Hargeysa (Berberanews)- Allaah ha u naxariistee waxa maanta geeriyooday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Marxuum Cabdillaahi Cabdi Axmed (Kubado) oo saaka ku geeriyooday gurigiisa magaalada Hargeysa iyo Guddoomiyihii hore ee Guddiga Cusbitaalka Hargeysa marxuum Maxamed Xuseen Caabbi oo isaguna ku dhintay waddanka Ingiriiska.
Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhambaallo tacsi ah u kala diray ehelada, qaraabada, asxaabta iyo qaranka Somaliland ee ay ka baxeen labada marxuum.
Tacsida Madaxweyne Siilaanyo u diray ehelada labada masuul ee geeriyooday waxa uu ku yidhi; “Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxaannu ka tacsiyadaynayaa geerida ku timi sayigeedii MARXUUM MAXAMED HUSEEN CAABBI oo ku geeriyooday waddanka Ingiriiska. Waxa kaloo uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa ehelka, aaraabada iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku.
Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu tacsi u dirayaa ehelka, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan shacbiga reer Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timi Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshdaha iyo Dalxiiska ee JSL. MARXUUM CABDILAAHI CABDI AXMED (KUBADO) oo 04/01/2012 ku geeriyooday magaalada Hargeysa
Madaxwaynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa marxuumiintaas inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoysaska, ehelada, qaraabada, asxaabtii iyo dhammaan shacbiga reer Somaliland-na samir iyo imaan ka siiyo,” ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku yidhi dhambaalladiisa tacsida ah.