Mandheera-(Berberanews)- Ciidammada bileyska Degmada Laasgeel, ayaa shalay gacanta ku dhigay gaadhi nooca xammuulka qaada ee loo yaqaanno (Waaraadka) oo ay ka buuxaan noocyo kala duwan oo hubka ay ka mid yihiin hoobiyaha , bambooyin iyo rasaas.
Sida ay shebekadda Berberanews u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadweynaha degmada Laasgeel waxa uu gaadhigani ka yimi dalka Somalia ee dagaalladu hadheeyeen, kaasoo soo maray wadada laamiga ah ee Somaliland la wadaagto dalkaas, ayaa markii uu marayay Taaladda Cumar-ku-joog ee dulleedka Degmada Dacar-budhuq kaga beegan dhinaca Berbera wuxuu wadada laamiga ah uga degay wado-jid cadde ah oo ay addeegsadaan gaadiidka yaryar ee khudrada iyo caanaha qaadaa oo dhinaca Koonfur Galbeedka ku beegan, halkaasoo ugu tegay gaadhi kale oo waaraad ah , kuna sii sugayay guubtaas si uu ugu wareejiyo hubka uu siday.
Haseyeeshee qaar ka mid ah dadka reer miyiga ah ee deegaankaas ka dhawaa oo ku war helay labadan baabuur oo albaabada danbe isu furay ee goobta cidlada ah wax kula kala wareegayay, ka dibna waxay ku wargeliyeen oo khadka telefoonka kula xidhiidheen Sirdoonka Gobolka Saaxil oo iyaguna u sheegay Guddoomiyaha Degmada Laasgeel.
Wararka la xidhiidha dhacdadan waxay intaa ku dareen in Guddoomiyaha Degmada Laasgeel oo ay weheliyeen ciidammo boolis ahi gaadheen goobta labada baabuur hubka kula kala wareegayeen, gacantana ku dhigeen., una gudbiyeen dhinaca magaalada caasimadda Hargeysa.
Arrintan oo faddeexad iyo weji-gabax ku noqotay ciidamammada sirdoonka oo aan ka war hayn gaadhiga hubka ah ee ka soo gudbay saddexda gobol ee Sool, Togdheer iyo Saaxil oo aan la ogaan, ayaa galaafatay Taliyihii Sirdoonka Somaliland Maxamed Muuse Nuur (Guuta-liqe), oo Madaxweyne Silanayo maanta ka qaaday xilkii uu hayay, una magacaabay jagadaas Jaamac Maxamed Bootaan (Cirro) oo ka mid ahaa saraakiil tobabar ku soo qaadatay dalka Itoobiya
Ma jiro war ku saabsan gaadhiga hubka siday, sifihii uu dalka ku soo galay, magaalada uu ka yimi iyo cidda uu hubku u socday oo ka soo baxay ciidammada ammaanka iyo xukuumadda toona, iyadoo ay naga dhicisoobeen isku dayo xidhiidh oo aanu la sammaynay masuulliyiin ka tirsan dawladda si aanu wax uga weydiinno dhacadadan.
Waxay ahayd 10-kii Septambar, 2010 markii xeebta galbeed ee Somaliland ay ka soo degay ciidan aad u hubaysan oo tiradoodu lagu qiyaasay ilaa 250 nin oo ka yimi dalka Ertria una talaabay buuraleyda la yidhaahdo Libaaxley oo ku taal jiidda ay iska kulaalaan saddexda xuduud ee Somaliland, Djibouti iyo Itoobiya.
Ciidankaas oo aad u hubaysnaa, kuna jihaysan dalka Itoobiya oo badhtimaameedkoodu ahaa, kuwaasoo ku hubaysan hub culus oo nooc kasta leh waxay ka soo degeen xeebta Bullacaddo oo u dhexaysa magaalooyinka Saylac iyo Lug-haya, iyadoo ciidammada Somaliland ku guuldaraysteen inay ogaadaan gaadiidkii hubka u siday ee ay ka tallaabiyay dhulka.
Berberanews.com
Berbera, Somaliland
Email, info@berberanews.com