Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac isugu jira oo ka dhashay hawlgal ay Ciidanka Qaranka Somaliland fuliyeen

Badhan-(Berberanews)- Hal Askari oo ka tirsan Ciidammada Qaranka Somaliland ee Demada Badhan ayaa dhintay, dhawr kalena way dhaawacmeen, ka dib markii ay iska caabbin kala kulmeen koox dhulaysato ah oo ay qaarkood ku soo qabqabteen Ciidanku hawlgallo ay deegaankaa ka sameyeen.

Guutada 117aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland oo fadhigeedu yahay Badhan, ayaa maalmihii u danbeeyay waday hawgallo ay ku joojinayaan gubista degaanka iyo xaka maynta xaalufinta degaanka ayaa waxay ka wadeen dekaanada kalkasa iyo Fidhicil oo hoos yimaada Magaalo madaxda Badhan ayaa ciidamada qaranka ay guud ahaan-ba ay cagta mariyeen goobihii ay ku sugnayeen.kuwaas oo cadaystay xaalufinta degaanka, waxay ciidamada qaranka Jamhuuriyada Somaliland, rag isugu jira kuwa dhuxusha shida, qaar ka dhoofiya Puntland iyo Gaadiid lagu rarayey. Ciidammada Qaranka uu kulammo la yeeshay Odayaasha Deegaannadaas, ayaa Odayaasha ka codsaday inay gacan ka siiyaan Ciidanka sidii loo joojin lahaa xaalufinta deegaanka iyo shidista dhirta qoyan ee Dhuxusha laga dhigayo.

Taliyaha guutada 117aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa isagu waxa uu farriin u diray cid kasta oo isku dayeysa inay dhirta jarto, oo uu shegay inay sharciga horgeyn doonaan. “Waxaan u mahadcelinayaa Ciidammada mar walba u taagan difaaca dalkooda iyo Qarannimadooda  ka difacaaya kuwa cadawga tageerada siinaaya, markaa Ciidanka Qaranka ayaa diyaar u ah oo cidna ka laabanayn ama indhaha ka qarsanayn. Markaa, waxaanu dawladdayada ka codsanaynaa ciidankii waannu haysannaa ee inay xagga shidaalka naga taageeraan ayaanu u gudbinaynaa Janakayaga Ciidanka. Intii Ciidammadu ay hawlgalkaas ku jireen waxa kaga geeriyooday hal Askari iyada oo  qaar kalena ay soo gadheen dhaawacyo, waana markii ugu horreysay ee Ciidammada Qaranku ay hawlgalladan oo kale ka sameeyaan Bariga gobolka Sanaag.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha guutada 117-aad ee Ciidammada Qaranka Somaliland oo hawlgalkaa ka dib Warbaahinta u warramay.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.