War Degdega: Xukuumadda Somaliland oo soo bandhigtay magacyada gacan-ku-dhiiglayaasha Fuliyay dilkii foosha xumaa ee Seemaal

Hargeysa-(Berberanews)-xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horraysay soo bandhigtay magacyada sagaal nin oo ay sheegtay in ay yihiin gacan ku dhiiglayaasha ka danbeeyay dilkii foosha xummaa ee dhawaan ka dhacay Deegaanka Seemaal ee u dhexeeya Gobollada Awdal iyo Gabiley.

kulan ballaadhan oo ay maanta isugu yimaadeen Wasiirka Daakhiliga, Taliyayaasha Ciidammada Qaranka, Bileyska iyo masuulliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda waxa lagaga dhawaaqay magacyada gacan ku dhiiglayaashaas oo dhammaantood maqan, sidoo kalena waxa go’aamo adag laga soo saaray xiisadda Deegaannadaas dhul beereedka ah ee xurguftu ka oogantahay, isagoo Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Gen. Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif) uu shaaca ka qaaday in ciidammadiisu ammar ku haystaan in ay toogtaan cid kasta oo la arko iyadoo hub ku sidata deegaanada lagu muransanyahay.

 magacyada sagaal gacan ku dhiigle oo fuliyey falkii foosha xumaa ee saddexda qof lagu dilay deegaanka Seemaal waxay kalayihiin sidan

1. Cismaan Cali Ducaale

2. Shucayb Cismaan Xirsi

3. Yaasiin Axmed Nuur

4. Cabdi Cumar Cismaan

5. Maqas Maxamuud Maal

6. Cali Xareed

7.Jimcaale Yabaal Xirsi

8.Afyuub Aadan Degal-fadhi

9.Mukhtaar Xuseen  

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale  waxa uu daboolka ka qaaday inay gacanta ku hayaan mid ka mid ah laba nin oo hawasha dilka kala shaqeeyay sagaalkan nin, oo dhammaantood lagu dabajiro  

Email, info@berberanews.com