Guddoomiye-ku-xigeenka UDUB oo Faahfaahin ka Bixiyey Shuruudaha Murrashixiinta Cali Warancadde Jideeyey ee uu Haddana ka soo Horjeestay, Doorashada Jamaal Cali Xuseen iyo aragtidii Rayaale.Dhegaysi

 “Daahir Rayaale maanta maaha Guddoomiye ee  dalkuu ka maqanyahay, maantana anaa Guddoomiye ka ah, maalinta uu yimaadana waan u banaynayaa,,, Guddi fulineedna Go’aankeeda waxa goyn kara shirweyne…”

Hargeysa (Berberanews)- Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga UDUB, ahna madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa markii u horreysay ka hadlay khilaafka ka dhashay go’aankii Guddiga Fulintu sida aqlabiyadda ah ugu doorteen Jamaal Cali Xuseen murrashaxa jagada madaxweynaha ee xisbigaasi.

Md. Axmed Yuusuf oo maanta shir jaraa’id ku qabtay gurigiisa ku yaal magaalada Hargeysa waxa uu sheegay in doorashada murrashaxa madaxweynaha xisbigu ahayd mid sharci ah oo loo maray shuruuc iyo nidaam loo dejiyey oo ansax ah, waxaannu faahfaahin ka bixiyey shuruudaha lagu xidhay murrashaxiinta oo uu ka dambeeyey Cali Maxamed Warancadde, kuwaas oo uu ka horyimi kadib markii uu dantiisa ka waayey.

Halkan ka dhegayso  shirka jaraa’id ee Madaxweyne-ku-xigeenka oo dhammaystiran.

    [audio:http://berberanews.com/wp-content/uploads/2012/01/Axmed-Yusuf-Y.mp3|titles=Axmed Yusuf Y]

 

Isagoo arrintaa sharraxayeyna waxa uu yidhi, “Waxa la isla gartay in xisbigu u baahan yahay miisaaniyad uu dib loogu dhiso oo uu kaga baxo doorashada dawlaha hoose, taas oo khuburo loo saaray oo aad u kala dhigdhigay ay soo saartay inay ku baxayso lacag dhan $300,000 (saddex boqol oo kun oo doollar, kadibna waxa la iswaydiiyey halka lacagtaasi laga keenayo, waa laga dooday waxase loo badnaa bahwaynta xisbiga ha loo qaybiyo, laakiin saaxiibkay Cali Warancadde anigu ceebaynmaayo oo ceesh baanu wada cunaye wuxuu yidhi lacagtaa xisbigu u baahan yahay aniga ayaa xambaaraya oo murrashax ah, waxa la yidhi waar ka daa oo ragga murrashaxiinta ah oo dhan ha loo qaybiyo, maya ayuu yidhi markhaati ayey leedahay oo waxaan dhukumenti ahayni aniga iga reeban, halkaa markay marayso ayaa la bilaabay xeerka murrashaxiinta oo loo saaray guddi dhaqaaleyahan ah. Xeerkaa qodobka khuseeya murrashaxiinta, waxa uu leeyahay, ‘Waxa murrashax kastaa ku soo shubi doonaa xisaab bangi oo gaar ah (special bank account) lacag kayd ah oo dhan $285,000 (laba boqol iyo shan iyo sideetan kun oo doollar) muddo laba toddobaad gudahood ah marka la baahiyo. Waxa maamuli doona xisaabahaa murrashixiinta tartamaya iyo guddoomiyaha xisbiga, haddii loo baahdana murrashaxiintu waxay magacaabi karaan wakiillo guddoomiyaha la maamulaha lacagtaas.”

 “Xeerkan markii Guddiga Fulintu u coddaysay ayaan 13 bishii December ku idhi Xoghayaha baahi oo sida uu xeerku sheegayo in muddo laba toddobaad ah murrashaxiintu ku soo gudbiyaan deebaajiga iyo lacagta kaydka ahba, waana la baahiyey, markay muddadii shan casho marayso ayaa aniga [Axmed Yuusuf], Maxamuud Siciid iyo Siciid Sulub waxa noo yeedhay Cali Warancadde huteelka KAAH oo wuxuu nagu yidhi lacagtii ma hayo, waxaan ku nidhi waar Cali sowdigii lahaa waan xambaarayaa xisbiga, anigu aad baan u naxay markii ninkii aannu saaxiibka ceesh iyo milixda ahayn uu yidhi lacagtii ma hayo, maalintaa Khamiis bay ahayd oo waxaannu ku nidhi bil ilaa Sabtida aannu ku sugno, iyadiina waxay noqotay in aanay waxba ka soo indho-caddayn, maalintii aan idhi haddii ay yimaadaan rag Cali ka tallaabo dheeri markaas ayey ahayd, waa kelmada uu ka xanaaqay ee la yidhi cid buu u eexanayaa, waa markii saaxiibkay Cali Warancadde uu noo xogwarramay ee uu yidhi waxba ma hayo, marka horena rag badan oo dibadaha joogay oo murrashaxiin ahaa ayaanu ku nidhi naga joogga waanu isku filanahaye, laakiin maalintaasi ayaanu soo fasaxnay cid kasta oo murrashax ah,” ayuu yidhi Axmed Yuusuf.

Md. Yuusuf oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi, “Maalintii 26-kii December oo maalin keliya ka hadhsanayd muddadii loo qabtay murrashaxiinta ayaa sida xeerku dhigayo aniga iyo Cali Warancadde aannu akoonkii xistaabta furka ee lacagta murrasha ee laga doonayo uu ku shubi lahaa ka furnay shirkadda Dahabshiil, maalintii 27-kii bisha oo ahayd wakhtigii kama dambaysta ah ee loo qabtay murrashaxiinta ayaan waydiiyey Dahabshiil in Cali Warancadde lacagtii shubay, waxay iigu soo jawaabeen waxba laguma shubin, kadibna Cali sharciga ayaanu u jebinay oo wakhti baanu ugu darnay 28-kii, 29-kii, 30-kii, 31-kii ayaanu waxba shubin. Cali waxa uu dadkii ku wareeriyey akoont shakhsi ah oo isagu leeyahay oo uu lahaa kaasay lacagtii ku jirtaa, dabadeed waxaannu 2-dii bishan socota ee January warqad u qornay Dahabshiil oo aannu ka codsanay inay noo kala caddeeyaan in akoonka Cali sheegayaa yahay mid gaar ah iyo inuu yahay mid wadareed, waxaanay noogu soo jawaabeen akoonkaasi waa mid u gaar ah Cali Maxamed Warancadde ee shaqo kuma lihid.

Murrashaxa kale ee Jamaal Cali Xuseen waxa uu isagu lacagtii kaydka ahaydba oo dhan $285,000 (laba boqol iyo shan iyo sideetan kun oo doollar) uu ku shubay akoon xisaab wadareed ah bangiga Salaam.

Ugu dambayn Ku-simaha guddoomiyaha UDUB waxa uu sheegay in Daahir Rayaale si buuxda ugu igmaday kala xulida murrashaxiinta xisbiga  “Anigu waan ka soo horjeeday ku dhawaaqista murrashaxa ee degdegga ah, markaa mar arrintu adkaatay waan la hadlay Guddoomiyaha (Daahir Rayaale) oo waxaan ku idhi madaxweyne xulida murrashaxiintu haddii aanay ka dambayn doorashada deegaanka khalkhal baa dhici kara ee hebel, hebel iyo hebelba la hadal oo jooji, wuxuu igu yidhi anigaa ka hawlgalaya ee waan kugu soo celin, labadii qolaba waa waydiiyey wuxuu kula hadlay Guddoomiyuhu iyagaa sheegi doona anigu sheegimaayee, aniga ayuu igu soo celiyey oo wuxuu igu yidhi Axmedow dhex noqo oo kala goo, anigu wixii meesha ka dhacay waan kala gooyey oo waxaan raacay aqlabiyadii oo waan ku khasbanahay.”

Berberanews.com

Email, info@berberanews.com