Wasiirka Waxbarashada Maamulka Galmudug oo la afduubay iyo wararkii u dambeeyey

Gaalkacyo-(Berberanews)- Wasiirka Waxbarashada maamulka Galmudug ee Soomaaliya Burhaan Warsame Cigaal, ayaa la afduubay maanta, kaasoo la sheegay inay koox hubaysani ka qafaasheen magaalada Gaalkacyo ee xarunta Galmudug.

Wasiirka Waxbarashada maamulka Galmudug, ayaa la sheegay inay koox hubaysani kala bexeen gurigiisa magaalada Gaalkacyo, ka dib markii ay weerar hubaysan ku qaadeen guriga oo uu wakhtigaa ku sugnaa Wasiirku ay kala bexeen isaga oo ay Indhaha ka xidheen.

Inkastoo aanay caddeyn sababta loo afduubay Wasiirka, haddana waxa la sheegay inuu hore kooxahaa qaarkood ugu ballan-qaaday Lacago madax-furasho ah oo lagu sii-daayay Arday siddeed jir ah oo laga bishii hore laga afduubay Waqooyiga Gaalkacyo oo ay ka taliso Puntland.

Wararkan ayaa waxay sheegayaan in kooxda afduubka geystay ay ahaayeen koox Budhcad-badeed ah oo afduubka ku haystay Wiilka ardayga ah, isla markaana aanay weli ka helin Wasiirka lacagta uu u ballan-qaaday. Inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan in Wasiirka Waxbarashada Galmudug dib loogu celiyey gurigiisa oo uu Maxbuus ku yahay, hase ahaatee, illaa hadda lama xaqiijin karo halka uu Wasiir Burhaan ku sugan yahay ee ay Kooxda hubaysani u qafaasheen.

Si kastaba ha ahaatee, Afduubka Wasiirka ayaa noqonaya sida la sheegay kii u horreeyey ee Wasiir ka tirsan Maamulka Galmudug oo ku sugan koonfurta magaalada Gaalkacyo lagula kaco tan iyo intii maamulkaasi jiray.

Berberanews.com

Hargeysa/Somalialnd.