Shalay iyo Maanta : Farqiga u dhexeeya darreennada, muuqaallada iyo weedhihii Munaasibadihii Xil-wareejinta Maamulka Dekedda Berbera.Qaybta 2aad

Warbixin Weriye Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago)

Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa qaybta labaad ee is-barbardhigii aan ku sammeeyay  kala duwananaashaha, darreennada, muuqaalada xafladaha midkood uu xilka ku wareejiyay Cali Xoor Xoor bishii Ougost 2010 xisaabiyihii Silaanyo u dallacsiieyey xilka Maareeyenimmo Mr. Axmed Yuusuf Dirir iyo munaasibad Eng. Cali Xoor Xoor sanad iyo badh ka dib dib ula soo noqday xilkaas hore looga xayuubiyay oo aan labadaba goobjoog ka ahaa.

Dhoolatuskii iyo ku-wiirsiga  Kaadiriinta KULMIYE iyo Ciilalyowgii Bile Xirsi  

Masuulliyiintii ka soo qaybgalay munaasibadii xilka lagaga wareejiyay Cali Xoor xoor bishii Oug 2010 waxay u badnaayeen raxan wasiirro iyo haween tiro badan oo ahaa kaadiriintii xisbiga KULMIYE oo Hargeysa uga soo baqoollay  dhoolatus iyo ku-wiirsiga Maareeyaha xilka laga xayuubiyay; waa Cali Xoor Xoor oo ahaa wakhtigaas masuul awood iyo saammayn badan ku leh mujtamaca gobolka Saaxil iyo guud ahaan Somaliland, markii aan u fiirsaday shakhsiyaadka iyo masuulliyiinta madasha buuxdhaafiyay ee xisbiga Kulmiye waxaan ku fasiri karaa ‘geesi laga guulaystay’ oo goob fagaare ah bulshada loo soo tubay si ay u daawadaan.

 

Wejiyada masuulliyiinta xilka wareejiyay waxa ka muuqday ciilalyow iyo iskaambi ay ku kala duwanayeen Cali Xoor xoor iyo ku-xigeenkiisii Bile Xirsi Ciid oo qammuumyo iyo u qaadanwaa hadba dhinac daymada aan kala jarin, nasiibse ummuu yeelan Mr bille inuu saaxiibkii la wadaago farxadda iyo rayn raynta dib loogu soo calleemo-saaray Cali Xoor Xoor sanad iyo badh ka dib inuu goobtii xilka lagaga wareejiyay dib ugala wareego Axmed Yuusuf Dirir oo isaga laftiisa uu saaxiibkiisii mar la wada magacaabay Cumar Abokor ku cidleeyay kursigiii uu kula fadhiyay markii ay xilka la wada wareegayeen, maadaama aan isaga laga bedelin xilka Maareeye-ku-xigeenimmo ee dekedda Berbera.

Daalkii, diiftii iyo hammaansigii

Dhacdooyinka aanan ilaabin ee hadheeyay Masuulliyiintii ka soo qaybgalay munaasibaddii uu Maamulkii hore ee dekeddu xilka ku wareejiyay bishii Ougost 2010 waxa kow ka ahayd daal, raagsasho, hammaansi masuulliyiinta qaarkood kursiga madaxa saartay, kuwo kalena lulo darteed wejiyada gacmaha saareen, ka dib markii Maareeyaha xilka wareejinayay Cali Xoor xoor muddo saacad iyo badh ah lagu sugayay madasha uu xilka ku wareejinayay oo uu ka soo habsaamay.

Wasiirka oo daal dartii laamadooda

 

Munaasibaddii labaad ee Muuqaalkeedu dalka ka dhacay, Habsankii badhasaabka, daymadii albaabka iyo indho kala qarsigii labada masuul

Waa madashii labaad ee nooceeda oo kale ee dalla ka dhacday oo masuul xilka dib ugala wareego masuul uu hore ugu wareejiyay, marka laga reebo munaasibaddii Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad dib xilka ugala wareegay Taliyihii hore uu ugu wareejiyay Cilmi Kabaal.

Aan milicsado dareennada kala duwan iyo muuqaallada laga dheehan karo wejiyada madaxda tirada badan ee ka soo qaybgalay munaaasibadda Sanad iyo badh ka dib 22-Dec-2011 todobaadkii hore loo sammeeyay xilwareejinta Maareeyihii dekedda Berbera Axmed Yuusuf Dirir inuu xilka dib ugu wareejiyo macalin muddo dheer hagayay shaqada dekedda Berbera; Cali Cumar Maxamed marka aan is barbardhig ku sammeeyo madashii ha horraysay ee 2010.

Madashu uma dhumuc weyna sidii ay ahayd sanad iyo badh ka hor, masuulliyiintii iyo dadkii waagaas joogay umay soo baqoolin inay lugta soo geliyaan madashan labaad, qaarkood waxa lagu taxay xilal kala duwan oo ay hadda dawladda ka hayaan, qaar waxa laga qaaday xilalkii ay hayeen sida wasiirkii kalluumaysga, khayraadka badda iyo dekeddaha Maxamed Yaasiin, ka soo qaybgalkooda muuqaalka madashan danbe ee uu Cali Xoor Xoor xilka kula wareegayaa maaha mid ismuujin iyo awoodi uga bannaantahay, waayo waxa uu Madaxweyne Silaanyo uga maarmi waayay habsami u socodkii shaqada Dekedda Berbera inuu ku soo celiyo Cali Xoor Xoor, waxaase madasha ka soo qaybgalay xildhibaanno iyo masuulliyiin u badan xisbigii laga guulaystay ee UDUB oo iyaga laftoodu isku qanciyay in laga maarmi waayay, maadaama Cali Xoor xoor ka mid ahaa masuulliyiinta sida weyn u taageeri jiray xisbiga UDUB, sidaa daraadeedna ay goobta u tegeen taageero inay u muujiyaan saaxiibkoodii awooda badnaa oo soo rogaal celiyay.

Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo madaxweynuhu u igdamaday inuu labada masuul xilka u kala wareejiyo, ayaa muddo 45 daqiiqo ah lagu sugayay madasha xil-wareejinta oo ay ku sugnaayeen Masuulliyiinta xilka la kala wareegayay iyo madaxdii kala duwanayd ee ka soo qaybgashay.

Weji-gabax ay aragtida indhaha ku kala dhawrsadeen Cali Xoor Xoor iyo Axmed Dirir iyo daymo-laacoodka albaabka laga sugayo inuu ka soo galo Badhasaabka Saaxil ee saacad ku dhawaadka  la sugayay, ayaa hadhaysay madasha ka hor intii aanay si rasmiya u bilaabmin xil-wareejintu.

Cali Xoor xoor oo muddo  dheer u faadhumaysanayay [Fadhiga daanyeerka] inuu mar uun ku soo noqdo Maareeyaha Dekedda Berbera, kana midho dhaliyay sanad iyo badh ka dib waxa wejigiisa laga dheehan karayay kalsooni iyo raynrayn.

La soco qaybta saddexaad oo aan ku soo qaadan doono weedho debeda u soo saaray xurguf dhexmiranaysay Guddoomiyaha Kastamka Berbera Cali Bulubul iyo Maayarka Berbera Cabdalle Maxamed Carab..

 

Berberanews.com

Email,info@berberanews.com