“Khilaafku waa wax iman kara, laakiin Madaxda Xisbiga ee garabbada kala noqday waxaan ugu baaqayaa inay iyagu isu yimaaddaan oo ka wada-tashadaan mustaqbalka Xisbiga iyo….” Cali Maxamed X Ibraahin CigaalDubai-(Berberanews)- Cali Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo ah Wiilka ugu wayn Carruurta uu dhalay Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X Ibraahin Cigaal, ayaa ka hadlay khilaafka hadheeyey Xisbiga UDUB oo laba garab u qabsan wakhtigan, isla markaana waxa uu ugu baaqay dhinacyada Xisbiga inay isu tagaan oo ka wadahadlaan waxa ay isku maan-dhaafsan yihiin, soona afjaraan khilaafka, si ay u dhawraan sumcadda iyo midnimada Xisbiga Bahweynta UDUB.
Waxa uu sheegay Cali Maxamed X. Ibraahin Cigaal, ayaa sheegay in Xisbiga UDUB oo Aabbihii aasaasay yahay Xisbi Somaliland wada leedahay, isla markaana aan loo baahnayn wakhtigan in khilaaf ka dhex abuurmo halkii uu bulshada Somaliland iskagaga wadi lahaa, isaga oo xusay inaanu Xisbigu ahayn mid cid gaari yeelan karto ama iibin karto ama ay si kale uga faa’iidaysan karto. Mr. Cali oo ku sugan magaalada Dubai ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay khadka taleefanka kula soo xidhiidhay Xafiiska guud ee Wargeyska Ogaal ku leeyahay Caasimadda Hargeysa.
“Waxaan idiinla soo xidhiidhay inaan ka hadlo khilaafka ka dhex-jira Xisbiga UDUB oo ILLAAHAY ha u naxariistee aasaasay Aabbahay. Sidaa daraaddeed, Xisbiga ciddii wadday annagu qoys ahaan marna kumaannaan faragelin, kuna faragelin mayno, laakiin waxaannu ka damqanaynaa in Xisbiga Baweynta UDUB magiciisii iyo sumcaddiisii la xumeeyo oo maanta Xisbigii ummadda Somaliland ku midaysnayd la yidhaahdo waa la iibinayaa, waa wax ceeb ku ah Bahweynta Xisbiga UDUB ku midaysnayd.” Sidaa ayuu yidhi Cali Maxamed.
Cali Maxamed Ibraahin Cigaal, waxa sheegay inaanu UDUB ahayn Xisbi cidi ka sheegan karto Somaliland, waxaanu yidhi; “Xisbiga UDUB oo ku suntan Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo budh-dhigay aasaaskiisa, maaha Xisbi cid gaar ahi leedahay ama kooxi ay sheegan karto. UDUB Habar-Awal malaha, Ciise Muuse malaha, Habar-Jeclo malaha, Habar-Yoonis malaha, Ciida-gale malaha, Gada-buursi malaha, Dhulbahante malaha, Isaaq malaha ee Somaliland oo dhan baa leh, cid gaar u sheegan kartaana ma jirto. Xisbiga sidaasa ee ay Somaliland oo dhami ku jirto kuna midaysan tahay, waa ceeb iyo sumcad-darro in maanta la yidhaahdo waa la iibinayaa.” “Xisbiga UDUB wuu ka ballaadhan yahay wax shandad lagu rido, wuu ka culus-yahay wax la yidhaahdo maanta waa la iibinayaa oo nin Shandad Lacag ah sita ayaa lagu wareejinayaa, UDUB waxa uu ahaa Xisbi dimuquraaddi ah oo dhexdiisa ay tahay in laga tartamo, ka dibna cidda codka ugu badan heshaa Musharrax noqoto.” Sidaa ayuu yidhi Cali Maxamed I. Cigaal.
“Siyaasaddu lacag maaha, Illaahay ha u naxariisto ee Aabbahay markii uu tagay shirkii Boorama 1993-kii loogu doortay Madaxweynaha Somaliland laba shilin oo lacag ah muu haysan, markaa waxaan leeyahay qorshe fiican oo siyaasadeed baa loo baahan yahay, laakiin siyaasadda lacagi ma goyso.” ayuu yidhi Cali Maxamed X. Ibraahin Cigaal.
Cali waxa uu soo jeediyey in dhinacyada khilaafku u dhexeeyaa xalka isla gaadhaan, waxaanu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi; “Khilaafku waa wax iman kara, laakiin Madaxda Xisbiga ee garabbada kala noqday waxaan ugu baaqayaa inay iyagu isu yimaaddaan oo ka wada-tashadaan mustaqbalka Xisbiga iyo sidii uu u sii ahaan lahaa Xisbi ay reer Somaliland ku midaysan yihiin, waxaanan leeyahay isu-tanaasul yeesha oo soo afjara khilaafka Xisbiga ka dhex-taagan, si uu Xisbigu u sii ahaado mid jira. Waayo? Khilaafka maanta waxa uu keeni karaa in la kala jabo oo Xisbigu guul ka keeni waayo doorashooyinka soo socda. Sidaa daraaddeed, waxaan leeyahay Inta uu Guddoomiyihii UDUB Daahir Rayaale idiin imanayo wuu imanayaabaan maqlaye inaad arrinta dhulka dhigtaan midnimadiinnana ka shaqaysaan.”
Xigasho Wargeyska Ogaal.