Xukuumadda Somaliland oo markii ugu horreysay ku hanjabtay inay Liisanka kala noqonayso Shirkadaha Isgaadhsiinta 2012-ka

Hargeysa-(Berberanews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay Shirkadaha Isgaadhsiinta ugu hanjabtay inay kala noqonayaan Liisanka aqoonsiga Shirkadnimo, ta ka hor-timaadda ama diidda habka isku xidhka khadka Taleefannada kala duwan ee ay bixiyaan sannadka 2012.

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta JamhSomaliland Dr. Axmed Xaashi Nuur (Oday) oo maanta ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay Wasaaraddiisa sannadkan sii dhammaanaya, ayaa sheegay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan shirkadda diidda in la isku xidho adeegga is-gaadhsiineed ee ay shirkaduhu bixiyaan oo aan hadda isku xidhnayn ama aan taleefannadooda lagu wadahadli karin. “Anigu waxaan imid wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta bishii Janaury 2011 waxaan markii u horeysay sameeyay Guddi ka kala socda wasaaradda iyo shirkadaha isgaadhsiinta si la isku fahmo, Gudidii way jiraan kolba wixii ka xumaada wasaarada ama shirkadaha ayaa lagaga wada hadli jiray waxaanay fadhiistaan todobaadkii.Gudidaasi intii ay jirtay waxa nasiib wanaag ah oo aanu ku faani karnaa in markii u horeysay xeer loo sameeyay wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta oo uu baarlamaanka ka hirgalo. Waana xeer ay ku wada dhaqmi doonaan wasaaradda iyo shirkadaha isgaadhsiinta dalka.” Ayuu yidhi Wasiirka Boosaha iyo Is-gaadhsiinta Somaliland.

Wasiirku wuxuu sheegay inay ku fikireen sanadkan in shirkadaha isgaadhsiinta la isku xidho, isagoo arrintaasi ka hadlayay wuxuu yidhi “Waxaanu isku daynay inaanu isku xidhno khadka isgaadhsiinta shirkadaha dalka, mishiin wasaaradda yaala oo aan anigu ugu imid ayaanu ka shaqaysiinay waxaana aanu markiiba isku xidhnay labada shirkadood ee TELESOM iyo SOMTEL, si aanu u tijaabino mishiinka, dabadeedna waxaanu ogaanay inuu shaqaynayo, markaas waxaanu shirkadihii way aqbaleen laakiin waxay ku heshiin waayeen qiimihii ay kala qaadanayeen, taasina waxay keentay in isku xidhkii dib u dhac ku yimaado. Isku xidhan waxaanu uga dan lahayn inaanu dadweynaha uga faa’iidayno oo dadka loo hawl yareeyo.waxase aan filayaa inay arrintaasi hirgeli doonto sanadka fooda inagu soo haya.”

Dr. Axmed Xaashi waxa uu sheegay in sanadkan shirkadaha isgaadhsiintu ay bixiyeen cashuurtii ugu badnayd waxaanu yidhi; “Sanadkii 2010-kii dakhligii shirkadaha isgaadhsiinta inaga soo galay oo dhammi wuxuu ahaa 657 Milyan, 240 kun, 470 shilin. Sanadkan 2011-ka waxa inaga soo galay shirkadaha cashuur dhan 4 Bilyan, 43 milyan iyo 820 kun oo shilin markaad isku eegto labadaasi sanadood waxa u dhaxeeya 3 bilyan,377milyan,570 kun iyo 530, iyadoo aanay waliba shirkadaha qaarkood aanay sidii la rabay u bixin oo ay baaqi ku tahay lacagi.”

“Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa shirkada Telesom oo iyadu runtii sadexdii bilood ee dambe mooyaane’e lacagtii hore ee lagu lahaa oo dhan sidii aanu ugu heshiinay u bixisay,waxa kaalinta labaad ahayd shirkada Somtel oo iyaduna lacago intaasi ku dhow dhow bixisay waxna lagu leeyahay. Shirkadaha kale waxay iskugu jiraan kuwo gacanta ku haya oo bixin doona iyo qaar fadhiid ah sida shirkadaha Nationlink iyo Soltelco oo shaqadoodu aad u yar tahay. Shirkadaha aan waxba bixin waxaanu rajaynaynaa inay sanadka fooda inagu soo haya wixii lagu lahaa oo dhan iska bixiyaan,”ayuu yidhi Wasiirka macdanta iyo biyaha.

Wasiirku wuxuu sheegay inay kor u qaadeen daryeelka shaqaalaha wasaaradda, waxaanu tilmaamay in labadii ciidoodba siiyeen gunooyin, bishii Ramadaana raashin.

WWasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland waxa uu sheegay inay u qorshaysan tahay inay Wasaaradda si fiican uga shaqaysiiyaan 2012-ka, waxaanu yidhi; “Maadaama oo xeerkii isgaadhsiinta la ansixiyay waxa lagama maarmaan ah in lagu dhaqmo xeerkaasi, shirkadii ka baaqata isku xidhka liisankeedii la cusboonaysiin maayo waa inay shirkaduhu aqbalaan isku xidhka sidaasi ayaanu sharcigu dhigayaa. Waxaan filayaa bishan bisheeda in dalka uu ka hirgalo adeegii Cable-kii isgaadhsiintu, waxaanan rajaynayaa in dalku helo internet xawaarihiisu sareeyo.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.