Soomaaliya-(Berberanews)- Amiirka guud ee Malleeshiyada Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane oo magaciisa kooxda dhexdeeda looga yaqaanno Sheekh Mukhtaar Cabdiraxmaan Abuu-Zubeyr oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Andulus ee ku hadasha afkooda ayaa sheegay in dullaanno jihooyin badan lagaga soo qaaday dalka Soomaaliya gaar ahaan gobollada ay ka taliso Al-shabaab.
Sheekh Abuu-Zubeyr ayaa ku tilmaamay duullaannadaas inay yihiin kuwo Gaalada Mucatabiyiinta ahi waddo, kuwaasoo ay ku qaadeen dalalka Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo AMISOM oo gacan ka helaya dalalka reer Galbeedka iyo Mareykanka sida uu ku dooday. Waxaanu ku sheegay inay yihiin kuwo la doonayo in lagu dumiyo ku dhaqanka shareecada islaamka. “Duullaannada lagu soo qaaday wilaayaadka Islaamiga ah ee Soomaaliya, waa kuwo leh culeyskooda, waxaanay mujaahidiinta ku fureen aagag badan oo dagaal saddex jiho ah ayaa nalagu soo qaaday.” Sidaa ayuu yidhi Abuu-Zubeyr oo sheegay inay diyaar u yihiin difaacidda Diinta Islaamka.
Sidoo kale, Amiirku wuxuu sheegay in weerarradaasi ay ahaayeen kuwo muddo dheer la diyaarinayay sidoo kalena la tabobbaray Ciidammo lana qalabeeyay, isaga oo xusay in shirkado shisheeye oo Muqdisho ku sugan ay mas’uul ka yihiin weerarradaas. “Muddo dheer ayaa la diyaarinayay duullaannadan, waxaana qayb weyn ka qaatay calooshooda u shaqeystayaasha ku sugan magaalada Muqdsiho.” Ayuu hadalkiisa raaciyey Abuu Zubery.
Dhinaca kale, wuxuu sheegay Abu-subayr in duullaankan ay qayb ka yihiin dacaayado lagu furay Al-Shabaab, kuwaasoo ay qayb ka qaateen Culumada qaarkood, isagoo sheegay in ujeeddadu ay tahay in sumacadda Al-shabaab waxyeello loo geysto. Amiirku wuxuu sheegay in duullaanka saddexaad ee lagu soo qaaday Al-shabaab uu yahay duqeymaha Cirka ee laga geysanayo gobollada dalka Soomaaliya ee ay Al-Shabaab ka taliso qaarkood, isagoo xusay in duullaankan ay qayb ka yihiin Mareykanka iyo Kenya, isla markaana la doonayo in argagax lagu geliyo dadka.
Ugu dambeyn wuxuu sheegay Amiirka Malleeshiyada Al-Shabaab inay diyaar u yihiin inay la dagaallamaan kuwa ku duulay inta ay guulo ka gaadhayaan, isagoo sheegay in qorshahoodu aanu ahayn inay wadahadal la yeeshaan wuxuu ugu yeedhay cadowga soo duulay iyo kuwa gacanta siinaya.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.