Xawaaladaha Soomaalida Maraykanka oo Caawa Albaabbada loo laabayo iyo Bannaanbaxyo ay Soomaalida dalkaasi abaabulayaan

Minnesota-(Berberanews)- 30-ka Bisha December 2011 oo ku beegan Maalinta Jimcaha ee Berri, ayaa la joojinayaa guud ahaanba adeegyada uu Bangiga Franklin oo adeegga Bangiyada siiya Xawaaladaha Soomaalida Minnesota ee waddanka Maraykanka.

Soomalida ku nool gobolka Minnesota ee Mareykanka ayaa qorsheynaya dibadbax Jimcaha Berri ah oo ku beegan maalintii uu Franklin Bank sheegay inuu joojinayo xidhiidhka ka dhexeeya Xawaaladaha Soomaalida ee gobolkaas Minnesota.

Bulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan gobolkaas, ayaa sheegay in arrintani ay u horseedi karto Soomaaliya dhibaato ka daran ta ay horseedday abaartii ku dhufatay Bariga Afirka. Iyadoo dibadbaxa la qorsheeyay inuu ka dhaco 2:00-da maalinnimo ee Jimcaha Berri Xaafadaha Franklin iyo Chicago oo ku yaalla Koonfurta magaalada Minneapolis.

Franklin Bank oo laga dalbaday horraantii bishan Diseember inuu sii wado xidhiidhka uu la leeyahay Xawaaladaha Soomaalida ayaa ku daray xilligii uu hore u qabtay 15 maalmood oo ku eg 30-ka bishan December ee Jimcaha Berri, isla markaana, wuxuu diiday inuu sii wado xidhiidhka uu la lahaa Xawaaladaha lacagaha ee Soomaalidu ku leedahay gobolkaas.

Mas’uuliyiinta Bangiga Franklin, ayaa sheegay inay ka baqayaan khatar badan oo kaga timaadda dhinaca dowladdooda, taasoo ku saabsan in lagu soo oogo dembi ah in dhaqaale loo mariyay kooxaha argagaxisada ah ee Soomaaliya ee loogu yeedho Al-Shabaab. Soomaalida ku nool Minnesota ayaa sheegay in ehelladooda ku sugan Soomaaliya iyo dalalka Afrika ee ay jecel yihiin aanay badbaadi karin iyagoo aan ka helin lacagaha ay bishii u diraan, kuwaasoo ay u sii mariyaan Xawaaladaha Soomaalida ee ka shaqeeya dirista lacagaha.

Xawaaladaha Soomaalida Maraykanka, gaar ahaan Minnesota, ayaa toddobaadyadii u dambeeyey dawladda Maraykanku baadhitaanno culus ku haysay, ka dib markii ay Sirdoonka dalkaasi ku eedeeyeen inay Xawaaladaha wax looga diray Malleeshiyada argagixisada ah ee Al-Shabaab ee ka dagaallanta Koonfurta dalka Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya, gaar ahaan Ra’iisal wasaaraha ku-meel-gaadhka ah Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa ka hadlay xayiraadda dawladda Maraykanku ku soo rogayso Xawaaladaha Soomaalida Maraykanka, hase ahaatee, Maraykanku dhag uma dhigin dhawaaqa dawladda Soomaaliya.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.