Muqdisho-(Berberanews)- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa khilaafkiisii aad uga sii daray ka dib markii maanta xubno baarlamaanka ka tirsani ay Guddoomiye u doorteen Madobe Nunow. Waxaanu Guddoomiyaha
Waxaana goobta ka dhacay in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka loo gacan qaaday oo qaarkood lagu dakhray goobta. Doorashadani waxay daba joogtaa markii xubno baarlamaanka ka tirsani ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisii ayagoo maqan.
Intaa ka dibna Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay in xil ka qaadistaasi ay ahayd mid aan sharciga waafaqsaneyn. Laakiin xubnaha baarlamaanku hawshoodii ayay iska sii wateen waxayna maanta doorteen guddoomiye kale.
Madoobe Nunow, oo inyar ka dib markii la doortay la hadlay BBC ayaa u sheegay in uu ku dadaali doono in uu xalliyo khilaafka, wuxuuse sheegay in ay tahay khasab in loo hoggaansanaado baarlamaanka.
Xubnahan oo lagu eedeynayo in ay ka soo horjeedaan heshiiskii garowe, waxay ku tilmaameen in ay tahay in heshiiskaas la soo hordhigo baaralamaanka.
ka hor doorashada Mudanayaal ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta markii 4aad gacanta isula tagay, iyadoo ugu yaraan sadex ka mid ah xildhibaanada ay dhaawacyo culus ka soo gaareen.
Qalalaasaha maanta ka dhacay dhismaha golaha shacabka ayaa bilowday ka dib markii xildhibaanada taageersan Gudoomiyaha Baarlamanka Sharif Xassan Sheekh Aden ay soo galeen fadhi u socday xildhibaanada ka soo horjeeda.
Dagaal iyo gacan-isuqaad ka dib ayaa Xildhibaanadii taageersanaa Shariif Xassan xoog looga saaray madashii shirka, waxaana xildhibaabadii kale ay halkoodi ka sii wateen kulanka.
Markii kalfadhiga uu dib u ambaqaaday ayaa xildhibaanadii shirsanaa waxey sheegeen iney kalsoonidii kala noqdeen guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee barlamanka C/weli Sheekh Muudeey.
Berberanews.com
Hargeysa.Somaliland.