Qaahira-(Berberanews)- Wefti Somaliland ka socda oo Booqasho ku joogay magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar, ayaa caawa soo gebagabeeyey marti-qaad ay halkaa ku tegeen una soo kicitimay xarunta dalka kiiniya ee Nairobi, ka dib markii ay soo dhammaysteen socdaal qaatay Shan maamlmood oo ay kulamo kula yeesheen Masuuliyiinta Dawladda Masar, Ururka Jaamacadda Carabta, iyo Madaxda Xarunta Wershadaha iyo Ganacsiga ee Waddanka Masar.
Weftiga oo ka koobnaa Wasiirrada Arrimaha dibedda iyo Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, muddada ay ku sugnaayeen Qaahira, sida ay sheegayaan wararka laga helayo, Madaxda uu kulammada la yeesheen waxa ugu muhiimsanaa, ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda ee dalka Masar, Muna Cumar oo ku qaabbishay Qahira. Wasiirka ayaa waxa uu ku maqan yahay Dalka Iran), xafiiska Wasaaradda Arrimaha debedda, isla markaana qado-sharaf u samaysay Weftiga.
Wasiirka Mucaawimooyinka iyo iskaashiga Debeda, oo Xafiiska Raysal wasaaraha ku qaabbishay maanta gelinkii danbe, Saraakiisha Xarunta Wershadaha iyo Ganacsiga ee Dalka Masar oo xaruntooda ku qaabbilay, isla markaana Weftiga soo tusay Wershadaha waa weyn ee muhiimka u ah wax soo saarka dawladda Masaarida iyo sida ay u danaynayaan Somaliland, ku xigeenka Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta oo Xafiiskiisa ku qaabbilay. Waxa kale oo ay la kulmeen Saraakiil ka tirsan Ururka Jaamacadda Carabta.
Weftiga Somaliland ee Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa ay Madaxda ka wada hadleen qodobo muhiim u ah xoojinta xidhiidhka siyaasadeed iyo ka ganacsi ee u dhexeeya labada wadan.
Sida ay tibaaxeen Wasiirrada Somaliland ee Weftiga ahina waxa ay dawladda Masaaridu u muujisay sida ay u danaynayso inay wax la qaybsato Somaliland dhinac walba iyo sida ay weftigan ka hor xogta Somaliland ugu yarayd Qaahira.
Weftigu waxa kale oo uu kulan la yeeshay Ardayda Reer Somaliland ee wax ka ka barata dalkaas iyo Jaaliyada halkaasi ku nool oo ay uga xog warameen Dawladnimada ka hana qaaday Somaliland, isla markaana waxa ay ka dhegaysteen xaaladooda.
Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland Maxamed CabdillaahI Cumar iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo markii ugu horreysay booqasho ku tegay dalka Masar intii Xukuumadda talada haysaa jiray ka dib markii ay martiqaad rasmiya ka heleen Dalka Masar, waxa ay soo Ibo-fureen xidhiidh cusub oo la jaan qaadaya isbedelka ka dhacay Dalkaas, Somalilandna ay doonayso in ay dawladda Masaarida ku qanciso gooni isu taaga Somaliland, maaddaama ay Masar tahay Waddan Miisaan ku leh Dunida Carabta iyo ta Afrika labada-ba.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.