Waran-cadde oo markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka hadheeyey UDUB iyo halka ay ka bilaabantay xurgufta u dhaxaysa ku-simaha Xisbiga

Hargeysa-(Berberanews)- Guddoomiyaha Garabka Siyaasadda Xisbiga UDUB, kana mid ah Musharrixiinta jagada Madaxweynaha Xisbigaal Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa  ku eedeeyey Ku-simaha Guddoomiyaha Xisbiga UDUB ,ahn Guddoomiye kuxigeenka Xisbigaasi Md.Axmed Yuusuf Yaasin inuu ka baxay dhexnimadii uu ugu garsoori lahaa isaga iyo ciddii kale ee kula tartamaysa murashaxa Xisbiga ee shanta sanno ee socota,isaga oo ku tilmaamay inuu doonayo inuu Xisbiga u qeybiyo laba garab,isla markaana uu kalsoonidii kala noqday dhiniciisa oo aanu u garsoori Karin.

Cali Waran-cadde oo Shi-rjaraa’id oo galabta ku qabtey Huteel Safari ee magaalada Hargeysa, waxa uu madashaasi ka caddeeyey inay u yeedheen oo uu dhawaan dalka imanayo Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin oo ahaa Madaxweynihii hore ee Somaliland, ka dib markii ay kalsoonidii kala noqdeen Ku-simaha Guddoomiyaha UDUB.

Cali Maxamed Warancade waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Waxaan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo xooga kutidhi ku teena, Xisbigii axsaabta ugu horeeyey ee UDUB beryahan danbe hadal-heyntiisa laga dhageysanayey waddanka gudihiisa iyo dibadiisa oo wax ka qorayeen warbaahintu inaan cadeymo dhowra ka bixiyo. Aniga oo ah musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UDUB oo uu igu weheliyo murashaxnimada nin kale oo magaciisa la yidhaahdo Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha dibada  ilaa inta aan imika sharciyan ogahay waa aniga (Waran-cade) Iyo ninkaasi (Cabdilaahi) iyo ciddii kale ee UDUB-a ee buuxisa shuruudaha looga baahan yahay inuu isku soo sharxo Madaxweynanimada Xisbiga UDUB ee shanta sanadood ee soo socota diyaar ayaanu u nahay”.

Cali Warancade waxa uu eedeeyeyn kulul dusha uga tuurey Axmed Yuusuf Yaasin oo uu ku tilmaamay inuu ka gaabiyey inuu sinaan iyo cadaalad muujiyo,isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa inaan cadeeyo hadalka u soo baxay suuqa, Waxaan aad uga xumay oo warbaahinta geliyey Guddoomiye ku-xigeenkayga Xisbiga UDUB Md.Axmed Yuusuf Yaasiin oo si aan haboonayn bulshada u galiyey hadalo aan ku haboonayn Xisbi qaali ah oo aad u sal-balaadhan, oo ka kooban bahweynta Somaliland kelmado raqiisa oo laga xishoon-karayo dalka iyo umaddaba ayuu galiyey, waxaan leeyahay odaygu waxa uu ka gaabiyey masuuliyadiisi ahayd maadama uu Wakiil ka yahay Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin madaxweynihii hore ee Somaliland inta uu ka maqan-yahay waxaanu jeclayn inuu muujiyo sinaan, cadaalad, hogaamin fiican oo dhexa wuu ka gaabsaday odaygu taa, Waxa uu warbaahginta geliyey inuu markii horena aniga (Waran-cade) I watey imikana uu helay cid iga lacag badan sida uu hadalka u dhigay weeye, oo aan anigu u qaatey marka uu leeyahay ka talaabo dheerayey ka lacag badan, laakin Xisbiga UDUB maaha Xisbi la iibin karo, oo ay lacagi goyso, waa laga yaaba magaca waa la iibin karaa, laakin umadda lama iibsan karo.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Odaygu waxa uu aad iyo aad ugu qiimo dhacay, oo aan ka xumay kelmadaha noocaas ah inuu durbaba dhex ahayn, oo uu u xaqlinayo cid kale oo aan anigu (Waran-cade) qabo sharciyan marka la’eego nidaamka iyo shuruucda u taala Xisbiga UDUB, Xisbiga waa la soo geli karaa markasta, laakin ninka madaxtinimada haweysanaya waa inuu yahay nin labadii sanadood ee u danbeeyey qof firfircoon oo ka hawlgalayey xisbiga inuu noqdo. Ninka kaliya ee aan u aqoonsanahay inuu ila tartamayo waa Cabdilaahi Maxamed Ducaale ciddii kale ee danaynaysa waxaan jeclahay inay buuxiyaan shuruuda u dhigan Xisbiga.

Mar haddii odaygu sheegay inuu Xisbigii (UDUB) lacag yahay, oo lacag fara badan oo aan meesha qaban oo $300,000 kun Dollar uu ku xidhay inuu bixiyo ninka noqonaya murashaxa, oo sidii ay warbaahinta ugu soo baxday ay dadku u fasireen in la iibinayo oo uu xaraash-yahay Xisbigu, taa waxaan leeyahay dadka xaal ayaanu ka siinay lamana iibin karo.

Guddoomiyihii Xisbigu (UDUB) mar haddii uu ka baxay dhexnimadii aniguna galabta waxaan kala noqday kalsoonidii uu garsoor iigu noqon lahaa, maadaama oo uu ahaa ninkii noo garsoori lahaa aniga iyo ciddi kale ee tartameysa, shir uu ii qaban karaana ma jirto.Waxaanu damacsan yahay inuu Xisbiga (UDUB) u qeybiyo laba garab, hasayeeshe si taa looga gudbo oo Xisbiga qiimaha weyni uu dalka iyo umadda uga burburin, waxaanu la xidhiidhnay Guddoomiyahahagii (Daahir Rayaale Kaahin) oo waxaanu u sheegnay inuu ka soo gaadho odaygii uu kaga tagay meesha , maadaama uu noqday ama uu ku fashilmay inuu si cadaalada oo dhex ah u hogaamiyo Xisbigii”.

Cali Maamed Warancade waxa uu sheegay inuu ugu bushaareynayo taageerayaashiisa meelkasta oo ay adduunka ka joogaan Waqooyi ilaa Hawd “Xisbigani (UDUB) maaha Xisbi burburaya, inay taageerayaashayagu ku niyad samaadaan inuu Xisbigani uu yahay Xisbgii aanu soo dhisnay, ee aan qeybta weyn ka soo qaatey oo cid-walba uga lexo-jeclo badanahay Insha Allahu aan iska soo sharxayo oo aan u taaganay murashaxnimadiisa inaanay shakiyin oo aanay moodin inuu Xisbigoodi burburey, Dhawaan marka uu yimaado Guddoomiyihii Xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynaheeni hore, ayaanu filaynaa in si dhakhso ah murashaxa loo soo saaro”. Ayuu yidhi.

Md Cali Maxamed [Waran-cade], waxa uu si gaar ah ugu waaniyey Axmed Yuusuf Yaasin in aanu xisbiga u horseedin halkii ay mareen xisbiyada qaarkood ee ay ku burbureen “ Axmed Yuusuf Yaasin-a waxaan ku waaninayaa inaanu damcin sidii Xisbiyo hore mareen intuu garab sameeyo oo waxyaabo hadhow khalkhal keeni kara aanu ku kicin ee uu sugo joojiyana waxyaabaha midi-roorteynta ah oo kii u danbeeyey maalin dhaweyd uu qabtey shir aanu kooram (tirrada sharcigu u cayimay) u haynin oo uu yidhi waxaan ku ansixinayaa xeerka Xisbiga (UDUB), laakin Xisbiga intiisa badani ay ka maqnayd”.Ayuu yidhi Cali Warancade.

Mar uu Cali Warancade la hadlayey taageerayaashiisa waxa uu yidhi “Waxaanan bulshada Somaliland ugu baaqayaa waxaynu ahayn dal arrimihiisa ku dhameysta wada-hadal, isu soo dhawaansho, wax istu-sid, anniguna waxaan diyaar u ahay wax aalla iyo wixii Xisbiga lagu bad-baadinayo xitaa inta uu imanayo madaxweyne hore Daahir Raayale inaanay wax dhibaato ahi ka dhicin isu-tanaasul iyo wada hadalna aan ka ogol-nahay aniga iyo ragga ila jiraaba ee aaminsan inaanu Xisbigu burburin. Ragga doonaya inay Xisbiga burburiyaana u ogolaan-meyno cidda kaliya ee aan farta ku fiiqayaana waxa weeyaan guddoomiye kuxigeenka (Axmed Yuusuf Yaasin) oo isagu bilaabay inuu ka hadlo warbaahinta isaga duraya musharaxnimadayda aan isku soo taagayo”.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.