Nairobi-(Berberanews)- Dawladda Kenya ee ay Ciidammadeeda Millaterigu ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya, ayaa daboolk ka qaadday in dagaal ay la gashay Al-Shabaab shalay ku dishay saraakiil sarsare oo kooxdaa ka tirsan.
Afhayeenka Millateriga Kenya, Maj. Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen dagaal shalay ka dhacay gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya. Maj. Chirchir wuxuu sheegay inay dagaalkaas ku dileen saddex dagaal-yahan oo Al-shabaab ka tirsan, isagoo xusay in dagaalkaas uu kaga dhintay hal askari oo ka tirsan ciidamadooda.
“Dagaalka oo dhacay shalay ka dhacay deegaanka Faafax-dhuun waxaa lagu dilay askari ka tirsan ciidamadeenna.” ayuu hadalkiisa ku daray Afhayeenku Millateriga ee Kenya, isagoo sheegay in Ciidammada Dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya iyo kuwoodu ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Faafax-dhuun.
Al-shabaab ayaa beenisay warkaas oo sheegtay inay iyagu weli ku sugan yihiin deegaanka Faafax-dhuun oo ka tirsan gobolka Gedo, wuxuuna sheegay Afhayeenka howgallada Al-shabaab inay iska caabiyeen ciidamada Kenya iyo kuwa DKMG ah ee la socda. “Ciidamada Kenya waxay weerar kasoo qaadeen deegaanka Gariley, waxaana ka hortagay xoogaggeena, nabar culus ayaana la gaarsiiyay halkaas ayayna ku sugan yihiin. Magaalada Faafax-dhuunna innaga ayaa gacanta ku hayna.” Sidaa ayuu yidhi Sh. Cabdicasiis Abuu-Muscab oo ah Afhayeenka hawlgallada Al-Shabaab.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.