Aaska hoggaamiyihii hore ee Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Il oo Baraf iyo Ceeryaani hadhaysay iyo Xaflad loo sameeyey

Pyongyang-(Berberanews)- Aaska hoggaamiyihii hore ee Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Il ayaa maanta ka dhacday magaalada Pyongyang oo toddobaadkii hore geeriyooday, halkaasoo tobannaan kun oo qof ay isugu soo baxeen xaflad laba maalmood socon doonta aaska ka dib, isla markaana lagu caleemo-saarayo Wiil ugu yar carruurtiisa, Kim Jong Un.

Munaasibadda aaska waxa qariyay Baraf iyo ceeryaamo. Gaadhi nooca madaxda lagu qaado ah oo la dul saaray Naxash ka sameysan Muraayad oo uu ku jiro Meydka  Kim Jong Il, Naxashkaas oo uu ka hooseeyay Ubax cad oo dalkaas Baroor-diiq ahaan looga isticmaalo, ayaa hoggaaminayay Baabuurta galbineysay Meydkiisa.

Muqaallo laga sii daayay Televisihinka Qaranka Kuuriyada Waqooyi ayaa muujinayay Madaxweynaha Cusub Kim Jong Un oo dhinac lugeynaya gaadhiga siday Meydka Aabbihii, markii uu ka dhaqaaqayay fagaare weyn oo la yidhaahdo Kumsusan Memorial Palace.

Kim ayaa xidhnaa Jaakeed Madow, waxaanu hoos u dhigayay Madaxa si uu uga gabbado Baraf dhacayay.

Ciidamada ayaa buuxiyay fagaaraha iyadoo ilaallo muuqaal midabbo badan leh ay socod kuu mareen goobta.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.