Hargeysa-(Berberanews)- Shirweynihii saddexaad ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa markii saddexaad guddoomiye loogu doortay Eng. Faysal Cali-waraabe oo isagu horjooge u ahaa ilaa maalintii la aasaasay.
Shirweynaha oo aanay ka qaybgelin siyaasiyiin waaweyn oo misaan leh, isla markaana aanay ka jirin wax xamaasad iyo xiisad siyaasadeed ahi, waxa si fudud gacanta loogu taagay in markii saddexaad uu guddoomiye ka noqdo Faysal Cali-waraabe oo hore ugu guuldarraystay laba doorasho madaxtooyo oo hore, balse waxa uu sheegay in aannu mar dambe murrashax madaxweynenimo isu taagi doonin. Waxa kale oo halkaasi lagu doortay xubno guddoomiye-ku-xigeenno ah iyo xoghaye.
Go’aan shirka gebogabadiisii laga soo saaray oo dhaliilo iyo tallooyin wada socda loogu soo jeediyey Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa waxa isagoo dhammaystiran uu u qornaa sidan;
“A- Go’aamadii kasoo baxay shirweynihii 3aad ee xisbiga ucid
1- Xisbiga caddaladda iyo daryeelka (UCID) markuu arkay xaallada qallafsan ee dalku ku jiro xagga nabadgelyada, dhqahaalaha iyo siyaasadeed iyo bulshaba wuxuu ugu baaqayaa Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inuu qabto shir wada tashi qaran si looga wadahadlo, loogana yeesho siyaasad midaysan arrimaha inagu soo fool leh;
2- In la adkeeyo nabad galyada iyo madaxbanaanida Somaliland
3- In ay xukuumadu la timaado siyaasadii dalka ay ku hoggaamin lahayd isla markaasna la mideeyo hanan socodka xukuumada oo hadda is dhexyaacsan
4- Inuu Madaxweynuhu ilaaliyo distoorka dalka iyo shuruucdiisaba, isla markaana la kala saaro sharci-dejinta iyo xukuumadii oo isku milmay si loo helo isku dheeli tiran awoodeed (check and balance) sida distoorka Jamhuuriyada Somaliland ku qeexan
5- In maamulka Somaliland lagu fidiyo dhammaan deegaamada Somaliland
6- In qabyaalada iyo musuqmaasuqa baahay oo ah dillaaga qaranimo in la joojiyo
7- In caddaalad-darrada iyo eexda ku baahday dalka la soo afjaro
8- Wuxu xisbiga caddaaladda iyo daryeelku (UCID) Madaxwaynaha Somaliland ku boorinayaa inuu ku soo celiyo xukuumadiisa inuu adkeeyo go’aankii gooni-isu-taaga shacbiga Somaliland oo aad hadda moodo inuu mugdi badani soo galay siyaasaddii arimaha dibada ee Somaliland shacbigii saaxiibada Somalilandba uu shaki wayni soo kala galay.
B- Waxa kale oo uu shirku isku raacay go’aamiyayna una coddeeyayna in la kala saaro jagada gudoomiyaha xisbiga iyo jagada murrashaxnimada madaxweynaha Somaliland oo hore u midaysnaan jiray
1-Waxa kale oo uu shirku isku raacay una coddeeyay awoodna u siiyay hoggaanka sare ee xisbiga in la banneeyo jagooyinka gudoomiye-xigeenka 3aad, 4aad iyo jagada xoghayah guud iyo 50 xubnood oo golaha dhexe ah.
2- Waxa shirweynuhu isku raacay in tiradii jagooyinka ku-xigeenada gudoomiyaha laga dhigo 4 xubnood halkii ay hore uga ahaan jirtay 3 xunood
3-Waxa la isku raacay in gudida fulintana laga dhigo 45 xubnood, halkii ay 33 xubnood ka ahaan jiratay
4- Golaha dhexana laga dhigo 181, halkii uu ka ahaan jiray 151 xubnood
C- Waxa shirweynaha lagu doortay laguna ansixiyay jagooyinkan soo socda:-
• Guudoomiyah xisbiga ucid
Eng. Faysal Cali Waraabe
• Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee xisbiga ucid
Md Aadan Jaamac Hoori
• Gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee xisbiga ucid
Md Cabdixakiim Garaad-Maxamuud Cali Shire
• Gudoomiye ku-xigeenka 3aad
• Ku-xigeenka xoghayaha guud ee xisbiga ucid
Md Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax)
d- Shir gudoonka madasha shirwaynaha 3aad
1. Maxamed Xasan Khayre
2. Maxamuud Cali Jiir
3. Cabdinaasir Yuusuf Qodax.”