Ceel-bardaale-(Berberanews)- Ciidamada Booliiska Somaliland ee ku sugan meesha loo yaqaan Buqdhada oo ka tirsan deegaanka Ceel-Bardaale ee Gabiley iyo Dila dhexdooda, ayaa hal qof dhaawac gaadhsiiyey Afar kalena gacanta ku dhigay, ka dib markii ay koox hubaysan oo ka yimi dhinaca Degmada Baki ay tacshiirado Rasaas ah is waydaarsadeen. Halkaas oo Ciidan Beeleedka lagaga qabtay Shan Maxbuus oo Mid ka mid ahi dhaawac ka gaadhay Lugta.
Sida ay ku soo warramayaan Weriyayaasha ku sugan Gabiley, Dhinacyada rasaasta is-weydaarsatay ee Booliska iyo Malleeshiyo beeleedka, ayaa shalay galab rasaastu ku dhexmartay Buqdhada oo ka tirsan Ceel-bardaale, isla markaana Afarta qof ee laga soo qabtay kooxda hubaysan, ayaa xalay lagu soo xidhay Saldhigga Booliska ee magaalada Gabiley, halka qofka shanaad ee dhaawacanna lagu dawaynayo Cusbitaalka Gabiley, waxaanu warku intaa ku darayaa in uu jiro nin kale oo ka dhaawacan kooxdaa hubaysan.
Ciidankan Booliiska oo halkaa ugu sugnaa Nabad-ilaalinta Dadka Deegaannadaas oo dhawaan ka soo baro-kacay dhinaca tuulada Seemaal ee oo bilawgii bishii hore saddex qof lagu dilay. Xukuumadda ayaan iyadu wax war ah ka soo saarin isku dhacaas.
Inkasta oo Badhasaabka Gobolka Gabiley iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolkaas aannu isku daynay in aanu wax ka weydiino sida wax u dheceen, haddana noomay suurto-galin inaannu war ka helno, ka dib markii ay qaban-waayeen Tilifoonnadooda gacanta oo aannu xalay dhawr jeer ka wacnay.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.