Hargeysa-(Berberanews)- Guddiga fulinta Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB, ayaa maanta si rasmi ah ugu ansixiyey musharraxnimada jagada Madaxweynaha Xisbiga UDUB uga dhex-tartami doona Shirweynihiisa soo socda Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ka dib markii sida ay sheegeen uu buuxiyey shuruudihii looga baahnaa qofka jagada musharraxa UDUB isu soo taagaya.
Shirkan ay maanta isugu yimaadeen Guddida fulinta ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB oo ah fadhigii 4aad ee Guddida fulinta Xisbigu ku kala saareysay murashixiinta Xisbiga u tartami doonta shanta sanadood ee soo socota,isla markaana lagaga dhageysanayey barnaamijka siyaasadeed iyo waayo-aragnimada shakhsiyaadka u taagan jagadaasi.
Waxaana fadhiga ka soo qeybgalay hal murashax oo kaliya oo ahaa Aqoonyahan Jamaal Cal,hasayeeshe waxaan ka soo xaadirin murashaxa kale ee hore ugu dhawaaqay inuu jagadaasi u tartamayo oo ah Cali Maxamed Warancade oo aanan la garanayn sababta uu shirkaasi uga baaqday. Kadib markii uu shalay ku dhawaaqay inaanu ka qeybgali doonin shir uu guddoomiye ka yahay Axmed Yuusuf Yaasin oo ah guddoomiye kuxigeenka UDUB, ahna ku simaha guddoomiyaha Xisbiga UDUBi.
Guddoomiyaha Guddida qabanqaabada kulamada guddida fulinta ee UDUB ku kala xulayeen murashixiinta ku loolamayey jagada madaxweynanimada ee Xisbiga guddihiisa Mr Rashiid Xaaji Cabdilaahi (Gadhweyne) oo hadal ka jeediyey gunaanaadkii kulankaasi ayaa dhawaaqay murashaxnimada Jamaal Cali Xuseen in si rasmi ah loogu ansixin doona shirweynaha 4aad ee Xisbiga UDUB ee soo socota. .
Jamaal Cali Xuseen oo hore u shaaciyey inuu jagada musharraxa Madaxweynenimada Xisbiga UDUB dhexdiisa ugu tartami doono, ayaa khudbad maanta ka jeediyey kulan ay isugu yimaaddeen Xubnaha Guddiga Fulinta Xisbiga UDUB oo ka koobnaa 23 Xubnood, taasoo uu ku sharraxay sababta ku kalliftay inuu Musharrax noqdo, waxyaabaha u qorshaysan inuu qabto haddii jagada Musharraxnimada Madaxweynenimada ee UDUB loo doorto, waxyaabaha uu Somaliland ku soo kordhin karo, qorshayaasha uga yaalla dhaqaajinta Xisbiga iyo arrimo kale oo door ah oo ay ka mid yihiin taariikh nololeedkiisa, heerkiisa aqooneed iyo inta dal ee dunida ah ee uu ka soo shaqeeyey.
Intaa ka dib, Guddoomiyaha Guddida qabanqaabada kulamada guddida fulinta ee UDUB UDUB Rashiid Xaaji Cabdillaahi (Rashiid-gadhweyne) oo Guddoominayey kulankaas oo maanta ka qabsoomay Huteel Crown ee magaalada Hargeysa, ayaa Guddiga Fulinta ka dalbaday inay cod u qaadaan in Jamaal Cali Xuseen noqdo musharraxa Xisbiga UDUB ee jagada Madaxweynaha ee xisbiga dhexdiisa, maaddaama oo uu buuxiyey shuruudihii looga baahnaa, isla markaana Guddiga horteeda ka sharraxay ajandayaashiisa siyaasadeed.
Cod gacan-taag ah ayay 23-ka Xubnood ee ka joogay Guddiga fulinta UDUB ay u qaadeen musharraxnimada UDUB, 23-ka xubnoodba waxay u codeeyeen in Jamaal Cali Xuseen noqdo Musharraxa jagada Madaxweynenimada Xisbiga UDUB dhexdiisa, cid diidday ma jirin, cid ka aammustayna ma jirin.
Tirinta Codka gacan-taagga ah ee Guddiga fulinta ka dib, waxa halkaa Warbaahinta kula hadlay Guddoomiyaha Guddiga fulinta oo sheegay in Musharraxnimada jagada Madaxweynaha UDUB loo ansixiyey Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.