Berbera (Berbernews)- Dadweynaha ku dhaqan magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera ayaa si weyn u soo dhaweeyey Masuulyiinta Urur Siyaadeed GURMAD oo safar shaqo halkaasi ku jooga.
Sidoo kalena Madaxda Urur Siyaadeed GURMAD waxa ay maalintii shalay xadhiga ka jareen xafiiska uu ururkaasi ku yeelan doono Magaalada Berbera.
Soo dhaweyn loo sameeyey Urur Siyaadeedka GURMAD iyo waftigiisa ayaa waxa ka qayb qaatay Boqolaal ka mida dadweynaha ku dhaqan Berbera oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada, dadkaasi oo watay Gaadiid tiro badan ayaa waxa ay ururka GURMAD ku soo dhaweeyeen duleedka Magaaladaasi.
Ka dib soo dhaweyntaasi diiran ee uu Ururka GURMAD kala kulamay dadweynaha Reer Saaxil waxa ay hogaanka ururku xadhiga ka jareen xafiiska uu urur siyaasadeedkaasi ee Gobolka Saaxil, iyada oo furitaanka xafiistaasina loo qabtay maasibad balaadhan oo dadweyne tiro badani ka soo qayb galeen.
Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee Ururka GURMAD Nuur Faarax Xirsi oo munaasibadaaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “ waxaanu idiinku mahad naqaynaa si qiimaha leh ee aad noo soo dhaweyseen, taasina waxaanu u qaadanaynaa walaaltimo Qaradin iyo Jacayl aad noo haysaan, ujeedada safarka aaanu maanta ku nimid Gobolka Saaxil gaar ahaan Caasimadiisa Berbera waxay daaran yahay in aanu furno xafiiska ururka Gurmad uu ku yeelanayo Gobolkani Saaxil.”
Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah Nuur Faarax waxa uu intaasi ku daray “ waxaa aad ugu farax sanahay in aanu maanta halkani ka furno xafiiska Ururka Gurmad ee laga hagayo hawalaha ururka gaar ahaan Gobolkani, waxaanan doonayaa in aanu tilmaano in aanaan doonayn in aanu Ole-ole siyaasadeed ka galno Gobolka Saaxil, laakiin ujeedadu waxay tahay anaga oo marayna sharciga iyo nidaanka wadanka u yaal in aanu xadhiga ka jarno xafiiska uu ururkayagu ku yeelanayo gobolkani.” Ayuu yidhi Gudoomiye Nuur.
Gudoomiyaha Ururka Gurmad sidoo kalena waxa uu ka hadlay arimaha uu Ururkoodu kaga duwan yahay Ururada Siyaasada ee kale waxa uu yidhi “ Ururka Gurmad waxa uu kaga duwan yahay ururada kale arimo badan oo ay ugu horayso, ururkani waxa hogaamiyo dad dhalinyaro ah ama dhalinyaro lagu tilmaami karo, sidaa daraateed waxaanu dadweyna reer Berbera ka codsanayaa inay dhalinyara ururkani Gurmad si weyn u taageeraan, waxanan aanu idinka filaynaa Taaageero weyn oo ka duwan kuwii hore, qolodayada cusubna waxaanu idinka filaynaa taageeradaa, waana markii ugu horaysay ee aanu dadka soo hor istaagno anaga oo weydiisaynayna in aanu dalka hogaamino, waxaan filayaa markaanu siyaasadayada idiin soo bandhigno inaad nala eegidoontaan” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Gurmad.
Waxa kale oo isaguna munaasibadaasi ka hadlay Xoghaya Guud ee Ururka Gurmad Axmed Baaruud Cige hadladiisiina wax ka mid ahaa “ waxa laga yaabaa inay dadkeenu yaqaanaan siyaasiyiintii hore, maanta waxanaan anagu ka mid nahay siyaasiyiinta cusub ee hada masraxa ku soo biiray, ninba maalin ayuubuun ku soo biiray siyaasada, aniga iyo Nuur Faaraxba waxanu nahay siyaasiyiintaas, waxanay taasi muujinsyaa dadaalka dhalinyaradu ay ku jiraan, anagu waxanu soo bandhigyanaa siyaasad cusub oo ah in Siyaasada laga runsheego, oo noloshada laga runsheego.” Ayuu yidhi Goghaya Guud ee Gurmad.
Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Cabdale Iiman Cumar oo aku hadlayey afka dhalinyarada waxa uu sheegay inay ururka Gurmad taageersan yihiin isla markaanay ay ku taageereen siyaadiisa ku aadan inay dhalinyaradu siyaasada iyo tallada wadanka qayb lixaableh ku yeeshaan.