“Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa naga codsatay inaannu 20 qof oo Guddi ah iska soo saarno, markii aannu 20-kii soo xulnayna inta la kexeeyey ayaa Saldhigga dhexe lagu xidhay khamiistii….” Mid ka mid ah dad qaxoonti ah oo cabasho la hortagay Hay’adda UNHCRHargeysa-(Berberanews)- Labaatan qof oo ka mid ahaa dad qaxoonti ah oo Itoobiyaan ah, isla markaana qaxoontinnimo ku joogay magaalada Hargeysa, ayey Xukuumadda Somaliland shalay u ku wareejisay dawladda Itoobiya, ka dib markii ay muddo toddoba maalmood ah ku xidhnaayeen Saldhigga dhexe ee Booliska Hargeysa, maalmihii u dambeeyeyna cuntada ka soomeen.
Dadka muddada xidhnaa ee lagu wareejiyey Itoobiya ayaa ka mid ahaa Qaxoontiga Itoobiya ka yimi ee ku sugan Somaliland oo ay Hay’adda Qaxoontiga Adduunka ee UNHCR u aqoonsan tahay qaxoontinnimo, kuwaasoo bilihii u dambeeyey cabasho la hor-joogay xarunta Hay’addaasi ku leedahay Caasimadda Hargeysa. “Markii aannu muddo bilo ah bannaan-baxyo cabasho ah la horjoognay xarunta Hay’adda qaxoontiga ee UNHCR ee magaalada Hargeysa, wax naloo qabtayna ma jiro UNHCR-na wixii ay qaxoontinnimada nagu siin jirtay sannadkan bilawgiisii ay naga joojisay, markaa iyadoo xaaladdayadu sidaas ah, ayaa dadkayagii bannaan-baxa waday khamiistii hore ay Saraakiil ka socda Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland noo yimaaddeen oo nagu yidhaahdeen cabashadiinna wax baa laga qabanayaa ee iska soo xula Guddi 20 xubnood ka kooban oo din metasha.” Sidaa waxa yimi mid ka mid ah dadka qaxoontiga ah ee reer Itoobiya oo Weriye ka tirsan Wargeyska Ogaal kula kulmay shalay goobta ay bannaan-baxa ka wadeen oo illaa saddex Baabuur oo Boolis ah la geeyey subaxnimadii shalay.
Waxaanu ninkaa qaxoontiga ah oo ka cudur-daartay in magiciisa la baahiyo intaa ku daray oo uu yidhi; “Markaa waxaannu isla markiiba iska soo xulnay Guddida Wasaaradda arrimaha guduhu naga dalbatay oo isugu jiray 15 Rag ah iyo 5 Dumar ah oo ka mid ahaa dadkayaga qaxoontiga ah ee halkan ku sugnaa (UNHCR horteeda), dabadeedna markaannu 20-kii Guddida soo xulnayba waa la kexeeyey oo waxa lagu xidhay Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Hargeysa khamiistii, markaa saddexdii maalmood ee u dambeeyey ayey cuntada ka soomeen 20-kaa qof. Markaa, annaga oo aad uga yaabban Guddida la yidhi iska soo xula ee la xidhxidhay, ayaa maanta (shalay) abbaaro 1:30 (Kawdii iyo badhkii) Duhurnimo laga saaray Saldhigga, waxaanannu maqalnay oo naloo sheegay in dadkaa qaxoontiga ahaa ee la aqoonsanaa lagu wareejiyey dawladda Itoobiya.”
Dhinaca kale, mar aannu xalay isku daynay inaannu arrintan wax ka weydiinno Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaanay noo suuragelin, hase ahaatee, ila-wareedyo ka ag-dhaw, ayaa Wargeyska Ogaal u xaqiijiyey in 20-kaa qof ee ka tirsanaa Qaxoontiga Itoobiyaanka ah ee ku sugan Caasimadda Somaliland ee Hargeysa shalay gacanta laga geliyey dawladda Itoobiya oo Wajaale kula wareegtay. Inkasta oo aan illaa hadda si rasmi ah loo ogeyn sababta dadkaa qaxoontiga ahaa loogu wareejiyey dawladda Itoobiya oo dadka qaarkii aad u daydayeysay, isla markaana Somaliland qaarkood magan-galyo ku joogay, qaarkoodna qaxoontinnimo. Hase-yeeshee, ila-wareedyadu waxay tibaaxeen inay jiraan arrimo aan la caddeyn u wareejisay dadkaas.
Waxay wararku intaa ku dareen inay Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland qorshaynayso sidii ay guud ahaanba dadka Itoobiyaanka ah ee qaxoontinnimada ku jooga dalka ku dareerinayso, isla markaana ay rabto inay gacanta ka wada geliso Itoobiya dadka qaxoontiga ah ee Somaliland ku sugan. Balse illaa hadda ma jirto wax war ah oo ay Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Daakhiliga ee iyadu hawshan waddaa ka soo saartay sababaha dadkaa loo dhiibay iyo qorshayaasha uga yaalla inta hadda dalka jooga.
Laba bilood ka hor ayey Xukuumadda Somaliland bilawday inay dalkeeda ka saarto dadka soo-galeetiga ah ee aan haysan aqoonsiga qaxoontinnimo, kuwaasoo intooda badan ka yimi waddanka Itoobiya, isla markaana waxa dalka laga saaray ku dhawaad toban kun oo qoys oo ka mid ahaa dadka soo-galeetiga ah ee aan aqoonsiga qaxoontinnimo haysan.
Xigasho Wargeyska Ogaal.