ka Hor, Cabashooyinka Adeegyada Waxbarsho, Jawaabta Badhasaabka Iyo Magcaabista Maareeyaha Oo Wax Weyn Ka Bedeshay Siyaasada Gobolka

Warbixin: Weriye Carraale M. Jaamac

Berbera-28-Dec-2011-(Berberanews) “Haddii ay duruufuhu ii saamaxayaan waxbarashadayda waxaan u bedelan laaha Hargeysa. Laakiin waxaan ku khasbanahay inaan iska adkaysto ilaa inta ay suurtagal noqonay inaan ka bedesho halkan” sidaa waxa yidhi, Maxamed C/qani oo ah wiil yar oo ka mid ah Ardayda Dugsiga Sare ee (Abdisalaan Secondary School ) oo ku yaala Magaaladda Berbera.

Wiilkaa oo ka mid ah Ardayda wax ka barata Dugsigaa Abdisalaan Secondary School oo ka mid ah Dugsiyada ku yaala Berbera ayaa weriye Carraale M. Jaamac oo ah Tafaftiraha Shebekadda Araweelonews kula kulmay todobaadkii hore Magaalada Berbera, isaga iyo Arday kale oo wax

ka barata dugsigaa, kuwaas oo sheegay inay tayada waxbarasho ee magaaladoodu aad u liidato, isla markaana soo qadimay cabashooyin la xidhiidha duruufaha waxbarsho ee ka taagan halkaa iyo waxyaabaha ay tabanayaan.

“Dugsigani waa ka ugu qalqaalisan, waxaan markii hore kasoo baxay Dugsiga Hoose/Dhexe ee Iimaam Shaafici , waxan Dugsiga C/salaamdhiganayay laba sannadood waana la qabsanwaayay, sababtoo ah dugsigaa hore ee aan kasoo baxay wuxuu ahaa mid ardayda aad loo ilaaliyo. Laakiin halkan dugsigan weli lamaan qabsan, waana dugsi Ardaydiisu u baddan yihiin qal-qaaliyiin. Duruufo ayaa igu xidhay ee waxaan jeclaa inaan Hargeysa u bedesho.” Ayuu yidhi. Maxamed C/qani, wuxuuna xusay inaanay magaaladu lahayn dugsiyo gaar loo leeyahay (privates) oo ay ku kabaan aqoontooda dhinaca luqadaha iyo culuunta kaleba sida ardayda magaalooyinka kale ee Hargeysa iyo Burco, isla markaana aanay macalimiintu u hagar bixin oo aanay fasalada qaarkood helin xiisadihii

ay lahaayeen.

Sidoo kale Siciid Maxamed oo ka mid ah ardayda dusgsigaa ayaa sheegay inay jiraan tabashooyin dhinaca waxbarshada ah, gaar ahaan dugsigooda, wuxuuna ku dooday in aanay fursado ay ku kabaan

waxbarshadooda ka helin halkan oo dhinaca dugsiyada gaarka loo leeyahay, wuxuuna mar uu ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay inay isticmaalaan Internet-ka si ay waxbarashadooda uga faa’idaystaan wuxuu yidhi, “Internet-ku waa cidhiidh halkan oo meel keliya ayaa ka furan, wayna isticmaalaan ardayda kuwa duruufuhu u saamaxayaan.

Laakiin anigu waxaan sitaa Mobile Somtel ah, kaas ayaan ka isticmaalaa.” Ayuu yidhi Siciid, wuxuuna ku dooday haddii ay dadka gobolku doonayaan inay horumar sameeyaan inay samayn karaan, balse

isweydiintu tahay ma yihiin bulshadani kuwo doonaya inay horumar ka sameeyaan gobolka Saaxil.

Marka si guud loo eego waxbadan ayaa dhinaca waxbarshada iska bedelay sidii ay ahayd laba sanadood ka hor, ama sadex sannadood ka hor, balse waxaad moodaa dugsigayagu inuu ka duwanyahay dugsiyada kale ee magaalada, sababtoo ah waa dugsi macalinka iyo Ardaygu aanay xuduud lahayn, taas oo keentay in macalimiinta qaarkood aanay xiisadaha gelin, saaka oo kale xiisad keliya ayaanu ka helay macalin. Kadibna waanu iskaga soo baxnay oo waanaga maqaaxidan iska shaahayna. Sidaana waxa yidhi Arday kale oo ka mid ah Ardayda Dugsiga Abdisalaan

Secondary School Berbera .

Hase yeeshee Gudoomiyaha Gobolka Maxamuud Saleebaan Ramaax (Ina Cali Hayste) oo ka jawaabaya saluuga dadka gobolka Saaxil iyo cabashooyinka dhinaca waxbarashada ee lagu dhaliilo xukuumadda uu gobolka wakiilka uga yahay, wuxuu yidhi, “Geedka marka la beero muddaa la sugaa oo uu soo baxaa, waxaad moodaa in dad hore u gabay waajibaadkii dalka iyo umaddu ku lahaa ay qabtaan inay had iyo jeer gabbood ka dhigtaan dhalliilo, laakiin waxa gobolka Saaxil laga qabtay ma qarsoomayo. Haddaan kuu soo qaato waxbarashada waxaan aaminsanahay inay tahay

meelaha isbedelka weyni ku dhacay, haday tahay iskuulada iyo maamulka oo si aanu u toosino laba goor isbedel ka dhacay iyo meelaha qaar oo saddex goor ah, si loo toosiyo hannaanka waxbarashada. In badan baanu ku faani jirnay gobol ahaan miisaaniyadayadu waa 15 milyan S/sh. bishii, in ka badan kala badh waxaanu u leexinay inaanu waxbarashada gelino oo macalimiin dheeraada ugu qabano, Guddi waxbarasho oo ka kooban maamulka gobolka ayaanu u sammaynay oo waxaannu u helnay

dhaqaale dheeraada oo macalimiintu ku qanacsantahay, iyadoo waxbarashaduna kor u soo kacayso, laakiin maalin qudha amma sanad-dugsiyeed waxbarashadu iskuma bedelayso.

Waxaanan filayaa inaanu ugu horayn doono gobollada dhinacyada dhismayaasha iskuulada oo aanu meelo badan ka dhisnay gaar ahaan Berbera, laakiin dhisme waxba ma taro, waxaannu xoogga saarnay sidii loo dhisi lahaa macalimiinta iyo ardayda. Awoodda ugu badan waxaannu saarnay sidii loo heli lahaa macalimiin tayo leh, loona heli lahaa wax ku filan meel fiicana way noo maraysaa.” Ayuu yidhi Mr. Ramaax.

Magaalada Berbera ayaa muuqaal ahaan si weyn wax isaga bedeleen marka loo eego sidii ay ahayd laba sanadood ka hor xiligii ay dalka ka talinaysay xukuumaddii doorashada laga adkaaday 26 Jun 2010, waxaana lagu tilmaama meelaha xukuumadda cusub ee Madaxweyne Siilaanyo culayska saartay sidii wax looga bedeli lahaa, iyadoo guud ahaan bilicda magaalada si weyn wax isaga bedeleen. Kadib markii laga hirgeliyay wadooyin ay dawladda Hoose ka smaysay oo Laami ah, kuwaas

oo qaarkood xaafadaha dhexmaraan. Sidoo kale madaarka magaalada oo muqaal ahaan laba sanadood ka hor u ekaa meelaha dadka laga tahriibiyo ayaa mudadii xukuumadda Siilaanyo laga fuliyay mashaariic baddan oo dib u dhis iyo dib u habayn guud. Marsada magaalada Berbera ayaa

iyana muqaal ahaan ka duwan sidii ay ahayd kal hore, waxaana magaalada ka socda xiligan dhismayaal cusub iyo kuwo hore oo qarniyo ka hor dhisnaa oo dib u habayn lagu samaynayo, taas oo ku tusaysa yididiilo iyo rajo mustaqbalka dhow iyo ka fogba. Laakiin waxa jira cabashooyin dhinaca laydhka oo waxyaabaha ugu mihiimsan ah.

 Inkasta oo ay muuqaalka magaalada berbera ee xarunta gobolka Saaxil aad uga duwantahay sidii ay ahayd laba sanadood ka hor. Hadana waxa jira cabashooyin siyaasadeed iyo saluug ku waajahnaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo laga dareemayay qaybo baddan oo ka mid ah Bulshada gobolka, kuwaas oo muuqaal ahaan ka duwanaa kuwa bulshooyinka gobolada kale ee dalka.

Laakiin 20 Dec 2011, waxa mar keliya isbedelay jawiga magaalada Berbera. kadib markii uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed

Maxamuud ( Siilaanyo) u magcaabay Maareeyaha Dekedda Berbera Eng.Cali Xoor Xoor, isla markaana xilkii ka qaaday Maareeyihii hore ee uu xilka kala wareegay Axmed Yuusuf Dirir, kaas oo xilkaa hayay sanad iyo dhawr bilood. Kadib markii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u

magcawday xilkaa markii ay ku guuilaystay doorashadii Madaxtooyada Somaliland 26 Jun 2010.

Magcaabista Maareeyaha Madaxweyne Siilaanyo mar kale kusoo celiyay Dekedda mihiimka ah ee Berbera Eng. Cali Xoor Xoor oo ahaa Maareeyaha Dekedda Berbera ku dhowaad dhawr iyo taban sanadood ee lasoo dhaafay, marka laga reebo ku dhowaad laba sanadood iyo dhawr bilood oo uu

xilka maamulka dekeda ka maqnaa tan iyo xiligii sagaashanaadkii xukuumaddii marxuum Cigaal, waxay magcaabistiisu noqotay mid gebi ahaanba wax weyn ka bedesha tabashooyinka iyo guuxa siyaasadeed ee ka jiray halkaa oo ku waajahnaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo mid si weyn wax uga bedeshay siyaasadii xukuumadda ee ku waajahnayd gobolka Saaxil oo ay bulshada ku nooli marar badan muujiyeen saluug dhinaca masuuliyiinta Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ee gobolka iyo dareen hoose oo mucaaradnimo, balse hada magcaabista dib loogu soo magcaabay Eng. Cali Xoor Xoor wax badan durba ka bedeshay rayalcaamkii Bulshada gobolka Saaxil ee Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, iyadoo si weyn looga soo dhoweeyay magcaabistiisa Berbera iyo magaalooyinka kale ee Somaliland.

Carraale Maxamuud Jaamac

E-mail; Info@araweelonews.com

 jaamac132@gmail.com