Wiilka ugu yar Carruurta uu dhalay Hoggaamiyihii geeriyooday ee Kuuriyada Waqooyi oo maanta loo caleemo-saaray jagadii Aabbihii

Pyongyang-(Berberanews)- Wiilka ugu yar ee uu dhalay hoggaamiyihii geeriyooday ee Kuuriyada Waqooyi oo la yidhaahdo Kim Jong-il, ayaa lagu dhawaaqay in maanta si rasmi ah loogu caleemo-saaray inuu yahay hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi.

Waxa sidaa maanta lagaga dhawaaqay goob ay isugu soo bexeen dad aad u fara badan oo ku taal Caasimadda Kuuriyada Waqooyi ee Pyongyang. Kim Jong-un, wuxuu horkacayay hawshii maamuuska geerida Aabbihii oo shalay lagu aasay magaaladaas, isla markaana ay maamuuseen Saraakiil sare sare oo Millateriga dalkaas ka tirsan iy sidoo kale hoggaamiyayaal Xisbi.

Boqollaal kun oo ruux oo isugu jira Ciidan iyo rayid ah oo isugu soo baxay fagaaraha magaalada ugu weyn, isla markaana madaxa hoos u raaricinaya ayaa hortooda laga akhriyay erayo sagootis iyo ammaan ah oo hoggaamiyihii dhintay ku saabsan.

Kim Jong-un, waxa lagu dhawaaqay in uu yahay hoggaamiyaha sare ee Qaranka, Ciidanka iyo Xisbiga Shaqaalaha ee talada Kuuriyada Waqooyi haya. Waxa lagu tilmaamay inuu leeyahay falsafaddii iyo dabeecadihii Aabbihii kuwo la mid ah amaba aad iyo aad ugu dhaw.

Hoggaamiyihii hore ee Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Il, ayaa shalay lagu aasay Qubuuro ku yaalla magaalada caasimadda u ah waddanka Kuuriyada Waqooyi ee Pyongyang, kaasoo ay munaasibaddii aaskiisa isugu soo baxeen tobannaan kun oo qof iyo madax fara-badan. Waxaana maanta si rasmi ah loogu dhawaaqay in Kim Jong-un oo ah wiilka ugu yar Carruurta hoggaamiyihii geeriyooday.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.